Talaado, 14 December, 2010 (HOL) − Dagaallo culus oo geystay khasaare isugu jirtay dhimasho iyo dhaawac, ayaa xalay illaa saakay ku dhexmaraya Muqdisho ciidammada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarrakada Al-shabaab.
Inta la ogyahay dagaalladaas, waxaa ku dhintay shan qof oo rayid ah, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10-qof, kuwaasoo hubkii ay dhinacyadu isdhaafsanayeen ay ugu tageen degmooyin lagu dagaalamayo iyo kuwa ka fog.
Dagaalladan oo ka dhacay degmooyinka Hodan iyo Boondheere ee Muqdisho, ayaa waxay billowdeen markii xoogagga Xarrakatul Shabaab ay weerarro ku qaadeen saldhigyo ay degmadaas kaga sugnaayeen ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM.
"Madafaiic, ayaa ku soo dhacay suuqa Bakaaraha saakay, waxaana arkay dhaawac dhowr qof oo rayid ah, illaa saddex qof oo kalena way dhinteen," ayuu goobjooge ku sugan suuqa Bakaaraha saakay u sheegay HOL.
Xarrakatul Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya, ayaa ku wajahday weerarradeeda jidka Maka Al-Mukarama oo ah midka ugu muhiisan ee ay DKMG ah iyo AMISOM sida joogtada ah u isticmaalaan.
"Dagaallada, waxaa nagu soo qaaday Al-shabaab, waxayna ka dhaceen sayidka, dabka, shaqaalaha iyo xaafadda taleex waana iska caabinnay, ma jirto khasaare ka dhalatay oo aan kuu sheegi karo," ayuu yiri C/qaadir Daahir oo ka tirsan saraakiisha dowladda ee ku sugan degmad Hodan.
Xarrakatul Shabaab, ayaan dagaalka ka hadlin, iyadoo weli la maqlayo hub culus oo ay labada dhinac isdhaafsanayaan, iyadoo dagaalkan lagu soo beegay, xilli uu madaxweyne Sheekh Shariif ka codsaday ciidammada inay ammaanka soo celiyaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya