4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
XIL KA QAADISTII JENERAAL ODOWAA MAXAA LAGA DHAXLAY?

By Dirir Cabdi Ibrahim (Goodax)
Thursday March 21, 2024

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raaghe waxaa xilkii Taliyaha Xoogga Dalka laga qaaday 19/06/2023, asagoo xilkaas hayay muddo ku siman: “3 sano, 9 bilood iyo 27 cisho”. Isla markaana, la iskuma diidana doodina kama taagna in xilku yahay meerto qofba muddadeeda qabanayso, ayadoo marka kasta isbedelku ku salaysan yahay hagaajinta iyo horumarinta arrimaha la xiriira waajib-gudashada Xilka la iska bedelayo.

Su’aasha ka guuxeysa maanka iyo maskaxda qof kasta leh dareen fayoow iyo damiir dalkiisa wanaag iyo guul la jecel waxay tahay:

“Jeneraal Odowaa ma loo darsaday? Doorkiisi Hoggaaminta Ciidanka ma la tabay?”

Aniga xaggeyga jawaabtu ayadoo togan (toos ah) oo arar iyo afgobaadsi ka maran waxay tahay: HAA, waa loo darsaday Jeneraal Odowaa!!!!!.

Ciddii taladaas bixisay iyo wixii ay markaas ayadu tabaysay, anigu ma fahmi karo, balse waxaan hubaa inaan taladeedi la mahadin.

Waana jawaab aan hubo in ay ila qaadanayso qof kasta oo qiimayn dhaba ku samaysa xaaladda Ciidanka “Shalay iyo manta”:

1- Dayacaad, kala daadsanaan ayaa muuqata, saamayn weyn ku yeelatay niyaddii, hammigii iyo moraalka Ciidanka. 

2- Qasaaraha naf iyo saanad, guud ahaan, gaaray Ciidanka xagga goobaha

    dagaalka, sababtuna u muuqato inay tahay dhaliilo hareeyay qaabka iyo

    go’aanada hawgalada, kuwaasoo guux iyo tabasho ka dhex abuuray

    bulshoweynta dhexdeeda. 

3- Ciidamadii Danab iyo Gorgor ahaa bilicda iyo awoodda Xooga Dalka maxaa ka haray?

4- Ciidankii tirada iyo tayada lahaa ka soo noqday Eritrea ma muuqdaane meel ha lagu sheego.

5- Dagaalkii lala galay Al-Shabaab waxaa laga dhaxlay:

    “Dad iyo duunyo beel iyo degaanadii oo laga soo baxay”.

Taliyaha Xoogga Dalka waa xil Ciidan go’aandiisu saamayn ku yeelanayo nafta, saanadda iyo agabka taakulaynta Ciidanka, waana taas midda faraysa in magacaabidda xilkaas loo talo badsato, ayadoo dhinacyo badan laga eegayo, sida in mudnaan gaara la siiyo iswaafajinta Xilka, Darajada, Aqoonta iyo kartida qofka la magacaabayo, si loo helo waajib-gudasho hufan oo mirodhal ah, taasoo ayaduna, markeeda, saamayn muuqata ku yelanaysa moraalka iyo kalsoonida Ciidanka.  

Ciddii siyaasadeysa Xilka iyo Hawgalka Ciidanka ha ogaato inay ku qamaarayso nolosha dhallinyaro lagu soo tabar iyo tacab belay oo dalka iyo dadka qiimo weyn ugu fadhiya.

Jeneraal Odowaa waa 37 jir ku tilmaaman inuu leeyahay:

- Karti qofeed u dhalasho (Rabbaani ah)

- Dareen wadanimo kaamil ah.

- Aqoon iyo waaya-aragnimo dagaal.

- Geesinimo iyo daacadnimo uu ku kasbaday kalsoonida iyo ruuxda Ciidanka.

Intasoo dhami waxay tusaale u yihiin in Jeneraal Odowaa u muuqdo in, mar kale, aan looga maarmin Hoggaaminta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sida ku cad maqaal aan cinwaan uga dhigay: “Jeneraal Odowaa Dhiirigalin Mooyee Dhaliil Nagama Mudna” kaasoo Hiiraan Online ku soo baxay 24kii Seteembar 2019, waa labo cisho kadib markii loo magacaabay Taliyaha Xoogga Dalka.

Maqaalkaas hore waxaan ugu jawaabayay dad ku doodayay inuu Odowaa yahay Sarkaal da’ yar oo aan mudnayn inuu qabto Xil heerkaas ah.

Waxaa ila qumanaatay inaan, mar kale, halkaan idinkula wadaago qayb ka mid ah Taariikh-nololeedka Jeneraal Odowaa heerka Sarkaal Ciidan, aan kasoo goostay (riftay) maqaalkeygi hore:   

-2008: Leyli Sarkaalnimo ayuu u galay Dugsiga Tababarka Ciidanka Bihanga ee dalka Uganda, asagoo soo bartay tabta dagaal ilaa heer Urur.

-26/12/2009:  Waxa uu qaatay darajada “Xiddigle “, isla sanadkaas ayuu dalka Ugaanda ku qaatay tababar kale Abbaanduulka Hoose.

-2010:  Ayuu dalka dib ugu soo laabtay asagoo tababar 45 cisho ah ku qaatay Dugsiga Jeneraal Kaahiye ee Xamar.

- Sanadihii 2010-2011-2012:  Wuxuu door firfircoon ka qaatay dagaaladii lagu xoreynayay  Gobolka Banaadir, Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose, kadibna u dalacay darajada “Laba Xiddigle”.

-2013: Wuxuu qaab abaalmarin ugu dalacay darajada “Dhamme”, isla sanadkaas ayuu galay Jaamacadda Difaaca Qaranka Istanbul, asagoo qaatay tababar Ciidanka Lugta ah iyo luqadaha.

-2014:  Ayuu dalka ku soo noqday, isla sanadkaas ayuu ku laabtay, mar kale, dalka Turkiga asagoo galay Kulliyadda Dagaalka Turkiga.

Wuxuu soo bartay Istratejiyada Dagaalka heer Guuto “War strategy at Brigade Commander Level”. 

-Luuliyo 2016: Ayuu dalka ku soo laabtay, asagoo noqday mid ka mid ah Saraakiisha ugu firfircoon XDS, waxaana loo dalacsiiyay darajada “Gaashaanle”. Isla markaana loo magacaabay Abbaanduulaha Ururka

60-aad Ciidanka ilaalada Madaxtooyada.   

-Maarso 2018: Wuxuu noqday Taliyaha Ururka 60-aad Ciidanka ilaalada Madaxtooyada, asagoo loo dalacsiiyay darajada “Gaashaanle Dhexe”.

-Agoosto 2018: Asagoo ah Taliye Guuto ayaa loogu daray xilka Abbaanduulaha XDS, loona dalacsiiyay darajada “Sareeye Guuto”. 

-Maarso 2019:  Waxaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Dhulka (Ground Force Commander).

-22/08/2019: Waxaa loo magacaabay Taliyaha Xoogga Dalka.

Waxaa xusid mudan in, Madaxweyne Cabdullahi Yusuf oo lahaa

waaya-aragnimo iyo Aqoon Sare Ciidan, muddo xileedkiisi Madaxweyne (2005-2008) ku qancay kartida iyo firfircoonida Odowaa oo markaas ka tirsanaa Guutada 54-aad ilaalada Madaxtooyada, waxay ahayd xilli  xaaladda nadadgalyo aad u liidatay Madaxtooyaduna hadba meel u guureeysay Baydhabo, Jowhar iyo Xamar.

Waana halka ay Odowaas Yusuf Raaghe uga bidhaantay fursadda ah inuu helo Tababar Leyli Sarkaalnimo iyo daahfurka noloshiisa Sarkaalnimo, kadib Tababaro iyo Dallacaado is dabajoog ahaa ilaa uu ka gaaray darajada Sareeye Gaas iyo Xilka Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“Caamahaan dadkeeniyo

inta calanka jecel iyo

ciidda iyo difaaceed

cidkastaa ogaatoo

Ciidankaa u baahane

Odowaa u soo celi.

Cabsi midaan aqoon iyo

geesi caana inuu yahay

cadawguba dareenyoo

waa lagu cabsiiyaa,

Ciidankaa u baahane 

Odowaa u soo celi”.

Guul iyo Gobannimo

Dirir Cabdi Ibrahim (Goodax)

[email protected]

Teleefoon: 00447960956384

London    



 





Click here