
Arbaco, December 10, 2008(HOL): shalay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday munaasabad aad u ballaaran oo lagu maamuusayay furitaanka xarunta cusub ee horumarinta cayaaraha fudud ee dalka Soomaaliya taas oo ay tahay markii ugu horeysay ee dalka Laga furo taariikhda inta la ogyahay.
Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ka dhacday isla xaruntan gudeheeda ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin farabadan oo ay ka mid ayaayeen guddoomiyaha gobaka Banaadir Maxamed Cusmaan cali Dhaaxtuur,ku simaha GOS Caaji Cabdi Cilmi Warsame, ku xigeenka GOS ee arrimaha dishibiliinka Prof Maxamed Cali cadow, ku simaha Cayaaraha Fudud Drs Khadiija Aadan Daahir, Xoghayaha guud ee iriirka Cayaaraha Fudud Farax Cali Macallin, Abwaan Maki xaaji Banaadir masuuliyiin kale,cayaartoy iyo qeybaha war baahinta ee gudaha iyo dibada.

Xoghayaha Xiriirka Cayaaraha Fudud Faarax cali Macallin oo ugu horeyn munaasabadii maanta ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in muddo sanado ah lasoo waday qorshaha ku aadan sidii xaruntan loo hirgelin lahaa waxaana uu mahadecelin balaaran ujeediyay dhamaanba intii gacanta ka geysatay oo ay ka mid yihiin: Guddoomiye ku xigeenka GOS ee xiriirka caalamiga ah Duran Ahmed Faarax, guddoomiyaha Xiriirka Cayaaraha Fudud Prof Maxamed Cali Maxamed, Bilad Dahable Cabdi Bile Cabdi, macallin Jamac Karaaciin Maxamed Suleymaan iyo rag kale oo ka mida taageerayaasha cayaaraha fudud ee Soomaaliya.
“Anagu ma lihin inagoo jiifna ama fadhina ha nala taageero,laakin waxaan Soomaali ka codsanaynaa in ay howshan nagu gacan siiyaan inagoo taagan, una diyaar ah in aan horay u soconno, lana tartanno dalalka asaageena ah”ayuu yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee cayaaraha Fudud Faraax cali macalin oo khudbad dheer ka jeediyay munaasabadii furitaanka xaruntan cusub.
Xaruntan cusub waxaa u dhameystiran qalabkii loo baahanaa,sida sariiro jiif wanaagsan, Ceel biyood weyn,shaahadaha TV-ga oo ay cayaartoydu daawan doonaan xiliyada ay firaaqada leeyihiin, qalabkii tababarka oo dhameystiran iyo wax kasta oo lagama maarmaan u ah soo saarista cayaartoyda,iyadoo sidookalana ay xarunta diyaar ku yihiin macalimiintii loogu talagalay in ay cayaartodya casharo siiyaan.
Waxaa hadal aad loogu faxray ahaa mar uu xoghayaha guud ee xiriirku munaasabada ka sheegay in cayaartoy laga baadi goobayo gobalada dalka Soomaaliya gaar ahaana dhulalka baadiyaha ah oo ay suuragal tahay in laga helo rag aad ugu dheereeya orodka iyo bootinta una baahan tababar oo keliya.

“Cayaaraha fudud ee caalamka waxaa la iskugu booteeyaa taargadayda ayaad aqrisan doontaa iyo aniga tayda ayaad aqrisan doontaa taas oo macneheedu yahay waan kaa orod badin oo waxaad eegi doontaa waxa dhabarka shaarkayga ku qoran”ayuu marale yiri faarax cali macallin oo sheegay in ay cayaartodya Soomaaliya soo mareen mar iyaga dhabarkooda la aqrisan jiray iyo mar laga hor mari jiray oo ay iyagu aqrisan jireen taargada cayaartoyda kale laakin hada kadib uu xiriirku diyaarinayo cayaartoy tayo aad u sareysa leh si ay guulo waaweyn oo aan horay loo arag ugasoo hooyaan cayaaraha caalamiga ah.
Sidoo kale ku simaha guddoomiyaha Xiriirka cayaaraha Fudud Drs Khadiijo Aadan Daahir oo munaasabadii maanta ka hadashay ayaa uga mahadcelisay dhamaanba intii gacanta ka geysatay meel marinta xaruntan cusub waxaana ay sheegtay in xiriirkeedu uu balan qaadayo mustaqbalka dhow in uu soo saaro cayaaryahano tayo wanaagsan leh dibna usoo celiya heybadii iyo sharaftii ay Soomaaliya ku lahayd cayaaraha fudud ee caalamka.

Ku simaha guddoomiyaha GOS Xaaji cabdi Cilmi warsame ayaa isna sheegay in talaabada uu qaaday xiriirka Soomaaliyeed ee cayaaraha fudud ay tahay mid dhiiri gelin leh oo ku dayasho mudan waxaana uu muujiyay rajada weyn ee uu ka qabo in cayaaraha fudud ee Soomaaliya ay ku talaabsadaan horumar aan horay loo arag isagoo ku bogaadiyay bahda cayaaraha fudud talaabada horumarineed oo ay maanta qaadeen.

Abwaanka Soomaaliyeed ee caanka ah Maki Xaaji Banaadir ayaa isna ka mid ahaa marti sharaf lag casuumay munaasbadan in ay ka hadlaan waxaana uu sheegay in furitaanka munaasabadani uu ka dhigan yahay Muqdisho xaal marinteeda maadaama ay bur bur iyo dagaalo horay ugasoo daashay hadana ay muuqato in loo kacay dhinaca dhismaha.
Waxaa uu Abwaanku ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay wax kasta oo karaankooda ah ku taageeraan isboortiga Soomaaliyeed oo haatan uu sheegay in uu u baahan yahay gacan siin weyn maadaama booskii dowladnimadu uusan wali buuxsamin,inkastoo duqa Magaalada Muqdisho maxamed Cusmaan Dhagaxtuur uu sheegay in uu wax kasta oo karaankiisa ah la garab istaagayo horumarinta Isbooriga dalka.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur oo isna hadalka lagu soo dhaweeyay ayaa waxaa uu sheegay in maamulkiisa cusubi uu wax kasta ka hor marinayo dhismaha isboortiga oo uu ku tilmaamay in uu yahay waxa keliya ee gacanta ka geysanaya is dhex galka bulshada iyo nabadeynta dalka Soomaaliya.
“Isboortigu waa aaladda dhalisa nabadda iyo iskaashiga bulsho kasta sidaas daraadeed waxaanu taageereynaa ,dhiirigelineynaa gacanna siineynaa isboortiga dalka”ayuu yiri guddoomiyaha gobalka Banaadir oo guddiga Olombikada Soomaaliyeed ka codsaday in uu xaga farsamada ka taageero si dib loogusoo nooleeyo naadigii dowladda hoose ee xamar oo uu guddoomiye dhagaxtuur sheegay in uu wax kasta oo maal gelin ah ku bixinayo sidii naadigaasi uu dib ugusoo noolaan lahaa.
Shaafici Muxyaddiin Abuukar
[email protected]
Mogadishu, Somalia