Axad, 7, Juun, 2009 (HOL): Maamulka Islaamiga ah ee Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ee gacanta ku haya Magaalada Bu'aale ee Xarunta Gobolka J/dhexe ayaa saaka ka hadlay xaaladaha Dagaal ee laga cabsi qabo in ay ka qarxaan Gobolada Bay iyo Bakool.
Gudoomiyaha Gobolka J/dhexe Xuseen Cabdi Geedi oo saaka ka hadlay Arrimahaasi ayaa sheegay in ay Ciidamo u dirayaan Gobollada Bay iyo Bakool halkaasoo laga cabsi qabo in ay dagaallo ka qarxaan.
Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ay isla shaqeynayaan dhamaanba Maamullada Islaamiga ah ee ka jira Koonfurta Wadanka Soomaaliya, waxkastoo dhacana ay u wada jirayaan ka hortagga ciidamada la sheegay in ay duullaanka ku soo yihiin.
Maamulka ayaa hadalkan shaaciyay kaddib markii la sheegay in ay xadka ka soo gudbeen Ciidamo wato gaadiidka Dagaalka oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan kuwaasoo ku soo wajahan gobolada Bay iyo Bakool sida ay sheegayaan wararka laga helayo Deegaannada Qallaafe iyo Mustaxiil ee Dhulka Soomalida Galbeed ee wadanka itoobiya, halkaasoo Ciidamadani ay ka soo ambabaxeen.
Hadalka uu sii daayay maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xilli dagaallo culusi ay ka jiraan meelo ka mid ah Koonfurta Wadanka Soomaaliya ayna ka mid tahay Magaalada Muqdisho iyo Gobolka G/gaduud, lamana oga sida ay wax noqon doonaan.
Hiiraan Online
Kismayo, Soomaaliya
Maamulka Islaamiga ah ee J/dhexe oo ka hadlay weerarro la sheegay in lagu soo qaadayo Gobollada bay iyo Bakool
More News
- SHIIKH XASAN DAAHIR AWAYS: “Waan caafimaad cabaa, berri ayaan shir jaraa'id qaban doonaa”
- Agaasimihii Idaacadda Shabeelle oo Muqdisho lagu dilay
- Afhayeen u hadlay Ahlu Sunna Wal-jamaaca oo sheegay in dagaalkii dorraad ka dhacay Deegaanka Wabxo uu ku dhaawacmay Shiikh Xasan Daahir Aweys
- Qarax ka dhacay Isgoyska Nasiibuundo ee Degmada Shibis oo dhimasho iyo dhaawac geystay
- Dhaqdhaqaaq dhinaca Ciidamada ah oo saacadihii aynu soo dhaafnay laga dareemay Magaalada Beledweyne iyo deegaannada ku dhaw
- Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Elman oo ku baaqay in la joojiyo dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho
- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Bay ee Dowladda Soomaaliya oo beeniyay in ay Ciidamo Itoobiyaan ah soo geliyeen Soomaaliya
- Aadan Cabdi Ciise Garaaso oo gaaray Magaalada Beledweyne
- Xukuumadda Somaliland oo xabsiga u taxaabtay dad xalay ka mudaharaaday Biyo-la’aan ku soo wajahday Hargeysa