Hay'ad ka warbixisay dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay dagaalladii ka dhacay Muqdisho 2009 iyo 2010

Talaado, 23 November, 2010 (HOL) − Hay'adda Life Line Afrika iyo Nation-Link ee maamusha gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee ka howlgala Muqdisho, ayaa warbixin ay maanta soo saartay kaga hadashay dadkii ku waxyeelloobay dagaalladii ka dhacay Muqdisho ee ay gargaarka u fidisay sannadihii 2009 iyo 2010.

Warbixinta, ay hay'addu soo saartay ayay ku sheegay in billowgii sannadkii 2009 illaa sannadkan 2010, ay qaadeen dhaawacyada 6,753-qof, ayna arkeen intii ay howsha gurmadka ah ku jireen dhimashada 2,089-qof.

Hay'addu, waxay sheegtay in 1,553-qof oo ka mid ah dhaawacyadaas ay ahaayeen caruur, halka 2,027-qof oo kalena ay ahaayeen dumar iyo 3,173-qof oo rag ah, kuwaasoo isugu jiray dhallinyaro iyo waayeel.

Sannadkan, laga soo bilaabo bishii Jannaayo illaa Oktoobar, ayay hay'addu sheegtay inay gaadiidkeedu qaadeen dhaawacyada 5,814-qof oo isugu jiray qaybaha kala duwan ee Bulshadaayna arkeen dhimashada 2,171-qof oo kale.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ee ay hay'addu aragtay, ayay ku sheegtay inay ku jireen haween uur leh iyo dad waayeel ah, kuwaasoo rasaas iyo madaafiic ay ugu tagtay degmooyinka Muqdisho.

Guud ahaan, waxay sheegtay hay'addu in dhaawacyada ay gargaarka u fidisay 2009 iyo 2010 ay gaarayaan 12,567-qof, ayna aragtay dhimashada 4,260-qof, kuwaasoo qaarkood ay geysay isbitaallada.

Hay'addan ayaa jirta muddo laba sano ah, waxayna hirgelinteedu ku timid markii ay barteen dagaallada ka socda Muqdisho, lana waayay cid dhaawacma gaarsiisa goobaha caafimaadka, waxaana maaligelisay shirkadda isgaarsiinta Nation-Link oo ka howlgasha Soomaaliya.

Warbixintan, ayaa noqonaysa tii ugu horreysay nooceeda oo ay hay'addan soo saarto, waxaana gaadiidka hay'addan ay shaqeeyaan 24-ka saac, waxayna gargaar u fidiyaan dadka ku dhaawacma dagaallada Muqdisho ee is-daba-joogga ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya