8/31/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Xoojinta Amniga Soomaaliya iyadoo loo marayo Wada-shaqeynta Shacabka

Tan iyo August 2022, Ciidanka Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa xorreeyay degmooyin iyo degaanno badan oo ku yaalla Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Waxaa lagu qiyaasaa dhulka la xorreeyay inuu gaarayo illaa 125 deegaan. Si kastaba ha ahaatee, dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ma ahan oo keliya mid militeri, ee waxaa ku jira mid lagu kasbanayo quluubta shacabka.

Billowgii 2010, shacabka waxay ahaayeen kuwa ka baqa inay la shaqeeyaan ama xiriir la yeeshaan ciidanka amniga, waxaana u sabab ahaa hanjabaadda Al-Shabaab. Sidoo kale, xilligaas ciidanka ma lahayn xirfad ay ku dhisaan xiriirka dadweynaha, duruufo jiray awgeed. Laakiin, maanta caqabadaas meesha way ka baxday, waxayna Ciidanka Amniga Qaranka Soomaaliyeed si aad ah u hagaajiyeen dhisidda xiriirka bulshada, iyagoo adeegsanaya habab badan. Tallaabadan waxay keentay kalsooni dheeraad ah, oo ah in dadweynaha si toos ah ugu gudbiyaan ciidanka kiisaska dembiyada, musuqmaasuqa iyo shirqoolada argagixisada. Maqaalkan ayaa ku sharxeynaa hababka kala duwan ee ay isticmaalaan ciidanka si ay u dhisaan xiriirka bulshada.

Xiriirka Shacabka iyo Ciidanka

Waxaa la sameeyay xafiiska Iskaashiga Rayidka iyo Militariga (CIMIC), si kor loogu qaaddo xiriirka ciidanka iyo bulshada deegaanka. CIMIC waa waax ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo lagu caawiyo shacabka. Hirgelinta xafiis noocaan oo kale ah waxay dhiseysaa kalsoonida shacabku ku qabaan ciidanka xoogga dalka.

Tusaale in uu kordhay xiriirka ciidanka waxa marqaati ka ah bishii November 2023, qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka, ayaa gurmad u sameeyey shacabka ay saameysay fatahaaddii Baydhabo. Ciidanka iyagoo dagaal kula jira cadowga, haddana waa ku caawiya shacabka liita, iyagoo u qeybiya raashin, biyo iyo daawo.

“Waxay Al-Shabaab nooga sheegi jirtay ee xumaanta ah, wax ka duwan baan kala kulanay ciidanka. Markii ay noo yimaadeen, waxay noo keeneen raashiin, daawo iyo biyo aan cabno,” ayay tiri Xaliimo Nuur, 60 jir ah, ku nool Buula Xaaji, Jubbada Hoose oo dhawaan la xorreeyay.

Tani waxay ka tarjumaysaa in tababarka ciidanka ku jiro anshaxa wanaagsan oo askariga lagu baro qiimaha dadka uu u adeegayo. Hab-dhaqanka fiican ee ciidanka wuxuu beddelay aragtidii shacabka ka qabey.

Mar kasta oo la xoojiyo xiriirka ciidanka waxay u wanaagsan tahay amniga iyo in hoos loo dhigo halista amni darro ee dhici karto, waayo shacabku wuxuu ciidanka la wadaagayaa dhaqdhaqaaqyada sababi karo amni darrada.

Wada-shaqeynta Odayaasha Beelaha

Ciidanka Amniga Qaranka Soomaaliyeed waxay wada-shaqeyn la yeesheen hoggaamiyaasha qabaa’ilka ama odayaasha dhaqanka, oo kaalin ka qaatay abaabulka Macawiisleyda, oo u badan xoolo-dhaqato, hubka u qaatay si ay deegaankooda iyo xoolahooda uga difaacdaan Al-Shabaab. Iskaashigaas wuxuu xoogeystay kaddib markii Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh uu August 2022 ku dhawaaqay dagaal saf ballaaran.

Wada-shaqeynta Macawiisleyda waxay horseedday xorreynta dhul ballaaran, isku furidda jidka u dhexeeya Muqdisho iyo gobollada dhexe oo xirnaa 10 sano. Wuxuu kaloo keenay in adeegyo bulsho sida waxbarasho, caafimaad, shaqo abuur iyo dhismaha saldhigyo boolis laga hirgalayey magaalooyin badan, sida Aadan Yabaal, Xarardheere, Jalalaqsi iyo qaar kale oo ka tirsan HirShabeelle iyo Galmudug.

Dhanka kale, colaad beeleedyada ayaa noqday caqabad kale, marka laga soo tago dagaalka Al-Shabaab, iyadoo ay culeys saartay maamullada HirShabeelle, Galmudug iyo Dowladda Dhexe. Ciidanka Amniga Qaranka Soomaaliyeed waxay kaalin muhiim ah ka qaateen dhex-dhexaadinta beello Soomaaliyeed oo ku dagaallamay dhul-daaqsimeed, ceelal-biyood iyo aanooyin-qabiil. Waxaa tusaale u ah heshiis ay dhex-dhigeen May 2024, labo beel oo muddo ku dagaallamayey degmada Aadan Yabaal ee Shabeellaha Dhexe.

Tusaalaha labaad waa heshiisiintii beelihii ku dagaallamay Xeraale oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Halkan inta uusan heshiiska dhicin illaa 50 qof ayey labada beelood iska dileen, maanta waxay ku wada nool yihiin nabadgelyo. Goobaha kale ee ciidanka ka sameeyay dhex-dhexaadinta waxaa kamid ah Goldogab, Cadalle iyo Raage-Ceelle.

“Haddii aysan ciidanka naga soo gaarin, oo kala dhex-galin labada maleeshiya-beeleed, dad badan oo maanta nool ayaa ku dhiman lahaa. Aad bay u mahadsan yihiin askarteenna, xilli loo baahan yahay ayay soo gurmadeen,” waxaa sidaas yiri Xasan Aadan, oo ka tirsan odayaasha dhaqanka Xeraale.

Warbaahinta iyo Ciidanka

Warbaahinta la’aanteed aad bay u adkaan laheyd in xiriirka maanta ka dhexeeya Ciidanka Amniga Qaranka Soomaaliyeed iyo shacabka uu jira. Waxay warbaahintu u tahay ciidanka isku xiraha iyaga iyo shacabka iyo fududeeyaha halka ay ciidanku kala socdaan aragtidooda ay ka qabaan bulshada.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo booliiskuba waxay leeyihiin afhayeenno si isbuucle ah u qabto shirar jaraa’id si ay shacabka u siiyaan akhbaarta ciidanka – waa nooc hufnaan ah oo muujineyso in ciidanku uu farriintiisa warbaahineed si toos ah ula wadaago shacabka.

Dhowrkii sano ee u dambeysay waxaa dhismay dhowr madal oo warbaahineed oo ciidanku leeyahay sida Idaacadda Codka Ciidanka Qalabka Sido ee SNA Radio iyo Danab Radio oo dhageysigoodu ay si weyn ugu tiirsan yihiin kumannaan dad ah oo qaarkood kamid ah kuwa ku nool goobo cadowgu heysto iyo qaar dhawaan la xorreeyey.

Si jiilka dhallinyarada Soomaaliyeed ee u badan baraha bulshada ay ula socdaan arrimaha ciidanka, waxay bogagga baraha bulshada ee ciidanka sida kan Facebook ee SNA Radio oo ay ku xiran yihiin 500,000 oo dad ah ay maalin kasta soo gudbiyaan muuqaallo kala duwan.

SNA Radio iyo Danab Radio malahan barnaamijyo badan, laakiin waxaa jira hal barnaamij oo muhiim ah oo lagu magacaabo Raad Raac oo ay soo saaraan ciidanka. Raad Raac waa barnaamij toddobaadle ah oo muddo dheer socda,  kaasoo xambaarsan macluumaad qiimo leh, waxaana looga hadlaa arrimaha markaas taagan sida howlgallada, tababarrada, dadaalka kor loogu qaadaya amniga iyo iskaashiga saaxiibadda caalamiga ah.

“Taxanaheena Raad Raac runtii billowgiisii waxay noo aheyd iftiin – wuxuuna noo horseedday in aan guul weyn ka gaarno isku soo dhaweynta ciidanka iyo shacabka. Ka hor inta aanan barnaamijkan billaabin aad bay u yareyd in dad badan ay ku dhiirradaan in ay Khawaarijta wax ka sheegaan ama ay taageero u muujiyaan ciidanka, laakiin maanta waxaan arkeynaa in ay taas isbeddeshay,” waxaa sidaasi yiri, Maxamed Muuse, Madaxa Warbaahinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Muddo sanad ah baan dhageysanayey Raad Raac, waxaana la dhacay mowduucyada baahsan ee lagaga hadlo iyo sida saraakiisha ciidanku iyagoo la shaqeynaya bulshada u hormariyaan amniga dalka. Qeybta wicitaanka dhageystayaasha oo toos ah oo uu barnaamijkan leeyahay ayaa sidoo kale i soo jiitay, oo aragtida togan iyo midda taban ee ay dadku ka bixiyaan mowduuca loo soo bandhigo toddobaadka. 

Waxaad arkeysaa dhageystayaal isugu jira rag iyo dumar qeybaha bulshada oo dhan oo su’aasha la weydiiyo uga doodayo si dhiseysa aragtida dadweynaha. Talooyinka ay dhageystayaashu bixiyaan waa kuwa muhiim ah, oo mudan in madaxda ciidanku qaataan si ay shaqooyinkoodu ugu dabaqaan.

12-kii sano ee la soo dhaafay, Ciidanka Amniga Qaranka Soomaaliyeed, ayaa sameeyay koritaan badan. Xiriirka shacabka ay la sameysteen ayaa noqday mid waxtar leh, waxaana la dhihi karaa wuxuu gacan ka geystay in looga adkaado Khawaarijta siyaabo badan. Wali waxaa harsan shaqo badan si loo gaaro Soomaaliya oo xasilloon oo amni ah, laakiin dadaallada Ciidanka Amniga Qaranka Soomaaliyeed ay kula shaqeynayaan shacabka waxay abuurtay rajo weyn. Si hore loogu wado horumarka jira, Ciidanka Amniga Qaranka Soomaaliyeed waxay u baahan yahay in ay maalgelin badan ku sameeyaan tababarrada askarta si u xoojiyaan xiriirka bulshada. Shaqaalaha warbaahinta ciidanka waxay u baahan yihiin in ay kor u qaaddaan xirfadahooda soo saarista barnaamijyo tayo leh, oo lagu wacyi-gelinayo dadweynaha. Waxaan maqaalkan ku soo gabagabeynayaa farriin aan u diraya madaxda Ciidanka Amniga Qaranka Soomaaliyeed oo aan leeyahay ka faa’iideysta xiriirka aad la’leedihiin bulshada, xoojiyana  si dalkeenna uu u gaaro nabad iyo barwaaqo.

W/Q: Cabdullaahi Aadan Maxamuud
Wariye Madax-bannaan
Email: [email protected]





 





Click here