Maamulka Kismaayo oo mar labaad soo rogay in xiliyada Salaadda la xiro Goobaha Ganacsiga

Sabti, July 04, 2009(HOL): Maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismayo ayaa mar labaad amar kubixiyey in al-baabada ganacsi la xiro marka lagaaro xiliyada Salaadda.

Maamulka ayaa sheegay in loo baahan yahay in lagu dadaalo waajibka Allaah oo ay ugu horreyso waqrtiga Salaadda oo la ilaaliyo waxa ay intaasi ku dareen in aysan jireen goob ganacsi oo furnaan karta ayadoo la joogo xiliga Salaadda iyadoo ciddii ammarkaas u hoggaansami weysanaya  laga qaadayo ganaax lacageed oo dhan 300 boqol kun oo Shilin Soomali ah sidoo kalena xabsiga loo taxaabayo ciddii lagu qabto goobtaasi.

Waxaa jira  dad xabsiga la dhigay kuwaasi  oo lagu soo eedeeyay in ay ka daaheen waqtiga Salaadda la tukanayay iyadoo maamulkuna ay amar ku baxsheen in qofkii la qabto isagoo salaadda ka dib dhacay ay xabsiga dhigayaan muddo saacad ah sidoo kalena tacsiir lagu fulinayo .

Maalin walba marka la gaaro waqtiga salaadda waxaa magaalada ku soo faaafa ciidamo loogu talo galay in ay dadka salaadda ku amraan kuwaasoo amar ku bixnayo in la joojiyo ganacsiga guud ahaanba xiligaasi ayna dadku galaan masaajidda .

Ma ahan markii ugu horreysay oo amarkani lagu soo rogo dadka magaalada Kismaayo tan iyo horraantii sanadkan ayaa waxaa jiray amarro ay soo saarayeen maamulka ayadoo dhamantoodna amarradaasi ay ka hirgaleen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta u ah gobolka Jubbada Hoose .

 Hiiraan Online
Kismaayo-Somalia