Tacsida Marxuum Ustaad Sheikh Mohamed Sheikh Xuseen Xasan

Anigoo ah Mohamed Ali "Kamoole", kuna hadlaya macaga xubnaha qoyskeyga oo dhan iyo keygaba, waxaa anigoo murugeysan tacsi tiiraanyo leh u gudbinayaa Dr. Abdullahi Sh. Hussein Hassan "Hantiwadaag", Xaaskiisa Drs Asha M. H. Cadnaan iyo Caruurtiisa, Ahmed Mohamed Sh. Hussein, Xaaskii iyo Caruurtiisa, MM Sheikh Hussein, Xaaskiisa iyo Caruurtiisa, Ali Mohamed Sheikh Hussein, Xaaskiisa iyo Caruurtiisa, Binti Mohamed Sh. Hussein, Saciido Mohamed Sh. Hussein, Ijaabo Mohamed Sheikh Hussein iyo Dhammaan reer Sheikh Hussein Hassan, Geeradii Naxadinta lahayd ee ku timid Alle ha u naxariistee Ustaad Sheikh Maxmad Sheih Xuseen Xasan.

Wuxuu ka baxay Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Macalamiinta Soomaaliyeed iyo Ardadii uu soo barbaariyay. Marxuum Ustaad Sheikh Mohamed Hussein Hassan wuxuu ku xijaabtay magaalada London ee da lka Ingriiska. Alle ha u naxariistee Marxuum Ustaad Sheikh Mohamed Sheikh Hussein, wuxuu ka mid ahaan jiray macaalamiitii ugu horreysay ee aasaaska u dhigay tacliinta Somalia. Waxaa lagu xasuustaa doorkii uu ku lahaa Thaqaafada iyo horumarinta Aqoonta Soomaaliyeed, iyo isagoo weliba ku lahaa magaca iyo maamuus sarre halgankii taariikhiga iyo kifaaxii dheeraa ee loo soo maray Waxbarashada iyo Gobanimada Somalia intaba.

Marxuumka oo ka soo shaqeeyay goballo badan ee Somalia ka mid ah, wuxuu macalin u soo noqday dad badan oo caan ah, qaarkoodna ka mid noqday hoggaankii Somalia ka hor xiliyadii dagaaladii sukeeye. Inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun. Alle ha u naxiirstee Marxuum Ustaad Sheikh Mohamed Sheikh Hussein Hassan, Intii uu ka tagay, Macalamiinta iyo Ummadda Soomaaliyeed dhammaantood inuu Ilaah ka siiyo samir iyo iimaan.

Halkaan Riix si aad tacsidaad ugu reebto buugga tacsida.

Tacsida Marxuum Cabdi Sandhool Guure

Waxaan halkaan tacsi uga direynaa dhammaan reer Sandhool Gure geerida ku timid allaha u naxariistee Marxuum Cabdi Sandhool Guure oo maalintii arbacada bishan Luuliyo 17 ku geeriyooday magaalada Mandheere ee dalka Kenya. Waxaan ilaaheey uga baryeynaa in uu naxariistii Janno ka waraabiyo annagan Samir iyo iimaan. Amiin, Aamiin

Halkaan Riix si aad tacsidaad ugu reebto buugga tacsida.