Arbaco, December 10, 2008(HOL): Maanta oo kale sanad kasta 10-ka December waxaa Adduunka laga xusaa maalinta baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha, taasi oo la isku raacay in si gaar ah loo weyneeyo, iyadoo xus maalintaas loo sameeyayna maanta lagu qabtay Xarunta Daladda Haweenka Cogwo ee Magaalada Muqdisho.
Xuskaas waxaa ka hadashay Agaasimaha Dalladda Haweenka Cogwo Drs. Sahra Maxamed Axmed oo u mahad celisay dhammaan ka qeybgalayaashii xafladda “waxaan u mahadcelinayaa Allaha na waafajiyay in aan dalkeena iyo dadkeena u hurno nafteena iyo maalkeena, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Maraykanka ku nool ee habeen iyo maalin nala kor taagan Gargaar dhaqaale oo aan wax ugu qabano Ummada Soomaaliyeed ee Tabaleysan, waxaana si gaar ah ugu Mahad celineynaa Cabdi Muuse Maaxay iyo Asxaabtiisa iyo Dhaqaatiirta ka hawlgasha Kijabe Hospital” ayay tiri Sahra Maxamed Axmed Agaasimaha Dalladda Cogwo oo ka hadleysay Xuska Maalinta Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha.
Sidoo kale waxaa ay xustay Drs. Sahra in Dallada haweenka Cogwo ka kooban tahay 30 Urur haween oo yoolkoodu yahay in ay ka kaaban Haweenka Soomaaliyed dhinacyada Dhaqaalaha ,Waxbarashada,Caafimaadka iyo Nabadgalyada,taaso lagu gaari karo marka ay Haweenka Soomaaliyed meel uga soo wada jeestan wax u qabadka Dalkooda iyo Dadkoodaba “Hay’adda Cogwo waxay ku Dadashaa in gabdhaha Soomaaliyeed ay wax bartaan iyadoo ka bixisa Lacagta Jamacadaha lagu dhigto Gabdho badan oo Soomaaliyeed.
Maanta oo ahayd 10ka December 2008 waxaa loo dabaal-degayay Sanad-guuradii 60aad ee ka soo wareegatay markii la soo saaray Baaqa Caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha markaasi oo ku beegneyd 10-kii December 1948.
Sidoo kale waxaa xafladdaasi ka hadashay Sahra Xasan Caynte oo ka tirsan Guddiga fulinta ee Dalladda Cogwo, waxayna xustay in munaasadda ay kala qeybqaadanayaan Shucuubta Caalamka qaasatan tan Muslimiinta ay tahay munaasabad aad u weyn, intaas kadibna waxay u mahadcelisay Aas aasyashii Dalldda Cogwo oo ay sheegtay in ay ahaayeen Gabdho Aqoon leh kuwaasi oo ay ka xustay Drs Khadiija Cosoble, Drs. Maryan Abdulle Qaawane ,Drs Faa’isa Maxa’ed Qaalib, Maryan Yusuf Shiikh, Drs Sahra Maxa’ed Nuur, Drs. Suldaano Maxaed Caddow, Drs. Xabiibo Sh Xasan, Drs Ruqiyo Ali Cabdule, iyo xubno kale oo aad u fara badan.
Ugu dambeyntiina, Munaasabadda xuska sanadguuradii 60aad ee ka soo wareegatay baaqa caalamiga ah ee Xuququl-Insaanka ayaa waxa lagu soo bandhigay Riwaayad ka turjumeysa dhibaatada loo geysto haweenka iyo wax tarka aqoonta Gabdhaha, taasi oo ay si weyn uga maqsuudeen dadkii ka qeybgalay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia