5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Papa Xasan Sh. Maxamuud Ma Buugga Papa Doc Ayuu Akhristay?
By Luqmaan-Xakiim Xuseen
Friday April 26, 2024

 

1804 ayay Haiti xornimo ka qaadatay Faransiiska, waana dalka labaad Qaaradda Ameerika ee xornimo qaatay, USA kadib. Sidaas oo ay tahay markaad Haiti maqasho waxaa kugu soo dhacaya dhul-gariirkii weynaa Janaayo 2010 ee ay kunaf-waayeen in kabadan 200 kun oo qof. Waxaa kaloo kugu soo dhacaya kooxo mooriyaana, sida Jimmy Barbecue (qofka oo nool dubta), lana wareegay caasumadda Port-au-Prince bishii Maarso 2024. Sidoo kale, kugu soo dhacaysa Voodoo, diin lala shaqeysto Shayaadiin, dal 200-sano kahor xor ahaa ilaa haddana kajirto mooriyaanimo, faqri, gaajo iyo dad madow oo aad mooddo inuu habaar ku habsaday, oo inta madaxda ah iyo caruurtooda keliya lacagta haystaan, dal aadan waligaa waxna u doonateen, Ilaahayna ka baryi laheyd inuusan wax-dan ah kaasoo gelin! Sabab?

Sababuhu way fara badan yihiin, laakin aan dib u eegno Francois Duvalier, loo yaqaanay Papa Doc, aadna u jeclaa magacaas, wuxuu ahaa dhakhtar, xukunka kuqabsaday 1957 hub qaadasho, isagoo dowladda kamid ahaa, caamadana kuyiri waxan idinka ceyrin Mulattoes (iskadhal madow-caddan). Markuu xukunka qabsaday wuxuu yiri; waxan doonayaa inaan isku qaato darajooyinka hogaamiyaha aan la musuqi karin ee Haiti, cusbooniisiiyaha Jamhuuriyadda iyo aabaha ruuxiga ah ee Qaranka. Sidaa awgeed, waxaan ka bilaabayaa inaan la dagaalamo musuqa, isagoo ugaarsaday dadkii dowladda kasoo shaqeyn jiray, siyaasiyiin iyo warbaahinba, laakin musuqii caruurtiisu soo dhaafi waayay. Kadib wuxuu yiri waxaan la dagaalamayaa mooriyaanta (gangs), wuxuu sameystay 600 u ilaalisa qasriga iyo 5000 maleeshiyaad-macawiisleey ah, loo yaqaanay (Tontons Macoutes), oo markii danbe gaaray in ay dilaan qof walba oo Papa Doc aanan jeclayn ama kasoo horjeeda. Wuxuuna ku abaal marin jiray in lasiiyo shattiyo ganacsi, iyo dhulal looga kacsho masaakiinta.

April, 1963, ayuu afganbi uu ku fashilmay isku dayay Barbot oo ahaa ninkii xukunka saaray Papa Doc, ahaana madaxii Macawiisleyda dadka u gowrici jiray, isagoo islahaa qafaalo caruurta Papa Doc oo iskuulka looga soo kaxeyn jiray limaziinka Madaxweynaha (Presidential limousine). Papa Doc dal iyo dad waxaa uga muhiimsan caruurtiisa. Markii Barbot lagu weeraray guri uu kudhuuman jiray, waxaa kasoo baxay eey-madow. Papa Doc oo aaminsanaa quraafaadka Voodoo, wuxuu dikreeto kusoo saaray in la tookto eeyaha madow oo dhan, waayo Barbot wuxuu isku bedelay eey-madow, kuu yahayna lama yaqaan!

Papa Doc wuxuu bilaabay inuu kaniisadda Catholics uu axad walba ka khudbeeyo, ilaa markii danbe qaabka salaadeedi u bedelay mid isaga keliya loogu duceeyo “Our Papa Doc, who art in the National Palace for life….”! Tan oo ka careysiisay Papa-hii xukumay Roman Catholic ee fadhiyay Vatican-ka. Talaabada kale ee Papa Doc qaaday waxay aheyd inuu Dastuurka u bedelay, si’uu unoqdo Madaxweynaha Cimriga (President for Life). Si ololaha dastuurka ushaqeeyo, wuxuu caasimadda Port‐au Prince, mararka qaar kaqaban jiray mudaharaadyo aan qorsheysneyn, iyadoo raciyaddiisa masaakinta ah ku hadaaqi jireen “Viva Papa Doc!”. Waxaana arrimahan hogaamin jiray Duqa-Magaalada iyo Wasiirka Warfaafinta. Papa Doc wuxuu xukunka haystay ilaa uu kadhintay 1971, wiilkiisa Jean‐Claude Duvalier ayaa sii noqday Madaxweyne. Haiti ilaa maanta 2024, wax iska bedelay majirin aan ka aheyn, dadka iyagoo jahli, faqri iyo kooxeysi kujira ayuu u yimi, sidaas ayayna kusugan yihiin, waayo qaab nololeedka caadiga ah waa kooxeysi, dhac, boob, dhiig, Voodoo iyo musiibooyin lasocda.

Gayiga Soomaaliyeed waxaa Madaxweyne ka ah Papa Xasan Shiikh, oo aad u jecel magacan, ciyaalka Villa-da uga shaqeeya sida; Handa Culusow, Maslax, British, waxan Papa aheyn ma oran karaan. Papa Xasan wuxuu xukunka 2022 kuqabsaday inuu hub qaatay oo Marinaayo galay, isagoo Madaxweyne hore ahaa. Tallaabada ugu horreysay ee Papa Xasan qaaday waxay aheyd inuu sameeyay macawiisleey uu yiri waxan kula dagaalamayaa mooriyaanta Argagaxisada, isagoo xusay inuu kasoo horjeeday siyaasadda (containment and degrading of terrorism). Dagaalkii Argagaxisada wuxuu dhaafi waayay Baladweyne. Taas waxaa ku xiktay inuu Papa Xasan yiri; waxaa la dagaalamayaa musuq, si’aan la’iigu shaabadeyn. Waxaana la bilaabay in la ugaarto shaqaale dowladeed, siyaasiyiin iyo warbaahinta illaa ganacsatadii, dalkiina waa laga wada yaacay. Balse, si kasta intii ay yeeleen Hanti-dhowrkii, Xeer-Ilaalintii iyo Maxkamadihii waxaaba musuqii laga soo saari waayay albaabka 2aad ee Villa Somaliya. Sidii Papa Doc, ayuu Papa Xasan bilaabay in uu jimce walba ka khudbeeyo Masjidka, laakin khudbadihii waxay dadka u dhaafi waayeen dhuunta, iskadaa in loogu duceeyee sidii Papa Doc ama Sh. Cali-Wajiis minbarka uga duceeyo siduu Papa Farmaajo ugu duceyn jiray, waayo kalmad walba tan ka danbaysa ayuu ku buriyaa Papa Xasan – bal si wacan udhuux!

Papa Xasan, tallaabo 3aad ayuu kudaray oo ah inuu bedelo Dastuurka, ballana kuqaaday in dalku galo doorasho cod-iyo-qof ah. Waliba sidii Papa Doc, ololaha dastuur-bedelka wuxuu u adeegsaday Duqa Magaalada Muqdisho iyo Wasiir Dowlaha Warfaafinta; soo abaabulid mudaarahaadyo Daljirka-daahsoon in bal laga yiraahdo “Viva Papa Xasan!”. Papa Xasan marka uu si hoose uga dhaadhicinayay Xildhibaanada beeshiisa ansixinta Dastuurka, waxay xogaha hoose sheegaan inuu yiri; waxan idin dhisayaa boqortooyo iyo xukun waara oo aan gacantiina dib-danbe uga bixin, sidii Papa Doc uu dadka madow ku oran jiray. Kuwa kalana waxaa lagu qanciyay xilal, lacago, cusbitaalo loo diro iyo in boosas looga barakiciyo dad masaakiin ah sida Dab-damiska, Dayniile iyo meelo badan. Dastuurka gacmaha ayaa loo taagay, laakin wuxuu isna umuuqdaa in uusan soo dhaafi doonin check-pointiga Kashmiir iyo hotel SYL, inta uusanba gaarin isbaarooyinka kale ee Muqdisho iyo kuwa D-Goboleedyada. Marka waxaa isweydiin leh; sidii Papa Doc, sidee ayay Papa Xasan ugu hirgeli doontaa riyadiisa Madaxweynaha cimriga, kadibna udhaxli karaa wiilkiisa sida khaaska ah u ilaaliya?

Papa Xasan waxaa ku furan furimo aad u fara badan; gurigiisa; caruurtiisa iyo xaasaskiisa oo mashaariicdii aysan ku filneyn. Tolka; raggii lacagaha soo deymiyay sida Cabdinasir Cali Adoon, Liban Shuluq iyo rag kale oo mashruucii Dabdamiska kafashilmay, oo lagu qancinayo shidaalka Turkiga la iska siiyay; in ay saami kulahaan doonaan, walow taana reer Galbeedkii saluugsan yihiin. Gudaha; gobolada Soomaaliya oo u darran tahay Somaliland iyo Khaatumo oo hadda isku ulo-uruursanaya, Puntland oo xirfadeedi iinyow-da tallaabo dheeriya kusii dartay, Jubbaland oo Mr. Raaskaanbooni isku caano shubi doono bilo kadib, Koonfur Galbeed oo caasimadeeda lagu haysto, Laftiina sal-ballaarsaday iyo Galmudug oo duullaan ku wada yihiin xertii Papa Xasan lasoo jihaaday ee shaqo la’aanta ah. Dibadda; Itoobiya oo badda-Soomaaliya hunguri waalan ka hayo, Xuuthiyiinta oo Badda-cas khalkhal geliyay, Burcad-badeed soo labakacleysay, Imaaraadka oo faruuryaha is-haysta, Iiraan iyo Israel oo la is-kala doorsiin doono iyo Wasiir-Arrimo-Dibadeed oo 2.5 milyan dheh u joogto. Waa intaas oo lagu daray xanuunada burada-madaxa, garab-iyo-gacan, dhiig-kar iyo macaan. Haddaba, makula tahay in Papa Xasan uu buugga Papa Doc si wacan u fahmay?

Mase laga yaabaa in Taliyihiisi hore ee Nabadsugidda ee Shiirkole usoo galay, inuu kunoqdo dhurwaa madow sida Barbot? Xogaha hoose waxay xusaan in gartooda ay galeen reer Faarax Goleey oo $12 milyan oo qaanta Taliyaha aheyd, uu Papa Xasan qayb ubaxshay dhulka hotel Afriik, $8 milyan uu Papa-ha dusha saartay. Markaa Papa Xasan ma u leyn doonaa dhurwaayada madow, siduu Papa Doc u wada laayay eeyada madow ee Haiti? Mase laga yaabaa in Papa-Xasan dib u celiyo Soomaaliya oo sida Haiti ay iska daba wareegto 200 sano, inta dadkeedu ku kala muransan yihiin Papa Xasan, Papa Farmaajo-iigu-celi, Shariif-iyo-Thuma-Walahi, Biixi-iyo-Baddeena, Dani-u-dhaantee iwm? Mase laga yaabaa dal Somaliya layiraahdo oo is-sheegta in uusanba ka danbeyn Papa Xasan? Waxan u maleyn in Madaxweyne, Dr. Papa Xasan Shiikh uusan Ilaahay tawfiiqda waafajin, waayo wuxuu u dhaqan egyahay wiilkii ka haray doontii Nabi Nuux ee Quraanka lagu yiri “Innahu Camalun Qeyru-Saalix”.

Ilaahay dalka-hooyo ee Soomaaliya ha ugu bedelo wax ka kheyr badan Papa-yaashan faraha badan, ee aan waxba isdhaamin, haddana aan laheyn karti ay ku dhaqdaan dalka-hooyo iyo ilmaheeda masaakiinta ah, ee aan waxba kala garaneyn, aniguna aan kamid ahay, aamin.

W/Q
Luqmaan-Xakiim Xuseen
[email protected]


 





Click here