9/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _







Opinion - Frikado

More Articles


Wararka Maanta-Isniin, Luulyo 12, 2021

Isniin, Luulyo, 12, 2021 (HOL) - Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay dilka saddex qof oo isku qoys ahaa, kuwaas oo lagu dilay meel ku dhow tuulada Saax-qurun oo kutaala galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Warkii oo dhan

Wararka Maanta-Axad, Luulyo 11, 2021

Axad, Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha golaha Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa ka jawaab celiyay hadal dhawaan uu jeediyay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed kaasoo ahaa inaan doorasho ka dhici karin Baledweyne hadii uusan imaan madaxweynaha Hirshabeelle.

Warkii oo dhan

Wararka Maanta-Sabti, Luulyo 10, 2021

Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ahaa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxa qaraxa kaasoo la doonayay in lagu khaarajiyo Taliyaha guud ee qeybta Booliiska gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud, Farxaan Qaroole.

Warkii oo dhan

Wararka Maanta-Jimco, Luulyo 9, 2021

Jimco, Luulyo, 9, 2021 (HOL) - Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Jubbada Hoose Gaashaanle sare Sadiiq Maxamuud Dhogor ayaa faahfaahin ka bixin sababtii looga celiyay magaalada Kismaayo la taliyahii arrimaha doorashooyinka madaxweyne Farmaajo.

Warkii oo dhan

Wararka Maanta-Khamiis, Luulyo 8, 2021

Khamiis, Luulyo, 8, 2021 (HOL) - La taliyaha arrimaha doorashooyinka madaxweyne Farmaajo, Cabdi Cali Raage ayaa sheegay in maanta loo diiday inuu ka dago magaalada Kismaayo, diyaaradii uu la socdayna dib loogu celiyo Muqdisho.

Warkii oo dhan

Wararka Maanta-Arbaco, Luulyo 7, 2021

Arbaco, Luulyo, 7, 2021 (HOL) - Wasiirka qorshaynta dowladda federalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ugu baaqay inuu faraha kala baxo arrimaha doorashada, isagoo sheegay inuu yahay musharrax madaxweyne.

Warkii oo dhan



Contact: [email protected]