5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 12, 2009
Mudaharaad ka dhacay Borama iyo dad hore loo dilay oo halkaa lagu aasay

Axad, 12 July 2009 (HOL): Afar qof oo la dilay ka dib markii laga afduubay Jidka u dhaxeeya Magaalooyinka Borama iyo Gabiley ee Somaliland, ayaa maanta lagu aasay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Taas oo keentay in dad gadoodsani mudaharaad ku dhex maraan Magaalada Borama.

Afarta qof ayaa la dilay ka dib markii sida la sheegay laga afduubay Jidka u dhaxeeya Borama iyo Gabiley, taas oo ku soo beegantay waqti ay dirir dhinaca Dhulka ahi u dhaxayso qaar ka mid ah Beelaha wada dega Awdal iyo Gabiley. Dadweyne tiro badan ayaa maanta ka qayb-galay aaska dadkan, kuwaas oo markii ay ka dareereen Aaska Mudaharaad ay isugu soo baxeen ku dhex maray Magaalada Boorama ee Xarunta Awdal.

Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedyada Gobolka Awdal oo la hadlay dadkii isugu soo baxay Mudaharaadkaas, ayaa falka lagu dilay dadkan ku tilmaamay mid aan bannaanayn, isla markaana ah wax laga murugoodo. Waxaanay kula dardaarmeen dadkii Mudaharaadka ka qayb galay iyo guud ahaan Shacabka reer Awdal in aanay si cadho leh uga jawaabin tallaabadaas, isla markaana aanay ku kicin arrimo abuuri kara nabad-gelyo darro.

Inkasta oo aan ilaa hadda la fulinin go’aan ay Golaha Guurtida Somaliland ka soo saartay arrinta muranku ka taagan yahay ee dhulka labada dhinac ku muransan yihiin, ka dib markii ay guddi u saartay arrintan, haddana Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay go’aano hor leh oo ay ku amrayso Taliyayaasha Ciidamada iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha in goobta muranku ka taagan yahay laga dhigo goob Ciidan, tallaabana laga qaado cid kasta oo lagu arko iyada oo hub sidata. Waxaana go’aankan ka mid ahaa in sidoo kale tallaabo laga qaado qaar ka mid ah Warbaahinta Somaliland oo ay ku eedeeyeen in ay tebiyeen warar been ah oo arrintan la xidhiidha.

 Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland