5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 13, 2012
Tartan ciyaareed lagu maamuusayay 8-da Maarso oo lagu qabtay Garoonka Kubadda Koleyga Luujino ee Muqdisho


Talaado, Maarso 13, 2012 (HOL) — Garoonka kubadda koleyga Luujino oo ku yaalla degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho aya lagu qabtay ciyaar kubadda koleyga ah oo lagu maamuusayay maalinta haweenka adduunka ee 8-da Maarso, iyadoo ay isugu soo baxeen tartankaas gabdhaha kooxaha kubadda koleyga ee Heegan iyo Minishiibiyo.

Tartan ciyaareedkaan oo ay iska-kaashadeen wasaaradda haweenka, guddiga olombikada Soomaaliyeed iyo hay'adda wadahadalka bulshada CCD ayaa waxaa kasoo qayb-galay xildhibaanno ka tirsan dowladda KMG ah, wasiiro, madaxda xiriirada olombikada Soomaaliyeed iyo boqolaal dadweyne ah.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, xildhibaan Cali Qaloocow, wasiirka wasaaradda shaqada, isboortiga iyo dhallinyarada, Maxamed Muxudiin Amiin, wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Cabdi Cali, fannaanada caanka ah Seynab Maxamed Xaaji (Seynab Laba-dhagax) iyo madax kale ayaa si weyn ula dhacay qaab ciyaareedka ay labada kooxood halkaasi kusoo bandhigeen.


Gabdhaha kubadda koleyga ee kooxaha Heegan iyo Minishiibiyo ayaa iyagu waxay soo bandhigeen tartan ciyaareed xiiso geliyay dhammaan daawadayaashii kasoo qayb-galay, iyadoo gabagabadii ciyaartaasina ay ku dhammaatay 34 dhibcood oo ay guushu ku raacday gabdhaha kubadda koleyga Heegan, halka kooxdii kale ay iyaguna heleen 24 dhibcood oo keliya.

Fannaanadda, Seynab Laba-dhagax ayaa koobka guddoonsiisay gabar ka socotay kooxda Heegan, iyadoo ugu hambalyeysay guusha ay kasoo hooyeen hanashada koobka loo dhigay 8-da Maarso, waxayna sidoo kale ugu hambalyeysay kooxda kale inay iyaguna soo bandhigeen ciyaar wanaagsan.

Dhinaca kale, waxaa halkaas khudbado kala duwan ka jeediyay wasiir ku-xigeenka wasaaradda haweenka iyo daryeelka qoyska, guddoomiyaha guddiga olombikada Soomaaliyeed, Aadan Xaaji Yabarow (Wiish), guddoomiyaha xiriirka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed, guddoomiyaha ururka haweenka qaranka, Caasho Geesdiir iyo xubno kale.

Madaxda kala duwan ee iyagu khudbadaha ka jeediyay tartanka ciyaareedka ay ku tartamayeen gabdhaha kooxaha Heegan iyo Minishiibiyo ayaa sheegay inuu ka mid ahaa tartankan tartamada ugu xiisaha badan oo qaybna ka qaadan kara is-dhex-galka bulshada Soomaaliyeed iyo horumarinta nabadda.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya