Isniin, January 05, 2009(HOL): Ibaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti ee uu hoggaamiyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wuxuu ugu baaqay Baarlamaanka Soomaaliya in uusan ku deg degin doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya.
Xoghayaha Qorsheynta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Maxamuud Axmed Tarzan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan loo baahneyn in iyadoo loo soo socdo Dowlad-Midnimo-Qaran uu Baarlamaanka Soomaaliya isku mashquuliyo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
“Haddii Baarlamaanka Soomaaliya uu Madaxweyne doorto waxaa ay doorashadaas wax u dhimeysaa heshiiskii Jibouti oo waxyaabaha lagu gaaray ay ka mid ahaayeen in la dhiso Dowlad-Midnimo-Qaran”ayuu yiri Maxamuud Axmed Tarzan.
Maxamuud Axmed Tarzan oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay ku jiraan soo xulidda Xubnaha Baarlamaanka Dowladda loo dhan yahay ee Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in marka ay soo dhameystiraan xubnahaas uu qorshihii lagu heshiiyay ahaa in la soo doorto madaxweynaha Dowlad-Midnimo-Qaran ee Soomaaliya.
Dhinacyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Garabka Jibouti ayaa heshiis ay ku gaareen dalka Jibouti waxaa uu dhigayay in la sameeyo Dowlad-Midnimo-Qaran oo xubnaha Baarlamaankeeda uu gaarayo 550 Mudane.
Lama oga sida uu Baarlamaanka Soomaaliya u aqbali doono baaqa uga yimid Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, iyadoo la ogyahay in Axdiga u degsan Dowladda Federaalka uu dhigayo in marka uu madaxweyne is-casilo ama ay ku timaado xaalad kale oo uusan howsha ku sii wadi karin ay Baarlamaanka waajib ku tahay in muddo 30 cisho gudahood ah uu ku soo doorto Madaxweyne kale.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia