Sabti, July 04, 2009(HOL): Dowladda Mareykanka ayaa u xaqiijisay Dowladda Soomaaliya in ay la garab taagan tahay taageero hiil iyo hooba leh oo ay ku hananeyso awoodda dalka Soomaaliya.
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika Johnnie Carson oo kulan kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed Magaalada Sirte ee Dalka Liibiya ayaa sheegay in ay Dowladda Mareykanka diyaar ula tahay dowladda Soomaaliya taageero dhinac walba ah.
Waxaa uu sheegay Mr. Johnnie Carson in Dowladda Mareykanka ay Dowladda Soomaaliya ka caawineyso dhinacyada tababarka ciidamada, dhaqaalaha iyo logistic-kada si buu yiri ay uga adkaato kooxaha ka soo horjeeda
Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan xaqiijisay in ay hub iyo rasaas u dirtay Dowladda Soomaaliya, iyadoo sheegtay in hubkaas iyo tababarro la siiyay Ciidamo Soomaali ah ay ku kacday lacag dhan 10 Milyan oo Doollar.
Dowladda Soomaaliya oo dagaallo xooggan kula jirta xoogag ka soo horjeeda ayaa waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay dalalka Beesha Caalamka uga heli lahayd taageero mileteri, iyadoo dhawaanna ay ahayd markii Dowladda ay si buuxda uga codsatay dalalka Caalamka iyo kuwa Soomaaliya la deriska ah inay u soo gurmadaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya