Isniin, August 04, 2008(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu shaaca ka qaaday in uu lacag dhan 216 Milyan oo Shilin Soomaali ah uu ugu deeqay Haween ku dhaawacmay Qarax shalay ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xilka ka qaaday Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in lacagta ay Haweenkaas ugu deeqeen ay iska uruuriyeen Madaxda iyo Waaxaha kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir.
Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in lacagtaas inteeda ugu badan ay bixisay Waaxda dhexe ee Dowladda Hoose ee Maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in ay garteen in ay u gurmadaan Haweenkii ku waxyeeloobay qaraxaas.
Dhanka kale Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in ay soo qabteen dad lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen qaraxii shalay Muqdisho ka dhacay, kaasi oo ay ku dhinteen inta la xaqiijiyay 15 haween ah, ayna ku dhaawacmeen haween kale oo ka badan 40 Ruux, wxuuuna intaas ku daray Maxamed Dheere in dadka ay soo qabteen oo tiradooda gaareyso 26 ruux ay 6 ka mid ah qirteen in ay qaraxaas ku lug lahaayeen.
Ugu dambeyntiina, Maxamed Dheere waxaa ugu baaqay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya in ay guddi u saarto Dhibaatadii shalay soo gaartay Haween badan oo ka shaqeynayay Nadaafadda magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia