Ardeyda Jaamacadda Muqdisho faraceeda Puntland oo Imtixaankii finalka u fariistay


Axad, January 18, 2009(HOL): Ardayda wax ka barata qeybaha kala duwan ee Jaamacadda Muqdisho faraca Puntland ayaa marka ay Taariikhdu ku beegneyd 17/0l/2009 waxa ay u fariisteen Imtixaankii finalka semesterka 1aad ee sanad Dugsiyeedka 2008 - 2009 Imtixaankan socondoona mudo 10 casho ah,waxaana maalin walba ay ardaydu gali doonaan mid ka mid ah moodooyinka ay dhigtaan.
 
Agaasimaha xafiiska gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Adam Ahmed Hussein ayaa shir saxaafadadeed uu ku qabtay Xafiiskiisa ka hadlay waxqabadka jaamacadda isagoo Amuurtaasi ka hadlayana waxa uu yidhi: "03/08/2008 ayaa Magaalada Boosaaso laga furay faraca Jaamacadda Muqdisho ee DG/Puntland. faracani waxa uu ka koobanyahay Qaybaha kala ah: shari’a & law, social science, math & physics, Economics, Business Administration, Accounting iyo Public Administration"
 
Agaasimaha xafiiska guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Adam Ahmed Hussein ayaa Intaas raaciyay "Faraca Puntland waa faracii ugu horeeyay ee Jaamacadda Muqdisho ay ka furto meel ka baxsan caasimadda dalkeena ee Muqdisho, si loo xaqiijiyo hadafka Jaamacadda ee ku aadan in dhamaan gobalada dalaka lagu baahiyo tacliin Jaamacadeed oo tayaysan
 
Qaar kamid ah Ardayda Jaamacad Muqdisho ee laanteeda Magaalada Boosaaso kuwaas oo oo HOL u xog waramay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin Inay galaan Imtixaankii 1aad iyaga oo jaamiciyin ah islamarkaana ka gudbay heerkii Dugsiga sare ,waxaana ay intaasi ku dareen in sidii ay rabeen Imtixaanka loogu soo diyaariyay.
 
Jaamacadda Muqdisho oo la furay 22/9/1997dii waa Jaamacaddii ugu horaysay ee laga aasaasay dalka kadib burburkii dawladdii dhexe ee soomaaliya 1991 dii, waxaana jaaamacada ay ka koobantahay 7 kulliyadood oo ay hoostagaan 21 takhasus oo heer jaamacadeed ah.
 
Sidoo kale Jaamacadda Muqdisho ayaa wada qorshayaal ay kala kaashanayso jaamacdo ku yaala dalka dibadiisa ,kaasi oo wax looga badlay heerarka waxbarasho ee Puntland ,iyadoo inta badan jaamacada muqdisho ay wax wayn ku soo kordhisay.
 
Jaamacadda ayaa sidoo kale Puntland ka wada qorshayaal ay iska kaalmaysanayaan Jaamacado caalami ah oo ku yaala wadamada Malesiya, Sudan, South Afrika, Ingriiiska iyo America. Afafka waxbarashadu waa Afka Carab iyo Afka Ingriisiga, oo labaduba ah Afafka rasmiga ah ee Jaamacadda,waxaana Jaamacada ay soo saartay 8 dufcadood oo ka qaatay shahadada Bsc , BA & MA.
 
Jaamacadda oo leh aqoonsi caalami ah kana mid ah 40-ka ugu horeeya Jaamacadaha Qaaradda Africa, waxa ay xubin buuxda ka tahay 6 urur Jaamacadeed caalami ah oo ay ku jiraan in ka badan 750 Jamacadood
 
Gudoomiyaha Jaamacadda Dr. Cali Sheikh Axmed ayaa ugu hambalyeeyay ardayda dadaalka dheeriga ah ee ay kubixiyeen waxbarshada isaga oo u rajeeyay in ay guulo wax kuool ah ga gaaraan imtixaanda finalka simistar1aad, gudoomiyuhu waxa uu mahad naqay dhamaan waalidiinta madaaristii soo Barbaarisay arday Jaamacadda, waxaana ardayda kula dardaarmay in ay himaddooda iyo dadaalkooda sii laba laabaan, wuxuuna ugu duceeyay in ay dadka iyo diinta ku anfacaan aqoontooda.



Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Somalia