Senator Barack Obama oo ku dhow in uu noqdo Musharaxa Xisbiga Dimoqoraadiga

Jimco, May 30, 2008 (HOL) - Tartanka mudada dheer qaatay ee u dhaxeeya musharaxiinta xisbiga demoqraadiga ayaa waxa uu soo gaaray xilli Senator Barack Obama u muuqdo musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga

 

Mussharaxa kursiga madaxweynha ee xisbiga dimoqraadiga ayaa waxa looga baahanyahay in uu la yimaado madasha shirweynaha xisbiga ee lagu qaban doono magaalda Denver ee gobolka Colorado bisha soo socota eeAugusto, ugu yaraan codka 2,026 ergo, Sen. Obamaa ayaa  waxa uu heystaa codka 1,981 ergo waxa una u baahanyahay 45 cod oo kali ah, halka Sen. Hillary Clinton oo ah musharaxa la tartamaya Sen. Obama ay heysato codka 1,782 ergo una baahan 244 cod oo kale.

 

Tartankan u dhaxeeya labadan musharax ee isku xisbiga ah waa Sen. Obama iyo Sen. Clinton ayaa waxa uu soo maray marxalado kale duwan, kaas oo dadka arimahan indha-indheeyo ay sheegeen in uu raad xun ku yeelan karo musharaxa kama dambeysta ah ee la tartami doona John McCain oo u sharaxan xisbiga Republican-ka.

 

Waxaa xusid Mudan muranka ba`an ee ka taagan codadka ergada laga soo doortay gobolda Michigan iyo Florida, labadan gobol ayaa waxaa xisbiga Dimoqraadiga  ku ciqaabay in aan codkooda la xisaabin kadib markii ay doorashooyinkooda ka soo hormariyeen waqtigii xisbiga ugu tala galay. Sen. Obama ayaan magaciisa lagu arkin goobahii laga codeeynayey ee gobolka Florida, halkaas oo ay Sen. Clinton ku qaadatay codadka labdan gobol, arintan ayaa waxa ay dhalisay muran ba`an oo dhaxeeya xisbiga Dimoqraadiga. Gudi arintaan loo xil saaray ayaa waxa ay  kulmi doonaan maalinta Sabtida Mar 31.

 

 

 

Sen. John McCain oo ah musharaxa la filayo ee Xisbiga Republican-ka ayaa dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay waxa uu aad u dhaliilay siyaasad Sen. Barack Obama, waxuuna ku tilmaamey nin aanan aqoon badan u la heyn dhibaatooyinka wadanka heysta oo kamid yahii Dhaqaalaha iyo dagaalka Ciraaq, halka Sen. Obama uu sheegay  in Sen. McCain uu heysto siyaasada qaldan ee Madaxweyne Bush, “Dadka mareykanka ah uma babac dhigi karaan afar sano oo kale oo ah siyaasada Madaxweyne Bush” ayuu yiri Sen. Obama mar uu lahadalayey dadweynaha Mareykanka

 

Dadka Mareykanka ayaa si gaar ah ugu xulanaya madaxweynahooda mustaqbalka arimaha ay ka mid yihiin Dhaqaalaha, Qorshaha ku aadan dagaalka Ciraaq, iyo Caafimaadka.

 

A.Jahweyn, Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis, Minnesota