Talaado, 14 December, 2010 (HOL) − Maamulka islaamiga ah ee degmada Kismaayo ayaa maanta kulan la qaatay sarifleyaasha lacagaha qalaad ee suuqyada magaalada Kismaayo, waxaana uu kulankaasi ku saabsanaa sidii loo socodsiin lahaa lacagaha doolarka ah ee duugoobay amaba jeexan.
Kulankan oo ka dhacay xarunta degmada ee magaalada Kismaayo ayaa waxa kasoo qeybgalay ganacsatada suuqa sarifka ee magaalada Kismaayo iyo masuuliyiin katirsan maamulka xarakada Alshabaab ee degmada Kismaayo.
Kulanka kadib ayaa waxa saxaafadda la hadlay gudoomiyaha degmada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo sheegay in ay ganacsatada sarifka kala hadleen sidii ay u socodsiin lahaayeen lacagaha doolarka ah ee duugoobay ama leh jeexdin yar, arintaasoo uu sheegay in ay cabashadeeda kaga timid shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
"Ganacsatada waxaan ugu baaqnay in ay joojiyaan lacagaha doolarka ee meelaha yar ka jeexan iyo kuwa duuga ah ee ay ku celinayaan dadka doonaya in ay ka sariftaan," ayuu yiri Mr. Yacquub oo la hadlayay warbaahinta.
Ganacsatada suuqa sarifka ee magaalada Kismaayo ma sarifaan lacagaha doolarka ah ee leh jeexdin amaba duugoobay, waxaana ay arintaasi saameyn ku yeelatay shirkadaha xawaaladaha magaalada Kismaayo iyo dadka loo soo diro lacagaha doolarka ah.
Ma ahan markii ugu horeysay oo kulan ceynkan oo kale ah ay yeesheen ganacsatada suuqa sarifka iyo maamulka islaamiga ah ee degmada Kismaayo, haseyeeshe waxa jiray kulan ceynkan oo kale ah oo ay hore u yeesheen, kaasoo ku saabsanaa sidii loo socodsiin lahaa lacagaha doolarka ah ee jeexan amaba duugoobay.
Xasan Nuur, Hiiraan Onlinehnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya