Hiiraan Online
Sunday, May 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Talaado, July 17, 2012
Golaha Wakiiladda Somaliland oo taageeray qaabkii ay soo jeediyeen in doorashadda lagu galo golaha Guurtidda
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — golaha Wakiiladda ayaa isku raacay qaabkii ay golaha guurtiddu usoo jeediyeen in lagu galo Doorashadda golaha deegaanka, taas oo ka hor imanaysa qaabka ay rabeen in lagu galo doorashadda Guddidda Doorashooyinka Somaliland.
Guddidda doorashooyinka ayaaa golaha baarlamaanka usoo gudbiyey wax ka bedel lagu sameeyo xeerka doorashooyinka si ay u fududaato hawlaha hor yaalla guddidda, balse soo jeedintaasi Komishanka Doorashooyinka waxa ka hor yimid golaha Guurtidda oo diiday qaabkay soo jeediyeen, iyagoo sheegay in xeerka ka hor imanayso, isla markaana ku jahawareerayaan codbixiyeyaashu, waxaanay xeerkaasi dib ugu soo celiyeen golaha Wakiiladda oo markii hore xeerka u ansixiyey qaabka Komishanka doorashooyinka u rabeen.
Haseyeeshee, markii xeerkan dib ugu soo noqday golaha Wakiilada ayaa dib u eegeen una ansixiyeen qaabkii ay u ansixiyeen golaha Guurtidda, iskuna waafaqay soo jeedintii golaha Guurtidda.
Qaabkan doorashadda loo galayo ee ay doonayeen guddida Doorashooyinku ayaa ahaa in astaantii hore ee qofka musharaxa ahi ku gali jiray doorashooyinka lagu bedelo Lambar, haseyeeshee waxa arrinnkaasi diiday golaha Guurtidda oo sheegay in aanay macquul ahayn in lambar lagu galo balse ansixiyey in astaan lagu galo, iyagoo dib ugu soo celiyey golaha Wakiladda.
Hadaba, golaha Wakiiladda ayaa u ansixiyey qaabkay golaha Guurtiddu rabeen oo ah in astaan lagu galo, taasina waxay ka hor imanaysaa qaabkii ay komishanka doorashooyinku doonayeen.
Fadhigii golaha Wakiiladda oo uu shirgudoominayey gudoomiyaha golaha Wakiiladda Md: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa cod gacan taag ah ku kala saaray soo jeedintii golaha Guutidda iyo tii guddidda Doorashooyinku rabeen, waxaanay taageereen qaabkii golaha guurtiddu usoo dhigeen xeerkan.
“Xeerkani waxa uu ku ansaxmay sidii ay uu ku soo jeediyeen golaha Guurtiddu”ayuu yidhi gudoomiyaha golaha Wakiiladda Md: Cirro oo sheegayey natiijaddii ka soo baxay codkii loo qaaday qaabka loo galayo doorashooyinka oo ah in astaan lagu gallo.
Xeerkan doorashooyinka ee wax laga bedelayey ayaa hore waxa golaha Wakiiladdu u ansixiyey siday rabeen komishanka Doorashooyinku, balse markii la isku khilaafay ee golaha Guurtiddu dib ugu soo celiyey Wakiiladda, tallo soo jeedina ku sameeyey xeerkan ayaa golaha wakiiladdu dib u eegay una ansixiyey sidii uu golaha Guurtiddu rabay, haseyeeshee qaabkan imika la ansixiyey ayaa hore waxa caqabad ku tilmaamay guddiddda Doorashooyinka oo iyagu soo qorshaystay qaabka ay doonayeen inay doorashadda lagu gallo, balse waa lagu diiday qorshahoogaasi.
Dhinaca kale, guddida dhaqalaha ee golaha Wakiiiladda ayaa u yeedhay wasiirka Duulista hawaddaa si ay wax uga waydiiyaan lacag la sheegay in lagu dalacay dadka dhoofaya ama soo degayo oo aan ku jirin sharciga, waxaanay labadda dhinac ka wada hadleen arrintan iyo sharciyadeeda.
Haseyeeshee, wasiirka Duulista Hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa markii kulanka ka soo baxeen u sheegay warbaahinta in arrintaasi siday wax u jireen uga warameen guddidda dhaqaalaha, isla markaana aanay jirin lacag cashuur ah oo ay xukumaddu ku soo rogtay dadka ka dhoofa ama soo degga garoomadda Somaliland, waxaase uu sheegay inuu soo kordhay adeeg amniga garoomadda lagu hagaajinayo oo ka madax banaan dawladda, balse guddoomiyaha guddida dhaqaalaha ee golaha Wakiiladda Maxamuud Cumar Xaashi ayaa sheegay in wali wixi ay ka wada hadleen qaybi u hadhsan tahay, kulankana la sii waddi doonno Wixii ka soo baxana loo gudbin doonno gole weynaha Somaliland.
Lacagtan la sheegayo in lagu daray lacagtii la qaadi jiray ayaa ah toban dollar oo qof kasta oo shandadiisa la baadho laga qaadi doono, taas oo aan hore ugu jirin sharciyadda lacag qabashadda ee dawladda.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
Post your comments
Hay'adda CRD oo Muqdisho ku qabatay Dood-wadaag looga hadlayay Marxaladda kala guurka ah ee uu dalku ku jiro
7/17/2012 9:28 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Dood wadaaggii u horreeyay oo shacabka ay kaga doodaan marxalada kala guurka oo ay kasoo qayb-galeen madaxda dowladda KMG, wasiiro, xildhibaanno, haweenka iyo culumaa'udiin ayaa maanta Muqdisho lagu qabtay, iyadoo dooddan inteeda badan looga hadlay doorka haweenku ku leeyihiin hoggaanka dalka iyo siyaasadda.
Duqa degmada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo ku baaqa in la caawiyo dadka dhibaateysan bisha Ramadaan
7/17/2012 9:28 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Duqa degmada Baladweyne ee maamul gobolka Hiiraan Max’ed Xassan Nuuriye oo la hadllay HOL ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo dadka dhaqaallahoodu wanaagsan yahay in ay caawiyaan bisha Ramaadaan dadka ku dhibaateysan xareyahay barakacayaasha magaalada Baladweyne.
Dagaallo u dhexeeyay Ciidamada Dowladda KMG iyo Xarakada Al-shabaab oo ka socda duleedka degmada Baardheere
7/17/2012 8:47 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada DKMG ah iyo Xarakada Al-shabaab ayaa ka socda duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo dadka ku sugan degmadaas ay walaac ka muujinayaan dagaallada.
Munaasabad Muqdisho loogu sameeyay Arday ka qalin-jabisay Kulliyadda Dhaqaalaha ee Jaamacadda Muqdisho
7/17/2012 8:44 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Ardaydan oo ka baxay qaybaha kala duwan ee kulliyadda dhaqaalaha Jaamacadda Muqdisho ayaa maanta munaasabad ay ku qalin jabinayeen loogu sameeyay Muqdisho, taasoo ay ka qaybgaleen mas'uuliyiin kala duwan.
Qaraxyo is xig-xigay oo Waabarigii hore ee Saakay ka dhacay Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan
7/17/2012 5:56 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Labo qarax oo loo maleynayo in ay ahaayeen kuwo ka dhashay miinada meelaha fog laga hago ayaa saakay waabarigii hore ka dhacay bartamaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Saraakiisha Ciidamda Dowladda KMG ee Jubbooyinka oo sheegay inuu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsan Al-shabaab
7/17/2012 5:53 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada dowladda KMG ee ku sugan deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in uu isu soo dhiibay sargaal sare oo katirsan Al-shabaab.
Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga oo Muqdisho yimid, isagoo dhagax-dhigay Mashruuc lagu horumarinayo Saadaasha Hawada
7/17/2012 3:19 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaare ku xigeenkaTurkiga, Bakir Buzdag iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray Muqdisho ayaa dhagax-dhigay raadeer cusub oo laga dhisayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya oo lagu dilay Weerar gaadmo ah oo ka dhacay Deegaanka Libooyo-Kenya
7/17/2012 3:12 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Saddex ka tirsan saraakiisha booliiska Kenya ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacya deegaan Libooyo oo ku dhow soohdinta ay wadagaan Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo la sheegay in kooxihii weerarka fuliyay ay baxsadeen.
Guddiga Horumarinta Hargeysa oo baaq ku saabsan doorashada golaha deegaanka u diray Ururadda Siyaasadda Somaliland
7/17/2012 3:07 AM EST
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Guddi farsamo oo ka shaqayn doonta horumarka iyo baahiyaha magaalada Hargeysa ayaa shir ku yeeshay hotel Crown ee Hargeysa kaga hadlay horumarinta magaalada, kuwaasoo kasoo saaray baaq ku aadan in nin aan reer Hargeysa ahayn uusan isku soo sharaxi karin golaha deegaanka Hargeya inta caasimadda loo samaynayo xeer u gaar ah oo ka duwan magaalooyinka kale.
Somali News
Chicago terror suspect’s long road to seeking martyrdom
-
CNN
7/17/2012 7:55 AM EST
An American man's efforts to become a suicide bomber for the Somali al Qaeda affiliate will end next week with an expected guilty plea.
UN Special Representative for Somalia condemns the murder of former Trade Minister in Mogadishu
-
UNPOS
7/17/2012 7:52 AM EST
The Special Representative of the Secretary-General, Dr. Augustine P. Mahiga, has condemned yesterday's murder of a former Trade Minister in Mogadishu, allegedly by Al-Shabaab.
Somali refugee population in Horn of Africa passes one million, but exodus slows
-
Reuters AlertNet
7/17/2012 7:47 AM EST
Somalia's refugee exodus crossed a new threshold this past week, with more than a million people now having fled the country for the surrounding region, according to the latest UNHCR data. The most recent arrivals continue to cite insecurity and dwindling food resources as the main reasons for their flight.
Kibaki calls for sustained engagement on Somalia
-
KBC
7/17/2012 7:46 AM EST
President Kibaki who is attending the 19th African Union Summit in Addis Ababa, Ethiopia, has called for sustained efforts by the international community and all stakeholders towards consolidating the gains so far achieved in Somalia as the term of the Transitional Federal Government comes to an end in August this year.
Leaked UN report demands sanctions for Somalia's corrupt leaders
-
AFP
7/17/2012 7:44 AM EST
The leaked report said key leaders at the very top of government – including the president and the speaker of Parliament – were mired in scandal, boosting the cause of al-Qaeda-linked al-Shabab insurgents.
SOMALIA: Pity The Poor Pirates
-
Strategy Page
7/17/2012 7:41 AM EST
Pirate activity is down over 50 percent so far this year. In the first six months there were 69 pirate attacks off Somalia, compared to 163 in the same period last year.
Study cites corruption in Somalia
-
Philadelphia Inquirer
7/17/2012 7:39 AM EST
A scathing report written for the U.N. Security Council says that systematic misappropriation, embezzlement, and outright theft of taxpayer funds have become a system of governance in Somalia.
Immigrant CAN guides teens adjust to American life
-
St Cloud Times
7/17/2012 1:41 AM EST
When Ali Yusuf immigrated to America from Somalia in 1998, he was 19 years old and understood no English.
UN warns on graft consequence in Somalia
-
Financial Times
7/17/2012 1:35 AM EST
The corrupt political elite at Somalia’s helm could “fuel continued instability and conflict, potentially reviving the fortunes of an embattled al-Shabaab”, according to the report by the UN Monitoring Group on Somalia and Eritrea, which is researched by experts who recommend individuals for sanctions to the UN Security Council.
Farah — golden Somalian import
-
The News International
7/17/2012 1:33 AM EST
PARIS: Mo Farah’s wife Tania is due to give birth to twins in September, but whether the Somalia-born athlete pursues his own dream of double Olympic gold will depend on how he fares first up in the 10,000 metres.
Three Kenya police killed near Somali border: police
-
Reuters
7/17/2012 1:32 AM EST
NAIROBI (Reuters) - Three Kenyan police officers were killed in an ambush in northeastern Kenya near the Somali border on Monday, the local police chief said, the latest in a rash of attacks in the region.
Eritrea Demands UN Sanctions Be Lifted
-
VOA
7/17/2012 1:31 AM EST
Eritrea’s UN envoy said Asmara has petitioned the Security Council to lift sanctions on his country after a monitoring group said it found no evidence that Eritrea supports the Somali-based Islamist militant group al-Shabab.
More Than 3,000 People Flee Somalia Monthly
-
Prensa Latina
7/17/2012 1:29 AM EST
Mogadishu, Jul 17 (Prensa Latina) More than 3,000 people flee Somalia every month due to the drought in the region this year, said a report by the NGO Action Against Hunger.
Man applied for UAE visas for '40 sons'
-
Emirates 247
7/17/2012 1:28 AM EST
The UAE’s top court sentenced a Somali man to one year in prison on charges of lying to immigration authorities by obtaining visas for 40 presumed sons. Investigation later showed only one of them was actually his son.