Jimco, May 30, 2008(HOL): Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Fulinta Isbaheyisga Dib u xoreynta Soomaaliya Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in ay heleen warar sugan oo ku saabsan in Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan ay Dalka Yemen kulan kula yeesheen Diblumaasiyiin Itoobiyaan ah.
Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo isagoo ku sugan Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in warkaas ay ka heleen Dad ay ku kalsoonaan karaan oo ku sugan Dalka Yemen, wuxuuna ku tilmaamay kulanka dhexmaray mas’uuliyiinta Isbaheysiga iyo Diblumaasiyiinta Itoobiya Shirqool loo maleegayo Shacabka Soomaaliyeed.
“Shirqoolka wuxuu ka soo bilowday Nairob oo ay Raggaas kula kulmeen Qaramada Midoobay, isla markaana ay kula saxiixdeen qoraallo aan lagu sheegin in ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya”ayuu yiri Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo sheegay in aysan ahayn Itoobiya oo xoog ku heysata Soomaaliya in lala galo wada hadal.
“Cadaw ku heysta wada hadal kuma baxayee xoog ayaa looga saarayaa wadanka, hadana waaba sii yaraaneysaa awooddooda oo ma heystaan tabar ay uga hor-yimaadaan Xoogagga Muqaawamada”ayuu mar kale yiri Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.
Haddaba iyadoo uu Sakariye sheegayo in ay mas’uuliyiinta sare ee Isbaheysiga Dib u xoreynta la kulmeen Diblumaasiytiin Itoobiyaan ah ayaa hadana waxaa warkaas jiritaankiisa beeniyay Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in uu warkaas yahay mid aaney waxba ka jirin oo la doonayo in lagu jaha-wareeriyo Shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kalena waxaa jriitaanka warkaas beeniyay Prof. Ibraahim Xasan Caddow oo ku sugan dalka Yemen, wuxuuna si cad u sheegay Professor Caddow in uusan jirin kulan dhexmaray mas’uuliyiinta Isbaheysiga iyo Diblumaasiyiin Itoobiyaan ah.
Ugu dambeyntiina, Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee lagu dhisay Magalaada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa wuxuu u muuqdaa mid ay mas’uuliyiintiisa ku sii kala fogaanayaan Wada Hadallada ay Qaramada Midoobay soo qaban qaabisay ee lagu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia