May-16-12
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 12, 2009
Halkaan ka daawo Sawiro Bannaanbax maanta ka dhacay magaalada Booram

Axad, 12 July 2009 (HOL): Afar qof oo la dilay ka dib markii laga afduubay Jidka u dhaxeeya Magaalooyinka Borama iyo Gabiley ee Somaliland, ayaa maanta lagu aasay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Taas oo keentay in dad gadoodsani mudaharaad ku dhex maraan Magaalada Borama.

Afarta qof ayaa la dilay ka dib markii sida la sheegay laga afduubay Jidka u dhaxeeya Borama iyo Gabiley, taas oo ku soo beegantay waqti ay dirir dhinaca Dhulka ahi u dhaxayso qaar ka mid ah Beelaha wada dega Awdal iyo Gabiley. Dadweyne tiro badan ayaa maanta ka qayb-galay aaska dadkan, kuwaas oo markii ay ka dareereen Aaska Mudaharaad ay isugu soo baxeen ku dhex maray Magaalada Boorama ee Xarunta Awdal. (Halkaan ka wada aqriso)

 

36.JPG
15.JPG
25.JPG
43.JPG
55.JPG
65.JPG
73.JPG
83.JPG
94.JPG
103.JPG
112.JPG
122.JPG
131.JPG
141.JPG
151.JPG
16.JPG
18.JPG
19.JPG
20.JPG

12/07/2009 9:33 AM EST
Axad, 12 July 2009 (HOL): Afar qof oo la dilay ka dib markii laga afduubay Jidka u dhaxeeya Magaalooyinka Borama iyo Gabiley ee Somaliland, ayaa maanta lagu aasay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Taas oo keentay in dad gadoodsani mudaharaad ku dhex maraan Magaalada Borama.

12/07/2009 8:02 AM EST
Axad, July 12, 2009(HOL): In ka badan 20 ruux ayaa geeriyootay, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kaddib markii uu saaka dagaal xooggan ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Boondheere, Shibis, C/Casiis iyo Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

12/07/2009 6:29 AM EST
Axad, July 12, 2009(HOL): Wiil kale oo Somali-American ah, isla markaana ku biiray Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu dilay Magaalada Muqdisho kaddib dagaal xooggan oo shalay dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam oo ka soo horjeeda.

12/07/2009 5:00 AM EST
Axad, July 12, 2009(HOL): Madaafiic khasaare geysatay ayaa waxaa lagu garaacay Suuqa Bakaaraha iyo xaafado u dhow iyadoo madaafiicdaasna ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

12/07/2009 3:18 AM EST
Axad, July 12, 2009(HOL): Degmooyin ka tirsan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa saaka waxaa ka dhacay dagaal culus oodhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay kaalinayaan kuwa Amisom iyo Xoogagga Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo ka soo horjeeda.

12/07/2009 3:15 AM EST
Axad, 12, July, 2009 (HOL) Inta la hubo 5 Ruux oo Afar ka mid ah ahaayeen dad rayid ah oo ay ku jiraan labo ruux oo Dumar ah ayaa ku dhaawacmay weerar loo adeegsaday Bam kuwa gacanta laga tuuro ah oo xalay lagu qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Goballka Hiiraan xili ay ilaalo ka hayeen Buundada lagu magacaabo Buundo-weyn ee Magaalada Beledweyne.

12/07/2009 3:12 AM EST
Axad, 12 July 2009 (HOL): Shir uu guddoominayay Madaxweyne Rayaale oo ay isugu yimaadeen guddi ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ayaa shalay laga soo saaray go’aamo ka kooban 5 qodob, kuwaas oo la xidhiidha deegaannada shaqaaqadu ka dhacday ee muranku ka taagan yahay ee Ceel-berdaalle.

12/07/2009 3:09 AM EST
Axad, July 12, 2009(HOL): Dadka Ganacsatada ah ee ku dhaqan Magaalada Kismaayo iyo Maamulka Islaamiga ah oo Iskaashanaya ayaa Maanta markii ugu horeeysay Baaskiilada dadka Naafada ah ugu deeqay dadka Curyaamiinta ah ee kudhaqan Magaalada Kismayo ee Xarunta Gobolka J/hoose.

12/07/2009 3:06 AM EST
Axad, July 12, 2009(HOL): Kulan ay isugu yimaadeen Ardayda Afar Jaamacadood oo ka mid ah Jaamacadaha ka jira Magaalada Hargeysa, ayaa lagu qabtay Hutel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

12/07/2009 3:03 AM EST
Axad, July 12, 2009(HOL): Maanta oo 11-ka July ah kuna began Xuska Maaalinta Mujtamaca Aduunka ayaa manta waxaa laga xusay Magaalada muqdisho, iyadoo SSWC ay u qeybisay Munaasabadaasi awgeed Kun Boorso oo ay ku jiraan alaabo kala duwan Boorsadiiba.