Khamiis, January 21, 2010(HOL): Ururka Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday inaysan wax cunnoqabteyn ah ku rogayn dekeda iyo garoomada ay maamlaan kooxaha Dowladda ka horjeeda, iyadoo taas ay horay u dalbatay dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Sheekh Shariif.
Shir ay dalalka ku mideysan Midowga Yurub ku yeesheen dalka Spain ayay ku sheegeen inay isku raaceen inaysan qayb ka noqon dalalka cunnoqabteynta kusoo rogaya dekedaha iyo garoomada ay maamulkaan kooxaha dowladda Soomaaliya dagaalka kula jira ee Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam.
Sarkaal ka tirsan EU-da oo hadal ka jeediyay Magaalada Madrid ee dalka Spain ayaa daboolka ka rogay inay jiraan goobo badan oo ku yaalla xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo loo adeegsan karo dekedo isagoo sheegay inay soo jeedinayaan in laga fiirsado in cunnoqabteyn la saaro dekedahaas.
"Midowga Yurub wax lug ah kuma yeelanayo in la is-hortaago howlaha dekadaha ay maamulaan xoogaga ka horjeeda dowladda Soomaaliya, waana qorshe u baahan in laga fiirsado" ayuu yiri Afhayeen u hadlay Midowga Yurub.
Afhayeenkan wuxuu sheegay in ciidamadooda ku sugan xeebaha Soomaaliya ay dagaal kula jiraan kooxaha Burcadbadeeda ah ee maraakiibta Afduuba, talaabo intaas ka badana aysan qaadayn, isagoo sheegay in lagu fashilmayo in la laga horjoogsado kooxaha dowladda Soomaaliya kasoo horjeeda isticmaalka Dekedaha.
Ururka Goboleedka IGAD ayaa u gudbiyay Qarammada Midoobay qaraar ku saabsan in cunnoqabteyn lagu soo rogo dekedaha iyo garoomada ku yaalla goobaha ay maamulaan kooxah dowladda kasoo horjeeda, si looga horjoogsado inay dhaqaale helaan.
Qaraarka ay gudbisay IGAD ayaa ka dhashay codsi ay Dowladda Soomaaliya kaga dalbatay dalalka caalamka sannadkii aanu soo dhaafnay in la horistaago in kooxaha kasoo horjeeda ay u isticmaalaan inay dhaqaale ka helaan ama hub kasoo dajiyaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya