4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 2 , 2009
PROF. DALXA: “Haddii aan qaldanahay na saxa, laakin ha nagu sixina Madfac iyo Bastoolad”

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka- Prof. Maxamed Cumar Dalxa
Sabti, May 02, 2009(HOL): Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa isagoo ka hadlayay xaflad lagu maamuusayay maalinta shaqaalaha Adduunka oo shalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho wuxuu ka hadlay dhibaatooyinka dhexyaalla dowladda Soomaaliya iyo xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda.

Prof. Dalxa waxaa uu sheegay in shacbka Soomaaliyeed ay muddo sanado ah ku soo jireen dhibaatooyin aan horay uga dhex dhicin dadka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in dhibaatooyinkaas ay ka mid yihiin in la dilay dad masjid ka soo baxay, kuwaasi oo qaarkood ay ahaayeen Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

“Xildhibaan Cabdalla Deerow ayaa la dilay isagoo ka soo baxay Masjid uu Salaadda Jimcaha ku soo tukaday, waxaa la dilay Xildhibaan Maxamed Cusmaan Maye oo ka soo baxay Masjid uu ku soo tukaday Salaadda Taraawiixda, Xildhibaan Timir ayaa sidoo kale la dilay, Bambo la rabay in lagu dilo Xildhibaan Maxamed Xuseen Raage ayaa waxaa ku dhintay wiilkiisii curadka ahaa, Aniga iyo Xildhibaan Cusmaan Caato waxaan ka badbaaday Weerar bambaano ah oo lagu soo qaaday guri aan deganeyn”ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa.

“Waan qaldami karnaa Bani’aadam ayaan nahay, haddii aan qaldannahay na saxa, laakin ha nagu sixina Madfac iyo Bastoolad”ayuu yiri Prof. Dalxa oo intaas ku sii daray in haatan ay Xildhibaannada ka baqayaan in ay Salaadda Masjidyada ku soo tukadaan, iyagoo ka baqaya in la dilo.

Waxaa uu ka sii hadlay Prof. Dalxa kala cararka ku dhacay Dadka Soomaaliyeed iyo sida ay Qaaradaha Adduunka ugu kala firireen, “Soomaaliya waxaa la dhihi jiray waa isku af iyo isku dhaqan, haddii sida aan nahay aan ku sii soconno waxaa dhici doonta in ay dalka yimaadaan dad Soomaaliyeed oo kala afaf ah, waayo Soomaalida dibadaha u baxay caruurta ay dhaleen waxay ku hadlayaan afafka looga hadlo dalalka ay joogaan, waxaana iska cad in ay imaan doonaan wiilal iyo gabdho dhahaya akhuunaa…akhuunaa”ayuu mar kale yiri Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo intii uu hadlayay ay aad u qoslayeen dadkii khudbaddiisa dhegeysanayay.

Ugu dambeyntiina, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay aayahooda ka tashadaan, isla markaana ay iska saaraan xumaanta ay laabta isugu hayaan, isagoo caddeeyay in aaney dadka Soomaaliyeed marna kala maarmi karin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya