More Articles
Sabti, September 6, 2025 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in heshiiskii dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya uu fashilmay kadib cadaadis Addis Ababa kaga yimid Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo dowlado kale. Waxa kale oo uu ka waramay sidii uu ku bilowday xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland, xidhiidhka Maraykanka, iyo safar uu Farmaajo ku tagi gaadhay Hargaysa.
Warkii oo dhan
Jimco, September 5, 2025 (HOL) - Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa shaaciyay in ciidamadooda lagu weeraray meel u dhaw magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Khamiis, September 4, 2025 (HOL) - Waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay kulan dheer oo dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Taliyaha cusub ee Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneral Dagvin R. M. Anderson iyagoo diirada ku saaray dagaalka ka dhanka ah al shabaab.
Arbaco, September 3, 2025 (HOL) - Guddoomiyayaasha labo guddi oo Golaha Wakiilada Mareykanka u qaabilsan la dagaallanka Xisbiga Shuuciga Shiinaha, ayaa ku boorriyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda in ay Somaliland ka saarto digniinta safarka ee guud ee Soomaaliya. Waxay ku doodayaan in talaabadan ay muujin doonto xasilloonida iyo dimuqraadiyadda Somaliland, dhiirrigeliso maal-gashiga Mareykanka, isla markaana ka caawiso Mareykanka inuu ka hortago saameynta Shiinaha ee Geeska Afrika.
Talaado, September 2, 2025 (HOL) - Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Cumar Cali (Balcad) ayaa Maqaal uu qoray kaga hadlay kaalinta uu Turkiga ku yeeshay dib-u-soo kabashada Soomaaliya.
Isniin, September 1, 2025 (HOL) - Puntland ayaa walaac xooggan ka muujisay waxay ugu yeertay jahwareerka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya iyo in geeddi socodka dowlad dhiska uu sii xumaaday.
Axad, Agoosto 31, 2025 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in si rasmi ah loo soo gabagabeeyey geeddi-socodkii dhismaha maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, kaas oo hadda si buuxda uga mid noqday dowlad goboleedyada xubinta ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya.