Axad, 7, Juun, 2009 (HOL): Magaalada Beledweyne ee Xarunta u ah Goballka Hiiraan ilaa laga gaaro deegaanka Kala-beyr oo qiysaastii 25 km, dhinaca Waqooyi kaga beegan Magaalada Beledweyne waxaa saacadihii aynu soo dhaafnay siweyn looga dareemayay dhaqdhaqaayo ay wadaan Ciidamada Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan iyo Ciidamo Soomaali ah oo dhawaan ka soo gudbay dhinaca degmada Feer-feer ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Ciidamada oo ku hubeysan gadiidka dagaalka ayaa isku fidiyay duleedka dhulka ku dhirirsan Magaalada Beledweyne, waxaana sida ay HOL u sheegeen gadiidleyda ku safarta wadada isku xirta Magaalada Beledweyne iyo deegaanka Kala-beyr la arkayay Ciidamada oo si foogin ula socanaya dhaq dhaqaaqa gadiidka isticmaala wadada.
Sidoo kale warar kale oo soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan iyaguna lagu arkay dhinaca Xadka kuwaa oo ka badan kuwii horay halkaa u sii joogay, inkastoo Ciidamadaasi yihiin kuwo aan wax dhaq dhaqaaq ah wadin.
Lama garanayo sababta dhaq dhaqaaqan Militare ee ka bilaawday gudaha Magaalada Beledweyne iyo deegaannada ku dhaw dhaw, waxaase xusid mudan in labadii cisho ee la soo dhaafay ay ka dhaceen qeybo ka mid ah Goballada dhexe dagaalo ay ku lug lee yihiin kooxaha ku kacsan Dowladda Soomaalia gaar ahaan Goballka Gal-gaduud iyaga oo la wareegay gacan ku heyta deegaanka Wabxo oo ka tisan Degmada Ceel-buur.
Dhinaca kale waxaa iyana jirta in Ciidamadu siweyn uga foojigan yihiin in xoogagga ka tirsan kooxaha mucaaradka ka gudbaan dhinaca deegaanka Kala-beyr iyaga oo ku sii jeeda Goballada dhexe sidii marar badan oo horeba ay sameeyaan kooxaha dagaalamaya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Dhaqdhaqaaq dhinaca Ciidamada ah oo saacadihii aynu soo dhaafnay laga dareemay Magaalada Beledweyne iyo deegaannada ku dhaw
More News
- SHIIKH XASAN DAAHIR AWAYS: “Waan caafimaad cabaa, berri ayaan shir jaraa'id qaban doonaa”
- Agaasimihii Idaacadda Shabeelle oo Muqdisho lagu dilay
- Afhayeen u hadlay Ahlu Sunna Wal-jamaaca oo sheegay in dagaalkii dorraad ka dhacay Deegaanka Wabxo uu ku dhaawacmay Shiikh Xasan Daahir Aweys
- Qarax ka dhacay Isgoyska Nasiibuundo ee Degmada Shibis oo dhimasho iyo dhaawac geystay
- Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Elman oo ku baaqay in la joojiyo dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho
- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Bay ee Dowladda Soomaaliya oo beeniyay in ay Ciidamo Itoobiyaan ah soo geliyeen Soomaaliya
- Aadan Cabdi Ciise Garaaso oo gaaray Magaalada Beledweyne
- Xukuumadda Somaliland oo xabsiga u taxaabtay dad xalay ka mudaharaaday Biyo-la’aan ku soo wajahday Hargeysa
- Maamulka Islaamiga ah ee J/dhexe oo ka hadlay weerarro la sheegay in lagu soo qaadayo Gobollada bay iyo Bakool