Axad, January 18, 2009(HOL): Waxaa xalay xaafadda Laanta Hawada ee magaalada Boosaaso lagu dilay nin ganacsade ah, kaasi oo si weyn looga yaqaanay gudaha DGPl, Waxaana dilkiisa gaystay dhalinayro afka soo duubtay .
Marxuumka dhintay ayaa lagu magacaabaa Saacid, waxaana dad goob joogayaala ah ay sheegeen in ay arkayeen dhalinyaro sii cararaysa,iyadoo arinta loo dilay lagu sheegay in ay tahay Mobil uu watay marxuumka oo ay burcaddu ka dalbadeen in uu soo dhiibo deetana uu ku faro adeegay .
Ciidamo ka tirsan kuwa degmada ayaa goor dambe gaaray goobta uu dilkani ka dhacay, mana jirto ilaa iyo hadda cid loo soo qabtay dilka marxuumkaasi oo labo ku noqoya dadka lagu dilay mobilo ay wateen.
Taliyaha Qeybta Boosaaso oo wax laga weydiiyay dilkaasi ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aadan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaaayeen gacan-ku-dhiiglayaashi ka danbayay dilka marxuumka geeriyoooday .
Habeen ka hore ayay ahayd markii gabar sidaan oo kale loogu dilay mobile ay wadatay gudaha maaalada Boosaaso ,waxaana la aamin sanyahay in arimahaan ay yihiin kuwo lagu khal khal galinayo ammaanka degmada .
Tan iyo intii ay bilawdeen ololaha doorashooyinka DGPL ma jirin cid xil iska saaratay ammaanka meelo ka mid ah DGPL gaar ahaan magaalada Boosaaso oo ah xarunta ganacsi ,waxaana dhacda in haddii falalkaan ay sii kordhaan laga yaabo in ammaanka uu faraha ka baxo.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso,Somalia
Nin Ganacsade ah oo Mobile dartii loogu dilay Boosaaso
More News
- Banaanbaxyo lagu taageerayo ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya oo ka dhacay Gobollada Hiiraan, Shabeeleha Dhexe iyo Banaadir
- Maamulka Gobolka Banaadir oo Ururrada Al-Shabaab iyo Raas-Kambooni ku eedeeyay in aysan rabin Nabad ka dhalata Magaalada Muqdisho
- Ardeyda Jaamacadda Muqdisho faraceeda Puntland oo Imtixaankii finalka u fariistay
- Dagaalkii ugu horeeyay oo xalay Muqdisho ka dhacay kadib bxiitaankii Ciidamada Itoobiya
- Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye oo ka digay in la sii barakiciyo Dadkii Muqdisho ka barakacay oo soo noqonaya
- Barakac ka bilowday Baardheere
- Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee Muqdishoc iyo Afgooye ka baxay oo ka gudbay Magaalada Baydhabo
- Madaxwaynaha Puntland oo Magacaabay Golihiisa Wasiirrada
- Mas'uuliyiinta Maamulka Islaamiga G/Hiiraan oo soo dhaweeyay ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya