Hiiraan Online
Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Talaado, July 17, 2012
Dagaallo u dhexeeyay Ciidamada Dowladda KMG iyo Xarakada Al-shabaab oo ka socda duleedka degmada Baardheere
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada DKMG ah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa ka socda duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo dadka ku sugan degmadaas ay walaac ka muujinayaan dagaallada.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Baardheere ayaa HOL u sheegay in dagaalku uu yahay mid culus oo ay dhinacyadu isku adeegsanayaan hub kala duwan, kuwaasoo shanqartooda laga maqlayo gudaha degmadaas oo ka mid ah labada degmo ee ay Al-shabaab kaga sugan tahay gobolka Gedo.
"Xaalad dagaal ayaan illaa xalay ku jirnay... meel degmada aad ugu dhow ayuu ka socdaan dagaalka... ma sheegi karno sida uu xaalku noqonayo, balse cabsi weyn ayaan qabnaa," ayay tiri haweeney ka mid ah dadka ku nool degmada Baardheere.
Haweeneyda oo codsatay in sababo ammaan awgood aan magaceeda u qarinno ayaa waxay sheegtay in xoogaga Al-shabaab ay isku dayayaan inay difaacaan gacan ku haynta degmada, ciidamada dowladda iyo kuwa la socdana ay doonayaan inay degmadaas qabsadaan.
"Dagaalladu waxay billowdeen xalay illaa maanta oo dhanna way socdeen, ma garan karno khasaaraha ka dhashay inta uu le'eg yahay, balse dhaawacyo degmada la keenay waan aragnay," ayay tiri haweeneyda la hadashay HOL.
Ciidamada dowladda ayaa waxaa caawinaya ciidamada Itoobiya oo gobolkaas ku sugan iyadoo aysan weli saraakiisha dowladda iyo kuwa Al-shabaab ka hadlin dagaalka ku dhexmaraya duleedka degmada Baardheere.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka inta uu le'eg yahay, waxaase wararka ku saabsan dagaalkan idin kugu soo gudbin doonnaa wararkeenna dambe ee maanta haddii ALLE ogolaado.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Hay'adda CRD oo Muqdisho ku qabatay Dood-wadaag looga hadlayay Marxaladda kala guurka ah ee uu dalku ku jiro
7/17/2012 9:28 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Dood wadaaggii u horreeyay oo shacabka ay kaga doodaan marxalada kala guurka oo ay kasoo qayb-galeen madaxda dowladda KMG, wasiiro, xildhibaanno, haweenka iyo culumaa'udiin ayaa maanta Muqdisho lagu qabtay, iyadoo dooddan inteeda badan looga hadlay doorka haweenku ku leeyihiin hoggaanka dalka iyo siyaasadda.
Duqa degmada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo ku baaqa in la caawiyo dadka dhibaateysan bisha Ramadaan
7/17/2012 9:28 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Duqa degmada Baladweyne ee maamul gobolka Hiiraan Max’ed Xassan Nuuriye oo la hadllay HOL ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo dadka dhaqaallahoodu wanaagsan yahay in ay caawiyaan bisha Ramaadaan dadka ku dhibaateysan xareyahay barakacayaasha magaalada Baladweyne.
Golaha Wakiiladda Somaliland oo taageeray qaabkii ay soo jeediyeen in doorashadda lagu galo golaha Guurtidda
7/17/2012 8:46 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — golaha Wakiiladda ayaa isku raacay qaabkii ay golaha guurtiddu usoo jeediyeen in lagu galo Doorashadda golaha deegaanka, taas oo ka hor imanaysa qaabka ay rabeen in lagu galo doorashadda Guddidda Doorashooyinka Somaliland.
Munaasabad Muqdisho loogu sameeyay Arday ka qalin-jabisay Kulliyadda Dhaqaalaha ee Jaamacadda Muqdisho
7/17/2012 8:44 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Ardaydan oo ka baxay qaybaha kala duwan ee kulliyadda dhaqaalaha Jaamacadda Muqdisho ayaa maanta munaasabad ay ku qalin jabinayeen loogu sameeyay Muqdisho, taasoo ay ka qaybgaleen mas'uuliyiin kala duwan.
Qaraxyo is xig-xigay oo Waabarigii hore ee Saakay ka dhacay Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan
7/17/2012 5:56 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Labo qarax oo loo maleynayo in ay ahaayeen kuwo ka dhashay miinada meelaha fog laga hago ayaa saakay waabarigii hore ka dhacay bartamaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Saraakiisha Ciidamda Dowladda KMG ee Jubbooyinka oo sheegay inuu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsan Al-shabaab
7/17/2012 5:53 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada dowladda KMG ee ku sugan deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in uu isu soo dhiibay sargaal sare oo katirsan Al-shabaab.
Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga oo Muqdisho yimid, isagoo dhagax-dhigay Mashruuc lagu horumarinayo Saadaasha Hawada
7/17/2012 3:19 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaare ku xigeenkaTurkiga, Bakir Buzdag iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray Muqdisho ayaa dhagax-dhigay raadeer cusub oo laga dhisayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya oo lagu dilay Weerar gaadmo ah oo ka dhacay Deegaanka Libooyo-Kenya
7/17/2012 3:12 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Saddex ka tirsan saraakiisha booliiska Kenya ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacya deegaan Libooyo oo ku dhow soohdinta ay wadagaan Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo la sheegay in kooxihii weerarka fuliyay ay baxsadeen.
Guddiga Horumarinta Hargeysa oo baaq ku saabsan doorashada golaha deegaanka u diray Ururadda Siyaasadda Somaliland
7/17/2012 3:07 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Guddi farsamo oo ka shaqayn doonta horumarka iyo baahiyaha magaalada Hargeysa ayaa shir ku yeeshay hotel Crown ee Hargeysa kaga hadlay horumarinta magaalada, kuwaasoo kasoo saaray baaq ku aadan in nin aan reer Hargeysa ahayn uusan isku soo sharaxi karin golaha deegaanka Hargeya inta caasimadda loo samaynayo xeer u gaar ah oo ka duwan magaalooyinka kale.
Somali News
Chicago terror suspect’s long road to seeking martyrdom
-
CNN
7/17/2012 7:55 AM EST
An American man's efforts to become a suicide bomber for the Somali al Qaeda affiliate will end next week with an expected guilty plea.
UN Special Representative for Somalia condemns the murder of former Trade Minister in Mogadishu
-
UNPOS
7/17/2012 7:52 AM EST
The Special Representative of the Secretary-General, Dr. Augustine P. Mahiga, has condemned yesterday's murder of a former Trade Minister in Mogadishu, allegedly by Al-Shabaab.
Somali refugee population in Horn of Africa passes one million, but exodus slows
-
Reuters AlertNet
7/17/2012 7:47 AM EST
Somalia's refugee exodus crossed a new threshold this past week, with more than a million people now having fled the country for the surrounding region, according to the latest UNHCR data. The most recent arrivals continue to cite insecurity and dwindling food resources as the main reasons for their flight.
Kibaki calls for sustained engagement on Somalia
-
KBC
7/17/2012 7:46 AM EST
President Kibaki who is attending the 19th African Union Summit in Addis Ababa, Ethiopia, has called for sustained efforts by the international community and all stakeholders towards consolidating the gains so far achieved in Somalia as the term of the Transitional Federal Government comes to an end in August this year.
Leaked UN report demands sanctions for Somalia's corrupt leaders
-
AFP
7/17/2012 7:44 AM EST
The leaked report said key leaders at the very top of government – including the president and the speaker of Parliament – were mired in scandal, boosting the cause of al-Qaeda-linked al-Shabab insurgents.
SOMALIA: Pity The Poor Pirates
-
Strategy Page
7/17/2012 7:41 AM EST
Pirate activity is down over 50 percent so far this year. In the first six months there were 69 pirate attacks off Somalia, compared to 163 in the same period last year.
Study cites corruption in Somalia
-
Philadelphia Inquirer
7/17/2012 7:39 AM EST
A scathing report written for the U.N. Security Council says that systematic misappropriation, embezzlement, and outright theft of taxpayer funds have become a system of governance in Somalia.
Immigrant CAN guides teens adjust to American life
-
St Cloud Times
7/17/2012 1:41 AM EST
When Ali Yusuf immigrated to America from Somalia in 1998, he was 19 years old and understood no English.
UN warns on graft consequence in Somalia
-
Financial Times
7/17/2012 1:35 AM EST
The corrupt political elite at Somalia’s helm could “fuel continued instability and conflict, potentially reviving the fortunes of an embattled al-Shabaab”, according to the report by the UN Monitoring Group on Somalia and Eritrea, which is researched by experts who recommend individuals for sanctions to the UN Security Council.
Farah — golden Somalian import
-
The News International
7/17/2012 1:33 AM EST
PARIS: Mo Farah’s wife Tania is due to give birth to twins in September, but whether the Somalia-born athlete pursues his own dream of double Olympic gold will depend on how he fares first up in the 10,000 metres.
Three Kenya police killed near Somali border: police
-
Reuters
7/17/2012 1:32 AM EST
NAIROBI (Reuters) - Three Kenyan police officers were killed in an ambush in northeastern Kenya near the Somali border on Monday, the local police chief said, the latest in a rash of attacks in the region.
Eritrea Demands UN Sanctions Be Lifted
-
VOA
7/17/2012 1:31 AM EST
Eritrea’s UN envoy said Asmara has petitioned the Security Council to lift sanctions on his country after a monitoring group said it found no evidence that Eritrea supports the Somali-based Islamist militant group al-Shabab.
More Than 3,000 People Flee Somalia Monthly
-
Prensa Latina
7/17/2012 1:29 AM EST
Mogadishu, Jul 17 (Prensa Latina) More than 3,000 people flee Somalia every month due to the drought in the region this year, said a report by the NGO Action Against Hunger.
Man applied for UAE visas for '40 sons'
-
Emirates 247
7/17/2012 1:28 AM EST
The UAE’s top court sentenced a Somali man to one year in prison on charges of lying to immigration authorities by obtaining visas for 40 presumed sons. Investigation later showed only one of them was actually his son.