Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada DKMG ah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa ka socda duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo dadka ku sugan degmadaas ay walaac ka muujinayaan dagaallada.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Baardheere ayaa HOL u sheegay in dagaalku uu yahay mid culus oo ay dhinacyadu isku adeegsanayaan hub kala duwan, kuwaasoo shanqartooda laga maqlayo gudaha degmadaas oo ka mid ah labada degmo ee ay Al-shabaab kaga sugan tahay gobolka Gedo.
"Xaalad dagaal ayaan illaa xalay ku jirnay... meel degmada aad ugu dhow ayuu ka socdaan dagaalka... ma sheegi karno sida uu xaalku noqonayo, balse cabsi weyn ayaan qabnaa," ayay tiri haweeney ka mid ah dadka ku nool degmada Baardheere.
Haweeneyda oo codsatay in sababo ammaan awgood aan magaceeda u qarinno ayaa waxay sheegtay in xoogaga Al-shabaab ay isku dayayaan inay difaacaan gacan ku haynta degmada, ciidamada dowladda iyo kuwa la socdana ay doonayaan inay degmadaas qabsadaan.
"Dagaalladu waxay billowdeen xalay illaa maanta oo dhanna way socdeen, ma garan karno khasaaraha ka dhashay inta uu le'eg yahay, balse dhaawacyo degmada la keenay waan aragnay," ayay tiri haweeneyda la hadashay HOL.
Ciidamada dowladda ayaa waxaa caawinaya ciidamada Itoobiya oo gobolkaas ku sugan iyadoo aysan weli saraakiisha dowladda iyo kuwa Al-shabaab ka hadlin dagaalka ku dhexmaraya duleedka degmada Baardheere.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka inta uu le'eg yahay, waxaase wararka ku saabsan dagaalkan idin kugu soo gudbin doonnaa wararkeenna dambe ee maanta haddii ALLE ogolaado.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Dagaallo u dhexeeyay Ciidamada Dowladda KMG iyo Xarakada Al-shabaab oo ka socda duleedka degmada Baardheere
More News
- Hay'adda CRD oo Muqdisho ku qabatay Dood-wadaag looga hadlayay Marxaladda kala guurka ah ee uu dalku ku jiro
- Duqa degmada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo ku baaqa in la caawiyo dadka dhibaateysan bisha Ramadaan
- Golaha Wakiiladda Somaliland oo taageeray qaabkii ay soo jeediyeen in doorashadda lagu galo golaha Guurtidda
- Munaasabad Muqdisho loogu sameeyay Arday ka qalin-jabisay Kulliyadda Dhaqaalaha ee Jaamacadda Muqdisho
- Qaraxyo is xig-xigay oo Waabarigii hore ee Saakay ka dhacay Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan
- Saraakiisha Ciidamda Dowladda KMG ee Jubbooyinka oo sheegay inuu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsan Al-shabaab
- Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga oo Muqdisho yimid, isagoo dhagax-dhigay Mashruuc lagu horumarinayo Saadaasha Hawada
- Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya oo lagu dilay Weerar gaadmo ah oo ka dhacay Deegaanka Libooyo-Kenya
- Guddiga Horumarinta Hargeysa oo baaq ku saabsan doorashada golaha deegaanka u diray Ururadda Siyaasadda Somaliland