More Articles
Sabti, October 11, 2025 (HOL) - Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ku biiraysa Baarlamaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika (EALA), taas oo la sheegay in ay qeyb ka tahay dadaallada dowladda federaalka ee ku aaddan in dalku si buuxda uga mid noqdo urur goboleedkan.
Warkii oo dhan
Jimco, October 10, 2025 (HOL) - Puntland ayaa difaacday heshiiskii dhawaan ay la gashay Somaliland, kaas oo sababay doodo iyo mucaarad xooggan oo ka dhashay gudaha Puntland.
Khamiis, October 9, 2025 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xiindheere ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya dhacdo naxdin leh oo ka dhacday bartamaha habeenimadii xalay, kadib markii maleeshiyo hubaysan ay weerar ku qaadeen guri ay deganaayeen hooyo iyo carruurteeda, halkaas oo ay ku dileen afar dumar ah oo isku qoys ahaa.
Arbaco, October 8, 2025 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u beenisay warar dhawaan lagu baahiyey warbaahinta, kuwaasoo sheegayey in heshiis qarsoodi ah oo ku saabsan kaalmada horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta laga gaartay dalka Sweden, waxaana muran siyaasadeed weyn ka dhex dhalisay siyaasiyiinta Sweden.
Talaado, October 7, 2025 (HOL) - Qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadda Puntland oo kala ah Ifiye, Mustaqbal, Mideeye iyo Sincad ayaa si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay ku diidan yihiin is-afgarad ay Puntland la gashay Somaliland.
Isniin, October 6, 2025 (HOL) - Weftiga uu hoggaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kasoo dhoofay magaalada Kismaayo, kadib wadahadallo saacado badan qaatay oo uu la yeeshay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), Madaxweyne Madoobe ayaa si shakhsi ah garoonka uga soo sagootiyay weftiga Madaxweyne Xasan Sheekh.