Xuskii Sannadguuradii 1-aad qaraxii 18 June 2009 ee ka dhacay magaalada Baladweyne

Cabirka Farta


Qaraxii ka dhacay Hotel Madina oo sababay dhimasho dad ka badan 37 (June 18, 2010) - Sawir: Diini/HOL


Sabti, Juun 19, 2010 (HOL) - Waxaa hoolka shirarka ee Hotel Andalus ee degmada Islii, magaalada Nairobi lagu xusay Sannadguurada  koobaad qaraxii 18 june ka dhacay magaalada Baladweyne. Qaraxaas oo sababay dhimasho dad gaarayo 37 qofood ayna ka mid ahaayeen wasiirkii Amniga mudane Cumar Xaashi Aadan iyo Danjire Cabdikariim Faarax Laqanyo.

 Munaasabadaas waxaa soo xaadiray dhamaan bulsho weynta Soomaaliyeed ee ku nool wadankaan Kenya, gaar ahaan Nairobi iyo hareeraheeda.

Waxaa munaasabaddaas ka hadlay masuuliyiin  kala duwan oo uu ugu horeeyay gudoomiyaha jaaliyada reer Hiiraan ee wadanka Kenya Prof Cade Duqow. Prof Cade wuxuu si tiiraanyo leh uga hadlay qaraxii ka dhacay Hotel Madina; wuxuuna asigoo hadalkiisa sii wata yiri in jaaliyada reer Hiiraan ay xasuusan doonto maalintaan murugada leh. 



Muxudiin Cumar Cabdi ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey  taariikh nololeedkii Mudane Cumar Xaashi Aadan iyo Danjire C/kariim Faarax Laqanyo.

Waxaa isna munaasabad ka hadlay gudoomiyaha qurbajoogta reer Hiiraan mudane Maxamud Cabdi Gaab. Mudane Maxamud oo ay wajigiisa xamaas ka muuqatay ayaa dadweynihii halkaas isugu yimid ku dhiirigaliyey in reer Hiiraan meel kasta oo ay joogaan ay xasuustaan maalinta mugdiga ah.


Waxaa isnla halkaas ka hadlay Mudane Maxamed Cabdi Yusuf oo R/Wasaari u ahaa dowladda lagu soo dhisay Magaalada Carta.  “Cumar Xaashi iyo aniga waxaynu ahayn  saaxibo aad isugu dheer , waxayna ahayd saaxibtinimo aan qaranka Soomaaliyeed ku badbaadineyno.  Cumar Xaashi halgankii aan ku ballanay ayuu ku dhintay” sidaa waxaa yiri Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf.

Caaqil Bashir Maxamed Jaamac (Caraacir) ayaa ku gubaabiyey ka soo qaybgalayaashii munaasabad in ay dadkii ku geeriyooday qaraxii Beledweyne loo dhiso dugsiyo iyo dhismooyin kale oo lagu  xasuusto. Waxaa sidoo kale goobta munaasabadda ka hadlay Xildhibaan Cabdiwali Sh. Maxmed  oo sheegay in ay muhiim tahay in maxkamad la soo taago dhamman dadkii ka dambeeyey qaraxyadii lala beegsaday Hotelada Shamow iyo Madina.  Salaad Cusmaan Rooble  oo isna halkaas ka hadlay ayaa u tacsiyadeey dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bulshaweynta reer Hiiraan, wuxuuna xusay in maanta ay mudantahay in mar waliba la xusuusto.

Dadweynihii halkaas isugu yimid ayaa ilaaheey u baryey in dadkii ku geeriyooday qarixii Hotel Madina uu Jannadii ka waraabiyo, halgankii ay u dhinteena meeshiisii laga sii wado.