4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 4 , 2007
Muraayo Nuur Cali oo heshay Daweyn Dibadda ah


Axad, February 04, 2007(HOL): Muraayo Nuur Cali oo 10 sano jir ah ayaa heshay daweyn dibadda ah kadib markii ay muddo afar sanadood ah la xanuunsaneysay dhaawacyo ka soo gaaray kufsi loo geystay iyadoo 6 sano jir ah, kaasi oo uu kula kacay nin la oran karo wuxuu ahaa mid aan damiir bani'aadannim lahayn.

Muraayo oo ka soo jeeda qoys sabool ah oo aan awoodi karin in ay gabadhooda dibadda ku soo daweystaan ayaa waxaa kiiskeeda in muddo ah gacan ku heysay Dalladda Haweenka COGWO oo ku howlaneyd sidii gabadhaas ay ugu heli lahaayeen dhaqtar daweeya, waxaana ugu dambeyntii suurtagashay in Muraayo loo helo daweyn dibadda ah kadib markii ay arrintaas u ololeeyeen Qaar ka mid ah Websiteyada Soomaalida sida Hiiraan.com, Somalitalk.com iyo 4somaliwomen.com.

Kadib markii ay Website-yadaas shaaciyeen warka ku saabsan dhibaatada heysata Muraayo Nuur Cali ayaa waxaa si naxariis leh uga soo jawaabay oo ka xumaaday dhibaaada ku dhacday gabadhaas qaar ka mid ah Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dibadaha ku dhaqan, kuwaasi oo qaarkood bixiyeen dhaqaale lagu nafaqeeyo gabadhaas.

Laakin waxaa xusid mudan in ay kaalintii ugu mudneyd ay ciyaareen Qoys Soomaaliyeed oo degan Gobolka Minnesota ee Mareykanka oo ballanqaaday in Muraayo ay geeyaan Mareykanka si loo daweeyo, iyadoo Dhaqtarad Mareykanka u dhalatayna ay iyaduna ballanqaaday in ay kaalin ka qaadaneyso sidii qalliin loogu sameyn lahaa Muraayo.

Haddaba waxaa saakay lagu qabtay Xarunta COGWO shir jaraa'id oo lagu shaacinayay in Muraayo ay heshay daweyn dibadda ah, isla markaana maalinta berri ah ay safar u tahay dal ay kaga sii amba bixi karto Mareykanka. Agaasimaha Hay'adda COGWO Drs. Nuurto Shiikh Maxamuud oo shirkaas Jaraa'id qabatay ayaa sheegtay in ay nasiib wanaag tahay in gabadhaas sabiga ah ay heshay daweyn dibadda ah, waxayna u mahadcelisay dhamaan intii gacanta ka geysatay in kiiskeeda banaanka la soo dhigo, iyadoo si gaar ahna ugu mahadcelisay wakiillada Muqdisho ee website-yada Hiiraan Online Somalitalk iyo 4somaliwomen.

Drs. Nuurto Shiikh Maxamed waxay sheegtay in gabadhaas uu gaaray dhib weyn oo u baahday in dibadda lagu soo daweeyo, kadib markii ay sidaas ku taliyeen dhaqaatiir dhowr ah oo ay u geeyeen, waxayna intaas ku dartay in ay si weyn ugu mahadcelinayaan Qoyska Soomaaliyeed ee Mareykanka ku dhaqan ee ballanqaaday in ay daweynayaan gabadhaas, waxayna caddeysay in ay Dalladda COGWO fududeyn doonto sidii ay gabadhaas iyo Aabaheed Nuur Cali ay u gaari lahaayeen dal ay ka sii aadi karaan Mareykanka.

Sidoo kale waxaa shirkaas jaraa'id ka hadlay Inj. Xasan Shiikh Maxamuud oo ka wakiil ahaa hay'ado iyana lacag 1,500$ ugu tababarucay safarka gabadhaas, kuwaasi oo kala ah Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta, Xafiiska Al-Jazeera ee Muqdisho, Machadka SIMAD, Hay'adda CRD iyo Wakaaladda Muslimiinta Afrika, kuwaasi oo mas'uuliyiin ka socotay oo kiiska lagu wargeliyay ay lacagtaas iska uruuriyeen.

Inj. Xasan Shiikh Maxamuud waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay isu gurmadaan, wuxuuna caddeeyay in ay jiraan dad dhibaatadaas oo kale qaba iyo kuwo dhibaato ka sii daran qaba oo guryahooda iska jooga kadib markii ay waayeen cid ka gargaarta dhibaatada heysata.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Muraayo Nuur Cali oo la xanuunsaneysa dhaawac culus oo ka soo gaaray kufsiga loo geystay waxaa farxad leh in maanta loo qaadayo dalka dibaddiisa, si loo soo daweeyo, waxaana mahadcelin gaar ah mudan Qoyska Minnesota degan ee ku sadaqeystay gabadhaas saqiirka ah in ay daweeyaan.




Halkan ka aqriso Warka ku saabsan Dhibka loo geystay Muraayo iyo
Kaalinkii uu ka geystay Websitekan

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia