Machadka Universal Qardho oo Shahaadooyin Arday Gudoonsiiyey (Sawiro/Warbixin)
Sabti, Juun 19, 2010 (HOL) - Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo Shahaadooyin lagu
gudoonsiinayey Arday dhammeystay Koorsooyin Luqada Ingiriiska ayaa ka dhacday Xarunta Dalladda Garwo-net ee Qardho.
Xaflad Qalin jabinta ah ayaa waxaa ka qeyb galay Masuulyiin ka tirsan Maamulka degaanka, Odayaal,Ururadda Bulshadda iyo Gudoomiyaha Waxbarshadda Degmadda Qardho.
Ugu horeyn waxaa Xaflad Furitaankeeda hadal ka jeediyey Cabdiweli Gooni oo ah Maamulaha Machadka Universal, wax uuna si weyn uga sheekeyay Marxalad uu soo maray Waxbarshadda Degaanka gaar ahaa
Machadka tan iyo intii Laga furay Qardho 10 Sanno ka hor.
Gooni wax uu sheegay in Machadka Universal uu ku guuleystay in Arday badan ay ka Qalin jabiyaan Qeybaha Luqadaha,Caafimaadka,Saxaafadda iyo weliba Culuumta Xisaabaadka.
Wax uuna si gaar ah Mahad celin ugu jeediyey Dadka ka qeyb galay Munaasibadda, iyo weliba Maamulka Xarunta ay Xafladda ka dhaceysay ee Garwo Net.
Ardayda ayaa wax ay halkaas ku soo bandhigeen, Khudbado kala duwan oo ku baxayey Luqadaha Carabiga iyo Ingiriiska kuwaas oo aad dadku u jecleysteen.
Waxaa igana halkaas hadalo Qiimo badan ka jeediyey qaar ka mid ah Waalidiinta Caruurtooda ay Machadka wax ka bartaan , kuwaas oo iyaggana Mahad celin u jeediyey Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga.
Ugu Dambeyntii Waxaa Xafladda Shahaadooyin lagu gudoonsiiyey arday gaareysa, 15 Arday kuwaas oo uu Gudoonsiiyey Gudoomiyaha Waxbarshadda Degmadda Qardho Siciid Maxamed Faahiye oo Amaanay Maclimiinta dugsigaasi.
Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso,Somaliya