Isniin , April 05, 2010 (HOL) - Wasiirka amniga DGPL Yusuf axmed Khayr oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinta Bosaaso ayaa sheegay in Maamulku uu qaadayo Talaabooyin Muhiim ah oo ku aadan Xoojinta amaanka gobolka.
Talaabooyinkaasi ayuu ku sheegay Wasiirku in Wax looga badalayo habka ay u shaqeeyaan Ciidamada Amaanka Puntland si ay uga qayb qaataan xaalado ka jira meelo ka mid ah Puntland.
Waxaa kaloo uu Wasiirku ka hadlay Colaado ka jira Meelo kamid ah Gobolka Mudug iyo Bari ,Waxaana uu ku baaqay in Colaadahaasi la soo gaba gabeeyo ,isla markaana laga wada heshiiyo sida ugu haboon.
Yuusuf Axmed Khayr Wasiirka amniga Punltand ayaa sheegay in Guulo laga gaaray Amini xumadii ka jirtay Magaalada Bosaaso oo horay ay uga dhici jireen Falal amaanka Lid ku ah.
Sidoo kale yuusuf Axmed Khayr Waxa uu ka hadlay Burcad badeeda ku sugan xeebah Puntland Maalmo ka dib oo u shir ku qabtay Magaalada Bosaaso ,Waxaana uu xusay in Beesha Caalamka looga baahanyahay taageero arintaasi ku aadan.
Waad la socotaan in Punltand aysan Tababar u ahayn Burcadd Badeeda ,Sababtuna Waa xabsiyadii oo naga buuxsamay "ayuu yiri Wasiirka oo ka hadlayay xaaladaha qaar ee Puntland.
laga soo bilaabo isbadaladii uu sameeyay Madaxwayne Faroolle Waxaa gudaha Puntland laga dareemay Xasilooni dhanka amaanka ah ,inkastoo Colaado ay ka soo cusboonaadeen meelo kamid ah Bari iyo Mudug.
Faisel Maxamed Hassan(Boston),Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso,Somaliya
Wasiirka amniga puntland oo Sheegay in Guulo laga gaaray amni xumo ka jirtay G/Bari iyo arimo kale
More News
- Banaanbax lagu taageerayay Guddoomiye cusub oo u sharraxan Degmada Xamarjajab oo maanta ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir
- Xildhibaanno kulan ku yeeshay Muqdisho oo sheegay inay dooran doonaan guddoomiye cusub oo guddoomiyaha fadhiyada Baarlamaanka
- Xukuumadda Yemen oo sheegtay in Al-Qaacidada Bariga dhexe ay aadeen dalka Soomaaliya si ay halkaas uga sameystaaan saldhig KMG ah
- Wadada Dheer ee isku xirta Magaalooyinka Kismaayo iyo Dhoobley oo ay gooyeen biyo ka dhashay roobab xoog leh oo halkaasi ka da’ay.
- Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dib u dhigtay qorshe dagaal oo ay ku qaadi lahayd xoogagga kasoo horjeeda ee ku sugan Muqdisho
- Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo loo qabqabtay dhac ay geysteen dad rayid ah, lana sheegay in Maxkamad lasoo taagayo
- Dagaal saakay labo Beelood ku dhaxmaray dagaanno hoostaga dhulka Ismaamulka Itoobiya.
- Burcad badeeda Soomaali ah oo qabsatay Markab shidaal oo laga leeyahay dalka South Korea.