Khamiis, 21, Jan, 2010 (HOL) Inkastoo maanta wax dagaallo ah aysan ka jirin goobaha ay isku hor fadhiyaan Xoogagga ka soo kala jeeday Ahlu Sunna Waljameeca iyo Xisbul Islaam ayaa haddana dhinaca kale waxaa mar marka qaar la maqlayaan dhawaqa Madaafiicda oo ku soo dhacaya qeybo ka mid ah Xaafadaha Magaalada.
Kadib Salaaddii duhur ee maanta ayaa waxaa la maqlayay dhawaqa Qoriga Hoobiyaha ah oo ku soo dhacaya qeybo ka mid ah Xaafadaha Magaalada Beledweyne kaas oo inta la og-yahay sababay dhaawaca qof rayid ah oo markiiba la dhigay Isbitaalka guud ee Magaalada si loo daweeyo.
Goobaha maanta sida weyn loo bartilmaameedsaday ayaa waxaa ka mid ah Xaafadda lagu magacaabo Nuur-xawaad oo qaar ka mid ah Madaafiicdu ku dhacayeen, waxaana xusid mudan in Xaafaddaasi tahay mid inta badan saldhig u ah Saraakiisha Maamulka Ahlu Sunna ee hadda gacanta ku haya Magaalada Beledweyne isla markaana uu ka socdo ganacsi ballaaraan.
Inkastoo dagaallada iyo Xiisadaha ka jira Magaalada Beledweyne yihiin kuwo galay maalintii 12-aad ayaa haddana waxaa wali muuqan hormar ah oo dhinacyada iska soo horjeeda ka sameynayaan Colaadda taagan, walow dhawaan Saraakiisha Maamulka Ahlu Sunna ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne ku baaqeen in dadku dib ugu soo laabtaan guryahooda.
Dhinaca kale waxaa wali isku horfadhiya waddada u dhaxeysa deegaannada Nuur-fax iyo Baar-dheere Ciidamo ka kala tirsan Xoogagga Ahlu Sunna iyo Xisbul Islaam taasoo wal wal iyo cabis intaba ku heysa qaar ka mid ah dadkii u barakacay deegaannada leysku horfadhiyo kuwaas oo qaarkood bilaabay in mar kale ay barakacaan.
Loolanka iyo is-heysiga u dhaxeeya dhinacyada isku diidan Siyaasadda Soomaaliya ayaan wax dan ah ugu jirin guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed oo ah kuwo ku soo daalay is-jiid jiidka aan dhamaadka laheyn ee kooxaha Soomaalida.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online