More Articles
Arbaco, October 29, 2025 (HOL) - Faadumo Cabdi Cali, oo ahayd hooyo uur leh oo ku noolayad xadka Ethiopia, ayaa gashay safar 120 km oo lug ah si iyada iyo ninkeeda ay u gaaraan Isbitaalka Gobolka Mudug ee Gaalkacyo, si ay u hesho daryeel caafimaad oo degdeg ah. Dhakhaatiirta hay'adda aan xadduuda lahayn ee MSF ayaa u sameeyay qalliinka dhalmada, kaas oo badbaadiyay nolosha Faaduma iyo ilmaheeda.
Warkii oo dhan
Talaado, October 28, 2025 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday heshiis iskaashi horumarineed oo ka badan €75 milyan. Heshiiska waxaa u kala saxiixay labada dowladood Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), iyo Madaxa Waaxda Bariga Afrika ee Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Jarmalka (BMZ), Julia Hanning.
Isniin, October 27, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay Prof. Saalim Caliyow Ibroow inuu noqdo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Axad, October 26, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Duulista iyo Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dhamaadka sanadkan la howl galin doono duulimaaduadii diyaaradda Somali Airlines.
Sabti, October 25, 2025 (HOL) - Warbaahinta Middle East 24 ayaa sheegtay in ilo ka tirsan qaar ka mid ah warbaahinta Afrika ay u xaqiijiyeen in Mareykanka, UK, Israa’iil, Imaaraadka Carabta (UAE) iyo 20 dal oo kale ay marayaan heerarkii ugu dambeeyay ee heshiis lagu aqoonsanayo Somaliland bilaha soo socda.
Jimco, October 24, 2025 (HOL) - Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Ankara ayaa Dowladda Turkiga kala hadashay sidii wax looga qaban lahaa caqabaddaha Soomaalida ka haysata sharciga degganaanshaha dalkaas.