4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 15, 2014
Danjiraha Turkiga oo ka Hadlay Hanjabaadaha kaga imaanaya Al-shabaab


Axad, June 15, 2014 (HOL) — Wareysigii danijraha Turkiga ee Soomaaliya uu kaga war-bixinayay howlaha ay Somalia ka wadaan ayaa wuxuu maanta kaga hadlayaa hanjabaadaha Al-shabaab uga imaanaya iyo inay jiraan dalal kale oo caqabad ku ah howlaha ay ka hayaan Soomaaliya, waana kan wargeysiga qaybtiisii labaad.

Su’aashii saddexaad oo la weydiiyay ayaa ahayd; maadaama Turkigu howsha intaa leh ee horumarinta dalka ah uu qabtay ayna nolosha Soomaalida wanaajiyeen waa maxay sababta ay Al-shabaab u beegsanayso Turkiga? Wuxuuna ku jawaabay.

Haddii howlaheenna ay ku ekaan lahaayeen gargaarka bani’aadamnimo Al-shabaab nama taabateen, laakiin markii aan billownay taageerada xukuumadda Soomaaliya, sida dib u dhiska hay’adaha dowladda iyo tababarka ciidamada, Al-shabaab waxay ku dhawaaqeen in Turkigu uu yahay cadowgooda, maadaama ay cadowgeenna kaalmeynayaan, waxayna nagu tilmaameen inaan u adeegno NATO. Ujeeddada ugu weyn ee Al-shabaab ay noo beegsanayaan waa inaan joojinno maal-gelinta iyo caawinta aan siinno Somalia, si dalku u ahaato dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan mid hoosaysa.

Dad badan ayaa u arka in maalgelinta Turkiga ay dalka u horseedday deggenaasho iyo nabad, halka Al-shabaab ay dhallinyaradii ku dhammaayeen colaado. Somalidu waa dad gartay in maalgelinta ay nabad horseeddo marka loo eego colaadda. Sidaa awgeed waxay shacabku joojiyeen taageeradii Al-shabaab. Taas waxaa raaca inay shacabka Soomaaliyeed ka doorteen Al-shabaab gacan-siinta Turkiga, maadaama ay kooxdani dalka u horseedayn horumar iyo xaalad wanaagsan.

Su’aashii afaraad ee la weydiiyay ayaa ahayd; Ma u maleynaysaa in Al-shabaab ay ki niyad-jabtay joogitaanka Turkiga ee Soomaaliya? Mase jiraan dowlado ka mid ah kuwa caalamka oo aan doonayn in Turkiga uu sii joogo Soomaaliya? Wuxuuna kaga jawaabay su’aashan.

Al-shabaab waa kooxda ugu weyn ee rumeysan in Turkigu uu caqabad ku yahay in ay gaaraan goolashii ay ku haminayeen. Sidoo kale, hay’adaha caaalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya qaarkoodna way ka niyad-jabsan yihiin maal-gelinta Turkigu uu kawado Soomaaliya. Howlaha horumarinta ah ee Turkiga uu wado waa kuwo la mariyo halka ay xukuumadda Soomaaliya doonayso. Balse hay’adaha kale waxay u qabtaan howlaha sidii ay doonayaan.

Su’aashii shanaad ee la weydiiyay danjiraha ayaa ahayd; Waa maxay mustaqbalka xiriirka Soomaali iyo Turkish? Mase jiraan qorsheyaal iyo mashaariic loo sameeyey? Wuxuuna ku jawaabay.

Soomaaliya waxay u qaybsan tahay gobollo. Qaarkood waxay sheegayaan inay ka madax-bannaan yihiin xukuumadda, dhammaantoodna xiriir wanaagsan ayaan la leennahay. Xiriirkeennu ma ahan mid ku eg dowladda dhexe ee Somalia oo keliya, laakiin waxaan si xooggan u taageeraynaa midnimada Soomaaliya.

Tusaale ahaan, Somaliland oo waqooyiga dalka ku taalla, waxay sheegatay inay ka madax-bannaan tahay Soomaaliya. Innagu waxaan kordhinaynaa maal-gelinta aan ku sameynayno gobollada dalka. Xiriirka siyaasadeed ee Soomaaliyana waan xoojin doonnaa.

Markii aan dhammeyno mashaariicda aan ka wadno Muqdisho waxaanu billaabi doonnaa mashaariic aan ka fulinayno gobollada kale ee dalka, kuwaasoo ay ka mid yihiin horumarinta caafimaadka, waxbarashada iyo waxyaabaha kale ee bulshada wax-tarka u leh.

Su’aashii lixaad ee la weydiiyay Turan ayaa ahayd; Sidee shacabka Soomaaliyeed uga jawaabeen kaalmooyinka Turkiga? Ma waxay u arkaan Turkiga awood cusub oo gumeyste ah?

Waxaanu shacabka Soomaaliyeed la leennahay xiriir waanaagsan. Shacabkuna waa kuwo qirsan in Turkiga uu halkan (Soomaaliya) u yimid inuu caawiyo. Iyagoo inta badan yiraahda Turkigu waa walaalaheen dhabta ah oo halkan u yimid inay na bad-baadiyaan, taasoo ku timid xiriirkii taariikhiga ahaa ee naga dhexeeyay qarnigii 16-aad markaasoo Turkigu uu dalkeenna kusoo weeraray maraakiib dagaal. Saldhiga howlaha Turkiga ee Somalia waa in labada dhinac ay kawada faa’iideystaan, sidoo kalena aan ixtiraanno Soomaalida. Taasina waa sababta aysan Turkiga ugu arkayn gumeysi cusub, waxayna qirsan yihiin inay ka wanaagsan yihiin awoodaha kale ee caalamka.

AKHRISO QAYBTII KOOWAAD EE WAREYSIGAN:

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya