Isniin, August 04, 2008(HOL): In ka badan 40 Haween ah oo shalay ku dhaawacmay qarax ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho ayaa haatan la soo sheegayaa in ay Xaaladdooda caafimaad ka soo reyneyso.
Cali Cadde oo ka mid ah Mas'uuliyiinta Isbitaalka Madiina oo haweenkan dhaawaca ah la dhigay ayaa wuxuu sheegay in uu farqi weyn u dhaxeeyo xaaladda haweenkaas markii shalay Isbitaalka la geynayay iyo saaka oo uu sheegay in miyir-qabaan, isla markaana ay ka soo reynayaan.
"Waxaan rajeyneynaa in ay xaaladooda ka soo reyn doonto waayo sida ay saaka yihiin iyo sidii ay ahaayeen shalay markii Isbitaalka la keenayay farqi weyn ayaa u dhaxeeya, taasina waa Alle mahaddiis"ayuu yiri Cali Cadde.
Haweenkan dhaawac ahaanta loo dhigay Isbitaalka Madiina ayaa waxay shalay subaxdii ku dhaawacmeen qarax ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarrama, xili ay haweenkaas howlo nadaafadeed ka wadeen wadadaas.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Haween nadaafad ka shaqeynayay ay waxyeello ka soo gaarto waxyaabaha qarxa, waxayna ahayd bartamihii sanadkii hore ee 2007 markii haween howlo nadaafadeed ka waday inta u dhaxeysa Isgoysyada Howl-Wadaag iyo Bakaaraha uu qarax haleelay, iyadoo halkaasina ay ku geeriyoodeen shan haween ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia