Sarkaal sare oo Qaramada Midoobay ka tirsan oo taageeray in maxkamad la soo taago dadkii dembiyada dagaal ka geystay Soomaaliya

Sabti, May 02, 2009(HOL): Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in loo baahan yahay in maxkamad la soo taago dadkii dembiyada dagaal ka geystay Dalka Soomaaliya.

“Waxaan si kalsooni leh u maleynayaa in ay jireen in ay dhinacyadii ku dagaallamay Soomaaliya ay galeen dembiyo dagaal iyo kuwo ka dhan ah bani’aadannimo, kuwaasi oo weliba aad khatar u ah”sidaas waxaa yiri Wakiilka Soomaaliya ee Hay’adda UNHCR Mr. Guillermo Bettocchi oo sheegay in ay jiri doonaan fursado dadkii dembiyada dagaal galay sharciga lagu horkeenayo.

Mr. Guillermo Bettocchi wuxuu sheegay in aragtidiisa ay la tahay in guddi caalami ah oo soo baara dembiyadii Soomaaliya ka dhacay la sameyn doono, si buu yiri loo soo baaro xad-gudubyadii dhacay, iyadoo kadibna caddeymaha lagu wareejin doono Maxkamadda Caalamiga ah ee dembiyada.

Sarkaalkan ka tirsan Qaramada Midoobay oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ayaa wuxuu intaas ku daray in ay jireen deegaanno ay ka dhaceen dembiyo si bareer ah loo galay, kuwaasi oo loo geystay dad aan waxba galabsan.

Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa horay ugu baaqday in la sameeyo guddi soo baara Dembiyadii ka dhacay Dalka Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991-kii ku soo jiray xaalad fowdo ah.

Sida ay baahiyeen Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha waxa dagaallo ka dhacay Soomaaliya labadii sano ee aanu ka soo gudubnay lagu dilay dad gaaraya 10,000 oo shacab ah, sidoo kalena waxay dhaliyeen dagaalladaas barakac ku yimid dad gaaraya 470,000 oo ruux, kuwaasi oo ku nool wadamada deriska, halka 1.3 milyan oo Soomaali ahna ay gudaha dalka Soomaaliya ku barakaceen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya