9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 5 , 2009
Ciyaaraha CECAFA: Xulka Qaranka Sooomaaliya oo 3-0 loogu awood sheegtay.

Hiiraan Online
Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)

Isniin, January 05, 2009(HOL) - Kaddib guul tariikhi ah oo Khamiistii xulka Qaranka K/cagta  Soomaaliya uu ka gaaray wadanka Tanzania ayaa  maanta guul-darro xoog leh xulkeenu kala kulmay ciyaartii uu la yeeshay dhigiisa wadanka Rwanda, kaddib markii 3-0 lagu dhiftay xulka Somalia.

Roob aad u xoog badan oo watay dabeyl dhaxan iyo xareed xoog leh ayaa billowday markii ciyaartu socotay muddo 10-daqiiqo ah, waxaana guul-darada Somalia  sababa u ahaa garoonka Nakivubo oo markii hore caradiisa oo jilicsaneyd, hadana uu ugu darsadan xareedda roobkii da'ay oo ku abuuray dhiiqo iyo godad ka qodmar garoonka, taas oo sababtay in laacibiinta qaranku ay kubadda sida ay rabaan ay u maamuli waayaan.



Ciyaartooyda Soomaaliya ayaa kubbad u dhaqaajin waayay shabaqa wadanka Rwanda, markii roobku uu yimid, waxaana dhacday markii ciyaartu ay mareysay daqiiqadii 15-aad in weeraryahanka xulka qaranka wadanka Rwanda Tuyisenge Pekeyake  uu helay kubad haboow ah, kaddibna uu shuud xoog leh ka dhex bixiyay shabaqa Soomaaliya, waloow goolhayaha Xulka Khaalid Cali oo dadaal uu kubbada ku qaban waayay sameeyay.

Roobka oo sii xoogeysanaya iyo ciyaartooyda Soomaaliyeed oo isku dayay inay soo aaraan goolka  ayaa kubad koorno ah oo ku dhex noq-noqatay diilinka 18-aad ee xulka Soomaaliya ayaa difaaca xulka Rwanda Gasana Eric u suuro gashay daqiiqadii 35-aad ee qeybtii hore ee ciyaarta fursada kale  oo uu ku dhashay goolkii 2-aad ee xulka Rwanda, waxaana qeybtii hore ee ciyaarta ku soo idlaatay 2-0.

Markii la iskugu soo laabtay qeytii labaad ee ciyaarta ayaa ciyaartooyda xulka Rwanda waxay billaabeen inay ku aruuraan difaac xoog leh, waayo waxay ka cabsanayeen in  weeraryahanada xulka qaranka wadanka Somalia Ciise Abshir iyo C/rashiid Cadaay oo labaduba ka soo safray wadanka Norway in ay ku helaan fursado looga soo aaro goolasha ay dhaliyeen, waayo haddii xulka Somalia uu galabta bar-bar dhac xitaa ku qaban lahaa ciyaarta  waxaa ciyaartooyda wadanka Rwanda ay weyn lahayeen 20-kun oo Dollar oo Madaxweynaha Rwanda Paul Kigame uu u ballan qaaday haddi ay ka badiyaan dhigooda Soomaaliya, waxaana dhowr jeer oo Cadaay uu isku dayay inuu dhiliyo goolal muhiim ah, hase ahaatee wax yar kaddib daqiiqadii 62-aad ayaa weeraryahanka kale ee xulka Rwanda Kamana Bakota wuxuu dhaliyeen goolkoodii 3-aad ee ciyaarta.



Weeraryahan Ciise Aadan ayaa dhaawac daraadiis ciyaarta looga saaray, kaddib markii isaga oo kubada raacanaya uu  ku dhacay god yar oo daadadlii garoonka soo galay ay qoday, waxaana lagu bedelay weerarka kale ee xulka qaranka C/casiis Ali Hoomey, waxaana dhici karta in dhaawacaas uu sababo in CIise uu safan kari waayo ciyaarta xigta ee Uganda lala yeelanayo,  waxaa sidoo kale dhaawac dhinaca garabka ah uu soo gaaray diifaaca midigta ee xulka Anwar Cali oo isbitaalka loola cararay, laakiin dhaqaatiirtu ay sheegeen in jab rasmi ah uusan soo gaarin laacibka, laakiinuu garabku kala baxay, waxaana laacibkaas uu seegi doonaa kulanka Arbacada ee Uganda, waxaana  booskiisa buuxin doona wiilka xulka ugu da'da yare ee la yiraahdo Kaamil Maxamed Isterebto. 



Tababaraha xulka Soomaaliya Maxamed Cabdi Faarax  Geela oo shax ahaan ciyaara 5-3-2 ayaa galabta sameeyay shax kale oo aheyd 5-3-1-1, wuxuuna sameeyay is bedel ciyaartooydii Khamiistii ka soo adkaatay Tanzaania, isagoo kurisga keydka fariisiyay Ciyaartooyda Axmed Maxame iyo C/caziiz Hoomey oo ka mid ahaa ciyaartooydii khamiistii ka guuleystay wadanka Tanzania.

Taageerayaashada Xulka Soomaaliya oo aan daaleynin, roobkuna uusan karin ayaa ku qeylinayay ereyo guubaabo ah oo ay niyada ugu dhisaneyeen ciyaartooyda qarankooda, waxaana  saxaafadda iyo saraarakiisha CECAGA ay u aqoobsadeen taageerayaasha ugu fiicnaa ee soo xaadira garoomada ciyaaraha sanadkan, waayo na jirin wax shido iyo qalalaaso ah oo ay sameeyeen intii tartankuu uu socday, waxaana guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Axmed Nuur Xasan C/lle uu taageerayaashaas uga mahadceliyay shaqada ay u qabteen qarankooda.

Xulka Soomaaliya waxaa u dhiman hal ciyaar oo uu la yeelan doono Wadanka ciyaaraha marti galinaya ee Uganda, waxaana ciyaartaas ay noqon doon doontaa mid aad u xiiso badan, maadaama labad xul ay ku loolamayaan sadexda dhibcood ee muhiimka ka ah.

Dhinaca kale kulankii 2-aad ee galabta la ciyaaray ayaa dhex maray xulalka Zanzibar iyo Tanzania, waxaana ciyaartaas oo aheyd mid derbi ah guud ahaan ciyaartaas ku soo idlaatay 2-1 oo guushu raacday wadanka Tanzania oo ka careysnaa guul-daradii Soomaalida ay kala kulmen, waxaana xulalka qeybta A u kala horeeyaan sidan:-

No

Wadan

Dhibco

1 Uganda 4
2 Zanzibar 4
3 Tanzania 3
4 Soomaaliya 3
5 Rwanda 3

Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Kampala, Uganda
Email [email protected]
Mobile +256 774228112