4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 14, 2014
KANI TURAN: “Howlaha aan ku caawinayno Somalia Khatar ayaa loo Arkaa"


Sabti, June 14, 2014 (HOL) — Danjiraha Turkiga u jooga Soomaaliya, Kamaaludiin Kani Turan ayaa ka warbixiyay howlaha ay Soomaaliya ka wadaan, isagoo xusay in howlahooda ay yihiin kuwo muuqda, ayna sii wadayaan inta Soomaaliya ay dib uga soo kabanayso colaadihii muddada dheer ka socday.

Mudane Kani Turan oo u warramayay Wargeyska Daily Sabah ee kasoo baxa Turkiga ayaa sheegay in hay’adaha Turkiga ay howlo wanaagsan ka qabteen illaa markii ay yimaadeen Soomaaliya, wuxuuna xusay in maalgelinta Turkiga ee dalka Somalia  ay hay’adaha kale u arkaan kuwo halis ku ah iyaga.

Su’aashii ugu horreysay oo la weydiiyay oo ahayd; Waa maxay sababta ay Turkigu u doorteen inay Soomaaliya caawiyaan, gaar ahaan gargaarka bani’aadamnimo iyo maal-gelinta? Wuxuuna ku jawaabay.

Turkiga taariikh ahaan waxaa Soomaaliya kala dhexeeya xiriir adag, sida Qarnigii 16-aad oo ay jirtay boqortooyadii awoodda badnayd ee Suldaan Suleymaan, waxaa weli ku arkaysaa Soomaaliya dhaxalkii boqortooyadaas, sida dhismayaashii ay ka sameeyeen oo ay ka mid yihiin kannaallo, qalcado iyo masaajiddo.

Balse Turkigu wuxuu dib ugu soo laabtay Soomaaliya sannadkii 2011 oo ay dalkan ka dhaceen abaaro dhibaato badan reebay, kuwaasoo ku qasbay kumannaan qof oo Soomaali ah inay deegaanadoodii iyo guryahoodii uga soo tageen baahi iyo nolosha oo ku adkaatay, iyagoo yimid magaalada Muqdisho si loo caawiyo.

Dadkaas barakacayaasha ah waxay u baahnaayeen cunno deg-deg ah. Markii ay ka dhacday Soomaaliya dhibaatadaas ayna dowladdii Soomaaliya weydiisatay dunida gargaar bani’aadamnimo, xukuumadda Turkigu si deg-deg ayay codsigaas jawaab uga bixisay xiligaas oo ay jirtay dhibaato xooggan, xukuumaddii Soomaaliya awood uma lahayn inay xalliso dhibaatadaas. Sidoo kale hay’adihii caalmiga ahaa way ka maqnaayeen Soomaaliya. Bishii Ogoosto 19-keedii, 2011 waxaa Muqdisho si lama filaan ah u yimid ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan isagoo la socdeen xubno golihiisa wasiirrada ka tirsanaa iyo qoyskiisa. Booqashadiisu waxay ahayd mid taariikhi ah, taasoo indhaha caalamka kusoo duwday Soomaaliya.

Ujeeddada aan u nimid Soomaaliya waxay ahayd inaan caawinno walaalaheenna Soomaaliyeed oo aan u keennay gargaar bani’aadamnimo, iyadoo dadka Turkiga ay ku deeqeen lacag gaaraysa 300-milyan oo doollar, kuwaasoo ay soo mariyeen gabi ahaan hay’adihii samafalka ee Soomaaliya ka howlgalayay. Lacagtaas waxaa loo isticmaalay gargaar bani’aadamnimo. Lix bilood kaddib bishii Abriil, 2012, UN-ku waxay ku dhawaaqeen in macluushii Soomaaliya ay dhammaatay. Inagoo raad-raac ka dhiganayna hadalkaas ayaan waxaan howsheennii u rognay dhanka horumarinta dalka, innagoo hadda isku wadna caawinaaddii iyo horumarinta Soomaaliya.

“Maadaama ay Somalia iyo Turkigu leeyihiin xiriir dhaqan oo taariikhi ah, ayaanu u doorannay inaan ballaarinno saameynta aan ku leennahay. Waxaana doonaynaa in aa xoojinno xiriirka nagala dhexeeya, sidoo kale dalal kale oo Afirkaan ah ayaan ka billownay xoojinta xiriirka aan la leennahay si aan u kala faa’iideysanno, waxaana ugu magacdarnay qorshaha guul-labada dhinac ah, dalalkaas ayayna Soomaaliya ka mid tahay,” ayuu hadalkiisa ku daray danjiraha.

Su’aashii labaad ee danjiraha Turkiga ee Somalia la weydiiyay ayaa ahayd; Ma noo sheegi kartaa howlaha ay dowladda Turkigu ka fulinayso Soomaaliya? Wuxuuna ku jawaabay.

Howlaha aan ka wadno Soomaaliya waxaan diiradda ku saaraynaa saddex arrimood oo waaweyn kuwaasoo kala ah: gargaarka bani’aadamnimo, horumarinta waddanka iyo sameynta maal-gelinno dhaqaale si u adkeeyaan ganacsiga dalka.

Weli waan wadnaa bixinta gargaarkii bani’aadamnimo, waayo shacabku waxay weli u baahan yihiin cunnooyinka nafaqeysan iyo biyo nadiif ah. Howlaha horumarinta ee aan wadno waxaan diirada ku saaraynaa afar qaybood oo kala ah: caafimaadka, waxbarashada, dib u dhiska kaabayaasha bulshada iyo dhismaha hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Laba isbitaal ayaan dib u dhis ku sameynay illaa hadda, mid kalena dhisme socda dhowr bilood ayaan ku billownay. Mid ka mid ah isbitaallada aan dhisnay waa mid ka mid ah isbitaallada Afrika ugu waaweyn, waxaan kaloo qaybo badan oo Somalia ka mid ah aan ka sameynay isbitaallo yar-yar.

Marka la eego ka hortagga caafimaad-darrada, hay’adda Bisha Cas ee Turkiga iyo dowladda hoose ee Istanbuul ayaa Muqdisho ka billlaabay howlo qashinka looga nadiifinayo waddooyinka, waayo magaalada waxaa ka buux dhaariyay markii aan imaanaynay buuro qashin ah, markii dalku uu galay dagaallada sokeeye burbur aad u xooggan ayaa gaaray dhismayaashii, waxaa kaloo burburay adeegyadii dowladda hoose. Waxaan wadnaa nadiifinta kannaaladii ay mari jireen biyaha iyo qabshinka, waxaana maalin walba qashinka ka ururiya magaalada gaadiid aanu ugu deeqnay dowladda hoose ee Soomaaliya, iyadoo magaaladu ay hadda u muuqato mid caadi kusoo laabanaysa.

Waxaan dhisnay oo aan furnay afar iskuul iyo laba kale oo lagu xannaaeeyo caruur agoon ah. Mid kalena ayaan dhawaanna furi doonnaa. Intaas waxaa dheer, waxaan dhisnay shan iskuul oo ku yaalla deegaanno kala duwan oo Soomaaliya ku yaalla. Wxaan sidoo kale furmay iskuul lagu barto kalkaaliyenimada oo arday Soomaali ah lagu tababaro. Soomaaliya waxaan ka qaadnay 15,000 oo arday ah oo aan Turkiga ka siinnay deeq waxbarasho.

Dhinaca dib u dhiska kaabayaasha bulshada, waxaan dhisnay waddooyin 86-km ah, 22-km oo aan ka taagnay nalalka laamiyada ifiya. Kuwanna waana horumar weyn oo aan Soomaaliya ku caawinnay.

Sidoo kale, waxaan casriyeyn ku wadnaa garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo Maarso 2012-kii diyaaradda Turkish Airlines ayaa markii ugu horreysay ka billowday Soomaaliya duulimaadyo caalami ah tan iyo markii uu dalku burburay, diyaaradda Turkiga waa diyaaradda keliya ee Muqdisho ku tilmaadda duulimaadyo caalami ah, garoonka gabi ahaan waa la dayactiri doonaa.

Howlahaas horumarinta ah waxay bedeleen sawirkii ay Muqdisiho lahayd, ka hor intii aanan howlaha billaabin ma jirin cid imaan kartay halkan, waddan kale xitaa ma imaan karin. Ingiriiska iyo Mareykanka waxay safaarado waxayna labaduba ku yaallaan garoonka diyaaradaha. Weli waxay aaminsan yihiin in Muqdisho ay tahay meel aan la geli karin, welina isma bedelin fekerkoodaas. Qubo-joogta Soomaalida waxay billaabeen inay dib ugu soo laabtaan dalka ayna maal-gashi ku sameystaan.

Waxaa howlaha kale ee aan qabannay ka mid ah inaan dib u dhisno hay’adaha kala duwan ee xukuumadda, waxaana tababarro u fidinnaa hay’adaha ammaanka dalka innagoo barna sidii ay u shaqeyn lahaayeen. Tan iyo markii uu billowday dagaalkii sokeeye wax walba way burbureen, Soomaaliyna waxay u baahan tahay in dib loo unko. Waxaana ku farasannahay inaan qayb ka qaadnayno dib u dhiska hay’adha dowladda, waxaan tababarnay ciidamada booliiska, nabadsugiddad iyo milateriga Soomaaliya. Sannadaha soo socda Soomaaliya uma baahan doonto ciidan caalami ah oo caawiya, waayo ciidamadeeda ayaa dib u dhis iyo habeyn lagu sameynayaa.

La soco qaybta lahaad ee Wareysigan:

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya