Isniin, 5, April, 2010 (HOL) Iyada oo Burcad badeeda Soomaalida ee ka qaraabada Xeebaha Soomaaliya sii laba jibaarayaan Af-duubka Maraakiibta iyo Dooyaha maraya Xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ka durugdan intaba, ayaa wararkii ugu danbeeyay ee soo la hellayo waxaa ay sheegayaan in Burcad badeed Soomaaliy ah khafaasheen Markab kuwa Shidaalka qaada ah oo laga leeyahay dalka South Korea.
Wasaarrada Arramha dibada dalka Korea oo arrinta ka hadashay ayaa sheegtay in ay ka warhayaan in Burcad badeeda Soomaali ah gacanta ku dhigeen Markab ay lahaayeen oo ah kuwa shidaalka qaada, waxaana ay Wasaarradu intaa ku dartay in Markabka la khafaashay yahay mid markiiba qaadi kara 300, 000 oo tan oo shidaal ah.
Wasaarradu waxaa kaloo ay sheegtay in Markabka oo lagu magacaabo Samho Dream oo ka soo anba baxay Degad ku taala dalka Iraaq isaga oo ku sii jeeday dhinaca dalka Mareykana, waxaana ay Burcad badeeda Soomaalidu ka heleen isaga oo maraya meel ka baxsan Xeebaha Soomaaliya.
Markabka oo qaadi kara sida la sheegay Shidaal qiimahiisu gaarayo ilaa 175 Miliyan oo Dollar, ayaa waxaa la socda sida la sheegay ilaa 24 badmaax oo u kala dhashay dalalka South Korea iyo Filibin
.
Dowladda South Korea ayaa la sheegayaa in ay hadda wado qorshe ay ku dooneyso in ay ku bad baadiso Markabka iyo shaqaalaha saaran intaba, waxaana la og-haya in Dowladda Korea ka mid tahay Dowladdaha Ciidamadoodu joogaan Biyaha Soomaaliya is loola socda dhaq dhaqaaqa kooxaha Burcad badeeda ah.
C/raxmaan Diini, Hiraan Online
[email protected]
Burcad badeeda Soomaali ah oo qabsatay Markab shidaal oo laga leeyahay dalka South Korea.
More News
- Banaanbax lagu taageerayay Guddoomiye cusub oo u sharraxan Degmada Xamarjajab oo maanta ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir
- Xildhibaanno kulan ku yeeshay Muqdisho oo sheegay inay dooran doonaan guddoomiye cusub oo guddoomiyaha fadhiyada Baarlamaanka
- Xukuumadda Yemen oo sheegtay in Al-Qaacidada Bariga dhexe ay aadeen dalka Soomaaliya si ay halkaas uga sameystaaan saldhig KMG ah
- Wadada Dheer ee isku xirta Magaalooyinka Kismaayo iyo Dhoobley oo ay gooyeen biyo ka dhashay roobab xoog leh oo halkaasi ka da’ay.
- Wasiirka amniga puntland oo Sheegay in Guulo laga gaaray amni xumo ka jirtay G/Bari iyo arimo kale
- Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dib u dhigtay qorshe dagaal oo ay ku qaadi lahayd xoogagga kasoo horjeeda ee ku sugan Muqdisho
- Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo loo qabqabtay dhac ay geysteen dad rayid ah, lana sheegay in Maxkamad lasoo taagayo
- Dagaal saakay labo Beelood ku dhaxmaray dagaanno hoostaga dhulka Ismaamulka Itoobiya.