Laanta Afka-Soomaaliga ee BBCda Barnaamijka - Sagaalka Habeenimo - G. Afrika Barnaamika - Shanta Galabnimo G. Afrika Barnaamika - Labada Duhurnimo - G. Afrika




Wararka Maanta- Khamiis, Aug 10, 2006










· Muraayo Nuur Cali oo 10 sano jir ah waxay la xanuunsaneysaa dhaawac culus oo ka soo gaaray nin kufsaday iyadoo 6 sano jir ah
· Munaasabad ku saabsan halka ay maryaaan howlaha Jaamacadda Gobolka Hiiraaan oo lagu qabtay Magaalada Beledweyne
· Golaha Maxkamadaha Islaamka oo xabsiga dhigay musharixiin isu soo taagay qabashada xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Gobolka Banaadir
  Mas'uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isla gartay qaabka loo soo xulayo Wasiirrada Xukuumadda cusub












Muraayo Nuur Cali oo 10 sano jir ah waxay la xanuunsaneysaa dhaawac culus oo ka soo gaaray nin kufsaday iyadoo 6 sano jir ah

Khamiis, August 10, 2006(HOL): 03/03/2002 goor barqo ah ayaa Muraayo Nuur Cali oo xiligaas 6 sano jir ahayd waxaa kufsi fool xun u geystay nin ku sasabtay lacag duuduuban oo uu gacanta ku heystay xili ay reerkeeda dukaan wax uga soo iibineysay, kaasi oo si qasab ah u xoogay, kadibna isu faruuray.

Ninkaas arxanka daran markii uu gabadha sabiga ah sidaas u galay wuu ka cararay, waxayna Muraayo Cali ka soo baxday iyadoo oyneysa oo dhaawac culus ah guri jajaban oo ku yaala Demada Waaberi, gaar ahaan Buundada koowaad hoosteeda, dhiig badanna ka socdo, kadibna waxay dadkii deriska ula carareen goob ay ku ogaayeen Haweeney Umuliso ah bal si ay cirbad dhiig joojin ugu dhufato ama ay wax uga qabato dhaawaceeda, hayeeshee Umulisadii waxay sheegtay in dhaawaca gabadha gaaray uu culus yahay, isla markaana aysan waxba ka qaban karin.

Kadib waxaa loola cararay Dr. Ibraahim Gaandi oo ka howlgala Isbitaalka Al-Furqaan ee Magaalada Muqdisho, mar kale ayay arrinta sii murugtay kadib markii uu dhaqtarka sheegay in dhaawaca uu culus yahay, isla markaana uusan waxba ka qaban karin, hayeeshee waxaa uu u qoray dawo dhaawaceeda lagula tacaalay iyo warqad uu ku cadeynayo dhaawaca gaaray iyo in aan dalka gudahiisa wax looga qaban karin.

Gabdhan sabiga ah waxaa kiiskeeda gacanta ku hayo Dalladda Haweenka COGWO oo Muqdisho ka howlgasha, waxayna ku wadaan nafaqeyn si jirkeeda u soo koro, waxayna soo hayeen muddo 4 sanadood ah oo ay daweyn la raadinayeen ilaa aakhirkii ay dhaqaatiirta ku takhasusay Cudurrada Haweenka ay u sheegaan in ay Muraayo Yarey u baahan tahay Qalliin iyo daweyn lagula soo sameeyo dalka dibaddiisa.

Aabaha dhalay Muraayo oo lagu magacaabo Nuur Cali ayaa sheegay in gabadhiisa markii uu dhibka gaarayay loo diray saliidda cuntada lagu kariyo, wuxuuna sheegay in markii ay gabdhiisa sii maqneyd muddo 30 daqiiqo ah uu maqlay dad ku qeylinaya magaciisa “Nuur…Nuur”, kadibna markii uu guriga dibadda uga soo baxay uu arkay gabadhiisa oo la sido, dhiig badanna uu ka baxayo.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Qoyska gabadhan waa mid danyar oo hadana aan ka mid ahayn beelaha hubeysan haddiiba ay xaqooda xoog ku raadsan lahaayeen. Sidaas darteed cid kasta oo gacan ka geysan karta in gabadhan daweyn dibadda ah loo helo, waxay la xiriiri kartaa ciddii caaweineysa Dalladda Haweenka COGWO oo lagala xiriiri karo.

Halkan ka aqriso qoraalka Kiiskeeda
iyo waxa ay Dhaqaatiirtu ka yiraahdeen

Drs. Nuurto Shiikh Maxamed
Tel: 002521-280889
E-mail: [email protected]

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia





 




Munaasabad ku saabsan halka ay maryaaan howlaha Jaamacadda Gobolka Hiiraaan oo lagu qabtay Magaalada Beledweyne


Khamiis, August 10, 2006(HOL): Munaasabada oo ay ka soo qeyb-galeen Qaar ka mid ah Duubabka dhaqanka, mas'uuliyiinta hay'adda ka howl-gala Gobalka, Odyaasha dhaqanka iyo waliba Ururdda haweenka , ayaa ugu horeyn waxaa la soo jeediyay warbixin kooban oo ka hadleysa muhiimadda aqoontu leedahay iyo waliba sida Diinta islaamku uga hadashay arintaa iyadda ah,

Intaas kadib ayaa waxaa ka hadlay Dr. Ibraahim Dhaqane Cali oo ah Hormuudka jaamacada oo sheegay in ilaa hadda lagu guuleystay in la sii bilaabo Qeybihii ugu horeeyay ee jaamacada, iyadoo la diyaarinayo Ardaydii lagu bilaabi lahaa marka la dhameystiro dhismaha jaamacada, waxaana uu intaa ku daray in howlaha dhismaha jaamacada hadda ay marayaan meel wanaagsan islamarkaana la bilaabi doono dhismaheeda bisha September gudaheeda.

waxaa sidoo kala ka hadlay munaasabada C/qaadir Khaliif Diiriye oo ka mid ah howl-wadeenada Jaamacada waxaana uu sheegay in aan mar naba laga seexan sidii loogu guuleysan lahaa furitaanka jaamacada, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay Aqoonyahanada Qurba-jooga ah oo uu ku tilmamay in ay yihiin kuwo inta badan howlahoodii gaarka ahaa u dhaafay sidii dhaqaale loogu heli lahaa jaamacada, waxaana uu intaa ku daray in ilaa hadda la helay dhaqaale bilaw fiican u noqon kara dhismaha Jaamacada.

Mar uu ka hadlayay Kuliyadaha ugu horeeya ee lagu bilaabi doono jaamacada ayuu sheegay in ay noqon doonaan Xoolaha,iyo Beeraha, isagoo ka codsaday dadka bartay labadaasi qeybood in ay isku diyaariyaan sidii ay wax uga dhigi la haayeen Jaamacada.

Munaasabada oo aheyd tii labaad ee la qabto tan iyo markii la bilaabay ololaha loogu jiro sidii jaamacad loogu heli lahaa Gobalka hiiraan ayaa dhinacyadii ka qeyb-galay waxaa la oran karaa waa kuwo siweyn ugu farax-sanaa halka howluhu marayaan maadaama qeyb-bilow u ah jaamacada ay wax ka bartaan ardeyda ka soo baxda dugsiyada sare ee Gobalka.

Ugu dambeyntiina waxaa halkaa hadalo gunaanad ah ka soo jeediyay Ugaas Cali Ugaas Xasan iyo waliba Ugaas C/raxmaan ugaas khaliif oo sheegay in ay iyagu hormuud u noqon doonaan dhismaha jaamacada hadiiba lagu guulaysto howlaha hadda socda, iyagoo sidoo kale ku la dardaarmay qeybaha bulshadu in ay ka wadda qeyb-qaataan sidii loo hergalin lahaa jaamacad gobalku yeesho.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia






 




Golaha Maxkamadaha Islaamka oo xabsiga dhigay musharixiin isu soo taagay qabashada xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Gobolka Banaadir

Khamiis, August 10, 2006(HOL): Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa maanta waxay xabsiga u taxaabeen labo musharax oo u taagnaa qabashada jagada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee gobolka Banaadir, iyadoo xarigaasna uu baajiyay doorasho ay qaban lahaayeen Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Deegaanka Shariif Xuseen Roobow ayaa sheegay in C/qaadir Maxamuud Walaayo iyo Cali Cadde oo isu soo sharaxay jagadaas ay maxkamadaha Islaamka xabsiga u taxaabeen, isagoo caddeeyay in uusan ogeyn wax dembi ah oo raggaasi ay galeen.

Shariif Xuseen Roobow waxaa uu sheegay in labada nin ee la xiray uu ka kaxeystay Hotelka Saxafi nin lagu magacaabo Shiikh C/llaahi Macallin Naxar (Abuu Cuteyba) oo Golaha Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan dhinaca ammaanka, wuxuuna sheegay in uu u kaxeystay mid ka mid ah Xarumaha maxkamadaha Muqdisho, inkastoo uu xusay in ay guddi u saareen xariga raggaaas.

Shariif Xuseen Roobow waxaa uu qiray in habeenkii xalay ahaa uu Shiikh C/raxmaan Maxamuud Jinaqow oo ka mid ah Guddoomiye ku xigeenada Golaha Fulinta Maxkamadaha Islaamka uu u sheegay Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir in aysan qaban karin wax doorasho ah, hayeeshee waxaa uu hadana carrabka ku dhuftay in ay arrintaas ka wada hadleen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cadde Xasan Cali Gaabow iyo Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed, kuwaasi oo isla gartay in ilaa waqti dambe la hakiyo doorashadaas.

Xariga loo geystay ragga isu soo sharaxay in ay ka mid noqdaan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu muujinayaa in Golaha Maxkamaduhu aysan aqoonsaneyn Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir oo ay soo dhiseen Hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho laga ceyriyay, kaasi oo isna sii doortay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cadde Xasan Cali Gaabow oo uu horay u soo magacaabay Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi

Waa xarigii labaad oo ay maxkamadaha Islaamka u geysteen dad ka soo horjeestay amarkooda, waxaana horay loo xiray Guddoomiyihii Degmada Balcad Maxamuud Xuseen Gudbaaye oo sababta xarigiisa lagu kala sheegayo in uu lacago lunsaday iyo in uu arrimo siyaasadeed oo aysan maxkamadaha jecleysan faraha la galay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Mas'uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isla gartay qaabka loo soo xulayo Wasiirrada Xukuumadda cusub

Khamiis, August 10, 2006(HOL): Wixii ka dambeeyay markii seddexda mas'uul ee ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya ay muujiyeen heshiiska ay gaareen khilaafkii u dhaxeeyay ayaa waxaa magaalada Baydhabo ka socday shirar looga arinsanayay xukuumadda la soo dhisayo.

Ra'iisal Wasaare Geedi ayaa waday la tashiyo uu la lahaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, iyadoo wararku ay sheegayaan in ay seddexda mas'uul isla garteen qaabka Xukuumadda loo soo xulayo, waxaana la sugayaa haatan wixii ka dambeeya in uu Ra'iisal Wasaaraha bilaabo xulidda Golahiisa Wasiirrad oo aan ka badneyn 31 wasiir iyo ku xigeenadooda oo isku noqonaya 62 xubnood, halka Xukuumaddii hore ay gaareysay 102 Xubnood.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa mar uu dhawaan la hadlayay Xildhibaanada Baarlamaanka waxaa uu sheegay in Xukuumaddii Federaalka ay dhacday, isla markaana laga soo reebay Ra'iisal Wasaare Geedi kaliya, sidaas darteedna laga doonayo Prof. Geedi in uu muddo todobaad ah ku soo dhiso Gole Wasiirro oo aan u tiro badneyn sida Xukuumaddii hore.

Madaxweynaha waxaa uu u sii qadimay xubnaha ku jiray Xukuumaddii dhacday in ay cid kasta nasiibkeeda qabto, isagoo taasina ula jeeday in xubnihii hore ee Xukuumadda ay mar kale soo noqon karaan amaba ay weyn karaan xilalkii ay ka hayeen Xukuumadda.

Dhanka kalena Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood ayaa waxay dood ka keeneen kala diriddii uu Xukuumadda Federaalka ku sameeyay C/llaahi Yuusuf, iyagoo sheegay in madaxweynaha uusan awood u lahayn in uu Xukuumadda kala diro , inkastoo doodda arrintaas ku saabsan ay tahay mid uu kala saarayo Axdiga KMG ah ee degsan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2006 Hiiraan Online