7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Kud Ka Guur oo Qanjo U Guur - Kala Doorasho Xumida USA 2024, Ma Qabsan Doonta Soomaaliya 2026?
By Luqmaan-Xakiim Xuseen
Tuesday July 9, 2024

 

27 Juun 2024 doodii dhexmartay Biden iyo Trump waxaa ka dhashay in wargeysyo iyo dad ah asxaabu ra’yi iyo mufakiriin, lana saaxiib ah Biden ay Madaxweynaha ka dalbadeen inuu isaga haro tartanka doorashada. Wargeysyada fekerkaa ugu caansan waxaa kamid ah; tifaftirayaasha The New York Times Editorial Board, The Chicago Tribune Editorial Board, The Atlanta Journal-Constitution Editorial Board, The Boston Globe Editorial Board, The Economist. Kulligood waxay usbuucii tagey qoreen kalmado ah; “Madaxweyne, kahar doorashada wanaagga dalkaaga awgiis”, “Kalsoonidii dalka waad gilgishay”, “Biden isaga uun baa isku ciyaaraya”. Dadka caanka ah ee iyaguna qoray waxaa kamid ah Th. Friedman oo buugaag badan qoray, oo ku tilmaamay ‘qalbijab’, Nicholas Kristof oo yiri “wuxuu xoojiyay aragtidii inuu Biden yahay waayeel aan dalkan maamuli karin”, Paul Krugman oo yiri “mandiqa ayaa ka lumay Biden” iyo David Ignatius oo arrimaha dibadda The Washington Post yiri; “Tartamidda Biden waxay aflagaaddo ku tahay ehel, shaqaale iyo taageerayaal”.

Wargeysyadaas caanka ah iyo dadkaas ka walwalsan in Amerika wiiqdo, wuxuu qeylo-dhaankoodu inoo iftiiminayaa kala doorasho xumida 2024 kajirta Amerika iyo sidii loo badbaadin lahaa qarankaas soo tiiro-beelaya. Sababtoo ah, way u cuntami la’dahay in Amerika ay marayso heer kala doorasho; oday hataatac ah oo maraya da’dii daryeelka ee laga magangalo in Ilaahay kuu celiyo, oo qofka sidii caruurtii in la hago mooyee is hagi karin, oo uusan kala garan karin midig iyo bidix jidkuu qaadi lahaa. Dhanka kale, nin waalan oo da’ ahaan aan yareen, laakin Amerika dab qabadsiin rabay, sababna u noqon kara in ay kala go’do ama dagaal sokeeye gasho. Trump waa Madaxweyne, dunida oo idil taqaan wuxuu doono ku hadla, maskaxdiisa iyo dareenkiisa-caadifadeed uusan shaqshaq udhaxeyn. Waa nin wax walba doonaya in ay burburaan si’uu isagu keligiis, waliba kaligii u helo magac, xattaa danbas hadday Amerika noqoneyso, danbaskaas ayuu kudulqorayaa magaca Trump. Dunidana sidi Hitler inuu rabshado kale geliyo yool u tahay. Khubaradaas mindhaa waxay fahmeen oo walwal ka-keenaya, in ay dunidu kudhisan tahay nawaamis (laws) Rabbaani ah, sida, iska hor imaad kheyr-&-shar oo marba mid adkaan karo. Tan, waxaa diinta Islaamka loo yaqaan Tadaafuc, haddii kale oo labo-shar uun iska hor yimaadaan, dhulka ayaa gubanaya.

Waxaa dhici karta in qofka Soomaaliga ah wax danweyn ah ka arag, noloshiisa yowmiga ahna waxba kusoo kordhin Biden iyo Trump, laakin walwalka iyo wadno xanuunka kala doorasho xumida kajirta Amerika 2024, waxay 2026 kusoo socotaa Soomaaliya, waxaana booska Biden iyo Trump noo kala jooga Dr. Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo Madaxweyne Hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo. MW Xasan markaad eegto, dadkii iyo dalkii sedex wax oo aan isqaban ayuu isugu daray, dagaal uusan u laheyn karti, qorshe iyo miisaaniyad, aan ka aheyn; a) in ay sawiro isla galaan isaga iyo wiilkiisa oo tuutayaal xiran, ulo booc ahna ku tukubaya; b) in ay miisaaniyadii yareyd ee dalka qaataan isaga iyo caruurtiisa, illaa ay xabaalaha la gashay iyo c) kala sii qoqobid min Awdal State, SSC, Somaliland iyo intii horay ujirtay oo sii kala yaacshay. Intaa waxaa udheer, wararkiisa waa is-hardiyaan, khudbado aan dhamaad iyo sumad laheyn oo kalmad walba burineyso tan kahorreysay, xanuunyo badan, waliba wuxuu kujiraa da’ in Afrika lagu gaaro oo caafimaad lagu helo aysan macquul aheyn, waxaa u harsan keliya sida Biden inuu isku dhex yaaco ama sida Salva Kiir South-Sudan uu surwaalka isaga kaadsho, inaguna u sacabtunno. Saas oo ay tahay rag maalin dhoweyd u tagey wuxuu kuyiri ilaa 84-jir aan ka gaaro haddii aad iska key deysaan, xukunka waad iga dhaxalaysaan. Ogow, Biden laga walwalsan yahay waa 81 jir.

Dhanka kale, waxaa kuu soo fadhiya, MW Farmaajo oo aan garaneyn wax aan danaysi aheyn iyo sida dadka loo isticmaalo, kitaabkiisa “The Prince” ee uu kabarto Machiavellism wuxuu ku wattaa kilkisha, fiicnaan laheydaa haduu Quranka ama buugaag casriya sidaa u wadan lahaa! Wuxuu soo fariistaa Café ku yaala bartamaha Dooxa oo layiraahdo Farmhouse, uu is yiri magacaaga Farmaajo ayaa laga copy gareeyay. Koobka shaaha kaa bixin maayo inaad kabixiso mooyee! Dadka la jooga waxay si hoose uga warbixiyaan Madaxweynuhu in uusan wax buugaag ama cilmi kale akhrisan, qorshana diyaarsan, laakin maalintii oo idil uu rogrogo Facebook, dadka jecel keliya ayuuna daawadaa iyo sawiradiisi hore, waa sida Trump yahay.  Intaas waxaa MW Farmaajo udheer ciil ka xanuun iyo xoog badan cilkii MW Xasan Sh. qabay markii uu xukunka imaanayay May 2022, wuxuuna doonaya dad iyo duunyo inuu ka aarsado, tuulooyinkii loo kala noqdo, cid walba oo maalin kalmad khaldan kutiri ka shallaysiiyo, sida Trump ugu ciil qabo, State Department, FBI iyo CIA. Kala doorasho xumida na haysata ayaa ah midna xoolo boob, kala qoqob iyo qabri falasho ay d’a u dheer tahay ayuu kujiraa, midna burbur iyo dhiig daadin cusub ayuu usoo tafo xeydan doonaa, waxaana u kala naqaanaa Dalxoreeye iyo Xabiibul Malaayiin – Labadoodana waxaa master u ah Abiy Ahmed oo si wacan ugu ciyaari yaqaan - Ilaahay waa caadile sidee noogu gargaarayaa?

Waxad is-weydiin, ka warran Dani, Sh. Shariif, Kheyre iyo Madoobe? MW Sh Shariif horta maqaalkii Alcibiades hadaad akhrisatay warkiisa u xiisi meysid. RW Kheyre maqaal gooni ah mar ku faahfaahin doonaa. Dani iyo sedex nin oo ay dabiicad ahaan (Personality traits) isleeyihiin Ilaahay dan kaama geliyo! Axmed Madoobe, Fahad kaaliyihii Farmaajo iyo Xirsi-Xaaji kaaliyihii Siilaanyo. Afartan danbe waxay kasoo wada baxeen dugsiyadii Xarakaatka Islaamiga oo aan la barxin, oo ay waliba habdhaqan ahan ku gacan-seereen. Waxayna wadaagaan sedex ‘personality traits’ oo aad halis u ah, in ay dugsigaas ka keeneen garan maayo.  Waxaase cilmi iyo khibrad ahaan hubaala, qof walba oo wax ku darsada waxay u isticmaalaan sida aad u isticmaasho waraaqda suuliga kuu suran (Toilet Rolls). Mar dhan ayaan noocyadan faahfaahin doonaa iyo sida la isaga jiri karo, khaasatan Dani iyo Madoobe.

Dhibta Soomaaliya haysata waa in aanan aheyn dal Amerika oo kale ah, mana gaari karno, mana haysano mufakiriin ama cid oran karta war dalka u naxa oo ordoo pension gala, ama shacab dantiisa yaqaan oo 34 sano kadib kadhiidhin kara in lagu guuro oo dareenkooda lagu ciyaaro. Hadday jiraana waa dhif-iyo-naadir aanan hadleyn ama la xiiseeneyn talooyinkooda. Marka haddii wacyigeenu kor u kicin oo labadan Madaxweyne iyo inta la qaraabata aanan ku baraarugin, waxaan ku soconaa kud ka guur oo qanjo u guur. Waxaan isweydiin karnaa maxaa xal ah oo soo haray? Adigaa soo haray, xalkuna waa inaad xor noqoto oo aan lagugu daneysan sida jiilashii kaa horreeyay loogu soo danaystay. Soomaaliya waxay ubaahan tahay dad xor ah oo aan lagu guuri karin iyo in qofka Soomaaliga ahi uu horta yaqaan maslaxadiisa shakhsiga ah, inta uusan gacanta midig ama bidix suran maro u muuqaal eg calan-qabiileed, loona daarin heesaha Sharma Boy iyo wixii Black Amerikanka dunida kasoo reebay boqolkii sano ee lasoo dhaafay, ee marka hore maka xoreyn karnaa nafteena, dareenka nafteena?

Ilaahay ha xifdiyo Soomaali, danahooda ha tuso, hana mideeyo meel walba oo ay joogaan.
W/Q Luqmaan-Xakiim Xuseen - [email protected]


 





Click here