-Dulmar Kooban: Saraakiil iyo Ciidan-
London,
12/04/2024 (Hiiraan Online)
HORDHAC
Muddada
daraasaddu waxay ku kooban tahay 1961-kii iyo kahor, sabab aan hoos ku
sheegidoono awgeed. Cid kasta damacda in ay war ka qorto tariikhda iyo taranka
“Xoogga Dalka” kama gaabsan karto in ay dib u milicsato wixii dhankaas ka
qabsoomay kahor Gobanimada 1960-kii iyo midoowgii labada Gobol:
Waqooyi
iyo Koofur.
Maamulkii Fashiistaha Talyaaniga
Qorshaha
Dawlaaddii Fashiistaha Talyaaniga ayaa ahaa in awoodeeda ay ku ballaariso
Geeska Afrika: Somalia, Eritrea iyo Abisiiniya.
Si
Talyaanigu damacaas uga dhabeeyo, isla markaana dagaalka guul uga gaaro wuxuu
qortay oo diyaarsaday ciidamo Soomaaliyeed ku caanbaxay magaca “Duubcad” oo
haddii magaca si kale loo dhigo noqonaya “Ciidankii madax-duubka caddaa”. Asagoo intii dagaalku socday qaab abaabul
dagaal (War mobilization) u qortay ciidamo kale loo bixiyay “Baando”.
Qorshahaasi
Talyaaniga waa u hirgalay, kadib dagaal socday 3-dii Oktoobar 1935 ilaa 5-tii
Maajo 1936, taasoo ah maalintii meel fagaaro ah magaalada Rooma looga dhawaaqay
in Itoobiya ay si buuxda uga mid noqotay Boqortooyada Talyaaniga Geeska Afrka
(East Africa Italian Empire).
Talyaaniga
damaca iyo qorshaha qabsashada Itoobiya waxaa u dheeraa inuu, si xasuusreeb ah,
uga jawaabo jabkii iyo guuldaradii kasoo gaartay dagaalki buuraleyda Adwa
(waqooyiga gobolka Tiray) 1-dii maarso 1896, kadib markii uu Itoobiya kasoo
weeraray dhanka Eritrea.
Talyaanigu kadib markii uu ku qancay kartida
dagaalka iyo adkeysiga ciidanka “Duubcad” oo ka koobna adhallinyaro kasoo jeeda
dhamaan dhulka Soomaalidu degto, ayuu si rasmi ah ciidankaas uga mid dhigay
ciidamada u diwaangashan (Italy colonial troops). Fikradda aasaaska ciidanka
“Duubcad” waxa lahaa “Cesare de Vecchi” Maamulihii (Governor) Soomaaliya intii
u dhaxesay 1923-1928.
Koofurta Soomaaliya iyo Maamulkii “AFIS”
Maamulka AFIS (Amministrazione Fiduciaria Italiana
della Somalia), waa Hay’addii Qaramada
Midoobay (UN) u xilsaartay diyaarinta iyo gobanimo-gaarsiinta koofurta
Soomaaliya, ayadoo muddo toban sano ah (1950-1960), dalka iyo dadka koofurta
Soomaaliya laga dhisayay, dhanka:
1)
Aqoonta
2)
Kaabayaasha dhaqaalaha
3)
Xirfadda gacanta iyo waayo-aragnimada
4)
Haykalka dawladnimo iyo tiirarka uu ku taagan yahay
5)
U bislaynta ummadda hanashada Maamul Dawladeed dhameystiran.
Talyaanigu
wuxuu xilkaas la wareegay 1-dii Abriil 1950, hase yeeshee Maamulka AFIS wuxuu si buuxda, rasmi ah u
hawlgalay 22-kii Disheembar 1951.
Dib-u-dhaca
hawl-galka Maamulkii AFIS, waxaa sababay arrimo isbiirsaday, sida:
1)
Diyaarinta heshiiska damaanadda Talyaaniga iyo Qaramada Midoobay oo waqti
qaatay.
2)
Dhibaatooyin ka jiray dalka Talyaaniga gudihiisa xagga Siyaasadda iyo dhaqaalaha
(Waxay ka guureen habka Boqortooyada lagu bedelay Jambuuriyad).
Intaasi,
arar ahaan noogu filan inaan sawir guud ka haysano xaaladdii ka jirtay dhanka
koofurta iyo labadii marxaladood ay soo martay, si weyn uga duwanaa Maamulkii
Ingiriiska ka jiray dhanka Gobolada waqooyi.
DULUCDA DARAASADDA
Koofurta Soomaaliya
Maamulkii
Talyaaniga AFIS imaantinkiisi koofurta Soomaaliya wuxuu la yimid Ciidan tiro ahaan
aad u badnaa si weyn u qalabaysnaa, waayoo wuxuu shaki weyn ka qabay in dhanka
Xabashida uu kala kulmi karo xiiso colaad iyo dagaal.
Talyaaniga
iyo Itoobiya waxaa u horeeyay dagaallo (kii 1aad Buuraleyda Adwa, kii 2aad 1935)
iyo muran dhanka xuduudda ah oo dacwadiisu meelo fog gaartay.
Sidaas
awgeed, qorshihii iyo waxqabadkii ugu horeeyay Maamulkii “AFIS” waxaa ka mid
ahaa inuu Xarun tababar Ciidan ka dhigtay saddexda degaan kala ahaa:
Warshiikh,
Cadale iyo Dhanaane aan dhamaantood ka fogeyn Xamar, labada hore xeebta ka
saran dhanka waqooyi, halka Dhanaane ay xeebta ka saran tahay dhanka koofureed,
kadibna:
a)
Wuxuu dib u soo xareeyay (u yeeray) Ciidankii Soomaliyeed ka qaybgalay
dagaalkii 2-aad Talyaaniga iyo Itoobiya (Second Italo-Abyssinian War) sanadkii
1935.
Ciidankaas, tiro ahaan, badnaa wuxuu Talyaanigu ka xushay intii qancisay xagga
da’da iyo aqoonta.
b)
Wuxuu baafiyay inuu qoranayo ciidan cusub asagoo tababarayaal ka xushay
ciidaankii dib loogu yeeray (fiiri xarafka sare “a”).
Sidaana
waxaa ku dhismay ama ku hanaqaaday Ciidan loo bixiyay “Ciidanka Ammaanka”, Soomaalidu
u taqaan “Xiisaanlay”.
Magaca
Xiisaanlay wuxuu ka yimid ayadoo labiskooda uu ka mid ahaa maro “Xiisaan”
suunka hoostiisa ugu duuban, waa nooc maro ka samaysan dun u qaab eg midda “Shaalka”.
Xiisaanlay
wuxuu ahaa Ciidan Milateri lahaa tiro, aqoon iyo tabar fiican, kaasoo xilli dambe lagu sameeyay dib-u-habayn
iyo tiro-dhimis ay kalliftay duruufo dhaqaale ka jiray dhanka Dawladda Dhexe
Talyaaniga.
Ugu
dambayn Ciidanka Xiisaanlay waxaa lagu soo koobay saddex Urur:
-
Ururka 1-aad: Xaruntiisa Muqdisho, wuxuu lahaa Xiisaan guduudan (casaan).
-
Ururka 2-aad: Xaruntiisa Baidhabo wuxuu lahaa xiisaan cagaaran.
-
Ururka 3-aad: Xaruntiisa Beledweyne wuxuu lahaa xiisaan huruud ah (yellow) leh diilimo
ama mardimo is jaraya (zig-zag) guduud iyo bluug ah.
Muddo
kadib, Hay’adda “AFIS” ayadoo ogolaasho ka haysata Wasaaradaha Arrimaha Dibadda
iyo midda GaashaandhiggaTalyaaniga, ayaa Maamulihii Koofurta Soomaaliya Mudane
Enrico Anzilotti soo saaray saddex Dakareeto 16, 17, 18 ay ku caddahay in laga
bilaabo 1-da Jannaayo 1956:
1)
Ciidanka Xiisaanlay la baabi’iyay.
2)
Ciidanka Talyaaniga la hawlgalayay Ciidanka Xiisaanlay dib loogu celinayo
dalkiisa.
3)
Ciidanka Xiisaanlay ku biirayo Ciidanka Booliska, ayadoo la raacayo awaamir,
hab-dhaqan
iyo tilmaamo gaar ah, kasoo bixidoona Xafiiska Maamulaha Koofurta Soomaaliya.
Magacii
hore Booliska ahaa “Corpo di Polizia della Somalia” waxaa la siiyay eraybixin
cusub ah “Forza di polizia della Somalia” asagoo ka kooban laba qaybood kala
ahaa:
1)
“Polizia Territoriale” Booliska
degaanka, leh Talisyo heer Gobol iyo Degmo, hadda loo yaqaan “Booliska
istiishimada ama Booliska Nabadgalyada Gudaha”.
2)
“Polizia Mobile” waa noc u qalabeysan qaab milatari, leh awood uu ku dhaqaaqo kuna
hawgalo “Rapid action Force”.
Waxaa
xusid mudan in Ciidankii loo yaqaanay “Xiisaanlay” kahor inta aanay ku biirin
Ciidanka Booliska, Maamulkii AFIS fuliyay labo arrimood:
a-
Waxaa la ruqseeyay kuwii gaboobay (da’ ahaa) u badnaa Sarkaal xigeyn, gaar
ahaan Xarigleyaal (Isbatoore).
b-Intii
soo hartay waxa la kala dooransiiyay labada Boolis midda ay jecel yihiin inay
ku biiraaan.
Hase
yeeshee, fursadaas kala doorasho lama siin kuwii aqoonta u lahaa ama ku qornaa
hubka miisaanka dhexe ama culus, balse, ayagu waxay ku qasbanaayeen inay ka mid
noqdaan “Polizia Mobile”.
Ciidanka
loo bixiyay “Polizia Mobile” asagoo tiro ahaan gaaraya, qiyaastii, ilaa 1,500
ayuu bud-dhig u noqday dhismaha “XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED”, aasaaskiisu
ku taariikheysan yahay 12 Abriil 1960.
Waqooyi “British Somaliland”
Dhismaha
Ciidanku wuxuu ku bilawday cutubyadii loo yaqaanay “Camel Corps”, Ingiriisku
qoray 1914 si ay uga qayb qaataan sugidda xasiloonida degaanka.
Tiro
ahaan waxaa la sheegaa in, xilligaas, ay ahaayeen 554 dhallinyaro degaanka laga
soo xulay. Waxaa loo qaybiyay affar Horimood kala ahaa:
-
Hal Horin Rakuubley
-
Saddex Horin ciidanka lugta
Sanadkii
1948 ayaa Ingiriisku qoray ciidan cusub ayadoo magacii Ciidanka loo bedelay “Somali
Scout”, sidoo kale, Ingiriisku wuxuu 1957 qoray ciidan kale.
Intii
aan la gaarin xilligii gobanimada 26 Juunyo 1960, Dawladda Ingiriisku waxay
Ciidanka “Somali Scout” kala dooransiisay inay ruqso rabaan,
ayadoo la xaqsiinayo, iyo inay Ciidanka ka sii mid noqonayaan.
Ciidanka
Gobolada Waqooyi, gobanidama iyo isku darkii labada Gobol kadib, ka mid noqday Xoogga
Dalka waxaa tiradiisa lagu sheegaa ku dhawaad 1,000.
CIIDAMADA XOOGGA
DALKA SOOMAALIYEED (CXDS)
Sida aan marar badan ku xusay qoraaladeyda, runtii
la iskuma diidana doodina kama taagna in, guud ahaan, CIIDANKU yahay udub
dhaxaadka jiritaan:
1) Dawlad awood leh
2) Sharci laga baqo loona hoggaansamo.
3) Ka difaacidda dalka iyo dadka, cadawga dibadda
iyo gudaha.
4) Daryeelka, taakuleynta iyo gurmadka bulshada
marka ay jirto masiibo Rabbaani ah, sida abaaraha, fatahaadda iyo duufaanada ama
mid dadku sababay sida colaad beleedka ku saleysan aano qabiil, daaq iyo
degaan.
Mar haddii aan si kooban u qodobeyay u sheegay doorka
iyo mudnaantiisa, aan siiyo qeexitaan kooban, waxa uu yahay CIIDAN?
“Waa awood
wadareed ka kooban Dad, Hub, Qalab iyo Xeer adag, si habeysan, tab iyo aqoon
leh, loogu diyaariyay fulinta waajibka ugu culus shaqsi qaadi karo oo ah in
nafta loo huro Qaranka loo dhartay difaaciisa”.
Ururadii asalka u ahaa dhismaha
Ciidamada XDS
Xoogga
Dalka wuxuu ku bilaawday qaab-dhismeed Ciidan baaxaddiisu ku siman tahay heer
Urur (battalion). Waxaa ka mid ahaa:
- Muqdisho:
Ururka Gama’diid
-
Hargeisa: Ururka Birjeex
-
Burco: Ururka Guulwade
-
Beledweyne: Ururka Qaybdiid
-
Baydhabo: Ururka Libside
-
Gaalkacyo: Ururka Dayax
Ciidankii
Cali Boobaaye 1960
Soomaalidu waxay tiraa: “Nin geedo tiriyay oo GALOOL ka tagay waxba ma sheegin”. Haddaba, Xooga Dalka ayaan wax ka qorayaa
mana xusayo Ciidankii la magic-baxay “Cali Boobaaye”, ma aha mid la garwaaqsan
karo, akhristuhu iga ogolaanayo.
Marka laga fiiriyo xagga tirada dhiboow isku mar la
qoray iyo tayada qofeed lagu xushay, Ciddanka “Cali Boobaaye” wuxuu
noqday bilicda ilqabatinka leh iyo
udub-dhexaadka dhismaha Xoogga Dalka.
Waxay ahayd xilli gobanimadi soo dhawaatay,
dhallinyarada miyigu si weyn u danayneysay isbedel nololeed, ayagoo u arkayay
in nolosha magaalo tahay mid ka fudud kana fiican midda miyiga, ayadoo laga
filan karay ididiilo iyo mustaqbal fiican.
Ra’iisul
Wasaare Cabdullaahi Ciise Maxamuud ayaa 12/04/1960 u asteeyay inay noqoto
maalinta Ciidanka Xoogga Dalka, asagoo 06/04/1960 saxiixay dekereeto ku saabsan
dhismaha iyo magac-bixinta “Xoogga Dalka Soomaaliyeed”.
Ciidankaas
oo tiro guud ahaa 2,000 (laba kun) waxaa laga soo qoray degmooyinka koofurta
Soomaaliya, ayadoo xulashada lagu saleeyay shuruudo iyo hab-raac adag xagga: “Da’da,
caafimaadka, dhismaha jirka, joogga (dhererka), ballaca xabadka iwm”. Qoridda
iyo qaadashada dhallinyaradaas waxaa la bilaabay bishii nofeembar 1959, isla
markaana waxaa dhammaantood xereda “Bottega” hadda loo yaqaan “Xalene” lagu soo
xareeyay 1-dii Janaayo 1960.
Waxa
loo qaybiyay 8-di Horimood, ayadoo mid walba loo magacaabay Taliyaha ku feer
qoran (hoos kala soco).
Guud
ahaan, waxa Xarunta tababarka xereda “Bottega” taliye ka ahaa G/le Dhexe
Maxamed Caynaanshe Guuleed.
Siddeedii
Sarkaal loo magacaabay in ay noqdaan Taliyeyaasha dhibawgii “Cali Boobaaye”
waxay kala ahaayeen:
-
Horinta 1-aad: Dhamme Maxamed Cali Samantar
-
Horinta 2-aad: Dhamme Salaad Gabeyre Kadiye
-
Horinta 3-aad: Dhamme Maxamed Faarax Xasan (Caydiid)
-
Horinta 4-aad: Dhamme Cilmi Nuur Tareey
-
Horinta 5-aad: Dhamme Cabdalla Maxamed Faadil
-
Horinta 6-aad: Dhamme Abuukar Gacal Muudeey
-
Horinta 7-aad: Dhamme Abuukar Xasan Weheliye (Suulaleey)
-
Horinta 8-aad: L/Xiddigle Cabdulqaadir-dheel Cabdulle Islaan
Sagaal
bilood hawl adag ah, kadib, waxaa tababarkii la soo gunaanaday bishii Oktoobar
1960.
HOGGAAMINTA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED
- Saraakiil-
Laga
soo bilaabo 12-kii Abrille 1960, ku suntan dhismaha iyo magac-bixinta Xoogga
Dalka, waxaa heerarkiisa kala sareeya si firfircoon majaraha hoogaaminta u
qabtay, isla markaa la dhihi karaa waxay ahaayeen shubka adag ee aasaaska XDS
(Army basement concrete building) Leyli Sarakiishii dibadda iyo gudaha wax ku
bartay
1961-kii
iyo kahor.
Sababta
aan mudnaan gaara u siiyay 1961-kii iyo kahor waxay tahay:
1)
In Africa uu ka jiray, xilligaas, dhaqdhaqaaq gobanimadoon baahsan.
2)
In qofka Soomaaligaa dareenkiisa ku waynayd Gobanimo iyo Soomaaliweyn mid ah,
taasina u baahnayd awood Ciidan iyo Saraakiil tab iyo aqoon ku hoggaamisa.
3)
In Saraakiishaasi tusaale ku dayasho leh iyo dhiirigalin u noqdeen in
dhallinyaradii waxbaratay, intoodi xilligaas ugu fiicnayd, dooratay kaalinta
ama doorka Sarkaalnimo ee hoggaaminta Ciidanka.
Runtii
ma sahlana in la helo Saraakiishaas tiradooda iyo magacyadooda oo
dhammeystiran, sababo la xiriira xaaladda iyo marxalad-taariikheedka dalku soo
maray ku suntan burbur aan waxba hambayn.
Taas
awgeed, kaashiga qoraalka hoose wuxuu, intiisa badan, ku salaysan yahay
wareysiyo aan la yeeshay shakhsiyaad kooban aan ku tuhmayay xasuus iyo
xog-ogaalnimo,
kuwaasoo aan xiriir kala sameeyay Qaarado iyo degaano kala fog. Waxaa halkaan
hoose ku xusan, magacyada qaar ka mid ah, Saraakiishii muddada qormadu ku
saabsan tahay (1961 iyo kahor), u qoran:
1)
Liiska magacyada Leyli/Sarkiil wada socday.
2)
Sanadka bilawga tababarka
3)
Dalka loo aaday waxbarashada
1)
CIIDANKA DHULKA
KOOFUR:
Leyli
Saraakiishii Gobanimada kahor, intii u dhaxeysay 1952 ilaa 1959, Tababar
Layli/Sarkaal dibadda iyo gudaha ku qatay, waxay ahaayeen:
Kooxda 1-aad: 1952
Ayagoo
ahaa Sarkaal Xigeen Boliis ayey Tababar Leyli/Sarkaal u aadeen dalka Talyaaniga. Hase yeeshe, aasaaskii Xoogga dalka
Soomaaliyeed 12 Abriil 1960 ayey kasoo wareegeen Booliska, isla markaana
doorweyn ku yeesheen dhismaha iyo hoggaaminta Xoogga Dalka. Waxaa ka mid ahaa:
1)
Daa’uud Cabdulle Xersi
2)
Maxamad Siyaad Barre
3)
Maxamed Caynaanshe Guuleed
4)
Maxamed Ibrahim Axmed (Liqliqato)
5)
Qamiis Cabdalla (Sudani)
Waxaa
xusid mudan in kooxdaani Tababarka Ciidan kusoo qaateen Dugsiga Ciidanka
Talyaaniga loo yaqaan “Carabinieri” ama “Karabinyeeri” ah sida Soomaalidu ugu
dhawaaqdo magaca.
Nooca
Ciidan uu yahay “Karabiniyeeri”, Wasaaradda uu hoos tago iyo tababarka ay
kooxdu qaadatay dib ayaan si kooban uga hadli doonaa (*).
Kooxda 2-aad: 1953
Ayagoo
ka tirsanaa Ciidankii Militariga Soomaalidu u taqaanay “Xiisaanley”, jiray xilligii
“AFIS”, isla markaana ahaa Sarkaal/Xigeen
ayey Tababar Leyli Sarkaal ku qaadeen dalka gudihiisa.
Waxaa
ka mid ahaa:
1)
Jaamac Aw Muuse
2)
Maxamed Cali Mire (faroole)
3)
Cabdulle Barre Qalaaye
4)
Cali Cilmi Barre
5)
Cismaan Sabriye Cali (Sokor)
6)
Ismaaciil Maxamed Eritereya.
Kooxda 3-aad: 1954
Waxay
tababr Leyli/Sarkaal u aadeen dalka Talyaaniga - Dugsiga Ciidanka Lugta Cesano
(Roma). Waxaa ka mid ahaa:
1)
Maxamad Cali Samantar
2)
Salaad Gabeyre Kadiye
3)
Maxamad Faarax Xasan (Caydiid)
4)
Cilmi Nuur Tareey
5)
Cabdalla Maxamad Faadil
6)
Abuukar Gacal Muudeey
7)
Abuukar Xasan Weheliye (Suulaleey)
8)
Cabdulaahi Yuusuf Axmad
9)
Ibrahim Rooble Warfaa (Dooyaale)
10)
Nuur Caddoow Cali
11)
Maxamad Nuur Maxamad Baarqab
12)
Maxamad Cali Sharmaan
13)
Xasan Maxamuud Sabriye (Gaamuur)
14)
Maxamad Jamac Xarbi - kadib boliiska u wareegay.
Waxaa
xusid mudan in kooxdaani soo dhamaysatay laba sano tababar Milatari,
hase
yeeshee, dalka kusoo noqotay 1956 ayadoo Ciidankii Milatariga “Xiisaanley” la
baabi’iyay oo lagu daray Booliiska.
Tababar
gaaban la xiriira hawlaha iyo waajibaadka Booliska ayey ku qaateen Muqdisho,
kadibna ka hawgaleen Saldhigyada Booliiska.
Muddo
saddex sano ah kadib, waxay 1960-kii fursad u heleen in aqoontoodi Ciidan
(Military) dalka ugu adeegaan, sidaana hormuud ka noqdeen dhismaha iyo
hoggaaminta Xogga Dalka Soomaaliyeed.
Kooxda 4-aad: 1956
Waxay
tababr Leyli/Sarkaal u aadeen dalka Talyaaniga - Dugsiga Ciidanka Lugta Cesano
(Roma). Waxaa ka mid ahaa:
1)
Cabdulqaadir-dheel Cabdulle Islaan
2)
Maxamad Sheekh Macoow
3)
Maxamad Ragis Maxamad
4)
Axmed Ismaaciil Boqor
5)
Tawaad Dhallin Fiidoow
6)
Cismaan Cabdulkqaadir
Kooxda 5-aad: 1959
Waxay
ahaayeen saddex arday, markii ugu horeysay Leyli/Sarkaalnimo loogu diray
kulliyadda Modena Dalka Talyaaniga ee Ciidanka Dhulka.
Waxaa
ka mid ahaa:
1)
Maxamuud Xersi Muuse (Cadde Muuse)
2)
Muuse Xasan Sh. Cabdulle
3)
Maxamuud Ghelle Yuusuf
Kooxda 6-aad: 1960
- Masar-
Waxaa
ka mid ahaa:
1)
Cadirisaaq Maxamed Abuubakar
2)
Cismaan Maxamed Jeelle
3)
Cismaan Sheikh Maxamed
4)
Cilmi Axmed Sharmarke
5)
Shamsuddiin Maxamed
6)
Maxamed Adan Dhurwaa
7)
Cabdiraxmaan Salmadhige
WAQOOYI
Layli Saraakiishii Gobanimada kahor
Waxaan
u kala qaaday labo:
-
Kuwii kasoo baxay - British Royal Academy “Sandhurst”.
-
Kuwii kasoo baxay Kulliyadaha Dalalka Carabta, sida: Masar, Ciraaq, Siriya.
Kuliyadda Ciidamada “Sandhurst”
(British Royal Academy)
Kooxda 1-aad: 1957
Waxaa
ka mid ahaa:
1)
Xasan Cabdulle Walanwal (Xasan Keyd)
2)
Maxamad Cabdulaahi (Maxamad Awr)
Kooxda 2-aad: 1958
Waxaa
ka mid ahaa:
1)
Ismail Cali Abubokor
2)
Maxamad Cali Shire
Kooxda 3-aad: 1959
Waxaa
ka mid ahaa:
1)
Axmad Soleymaan Cabdulle (Dafle)
2)
Ibrahim Ahmad Ismaaciil
3)
Cadulaahi Saciid Caabi
4)
Maxamad Maxamuud Saciid “Bidixle”
5)
Saciid Cali Giir
6)Huseen
Ali Ducaale (Cawil)
7)
Feysal Xaaji Jaamac
8)
Daa’uud Cali Yaxye
9)
Maxamad Maxamuud Khaawe
10)
Maxamad Cabdiraxmaan Xaaji Jaamac (Lugooyo)
11)
Xasan Faarax Mataan (Xasan Yare)
Kooxda 4-aad: 1960
Waxaa
ka mid ahaa:
1)
Muuse Rabiile Good
2)
Cabdixamiid Cali Yuusuf
L/SARAAKIISHII WAQOOYIGA, AADAY DALALKA
CARABTA 1960 IYO KAHOR:
- Masar-
Sanooyin
kala dambeeyay, waxaa ka mid ahaa:
1)
Cabdulaahi Aadan Diiriye (Cabdulaahi Koongo) 1957
2)
Faarax Wacays Dhuule 1958
3)
Axmad Maxamuud Faarax 1958
4)
Axmad Cali Yusuf (Siigeeyste) 1958
5)
Axmad Xasan Muuse 1960
CIRAAQ: 1960
Waxaa
ka mid ahaa:
1)
Maxamad Cumar Gees
2)
Ibrahim Muxumad Sacmaal
3)
Cismaan Dacas
4)
Cabdiraxman Jiis
5)
Maxamad Muumin Dacay
Afeef iyo Cudurdaar:
Waxaa
adag, aan sahlanayn in si sax ah oo dhamaystiran loo helo liiska iyo magacyada
leyli/Saraakiisha aaday dalalka Carabta, Koofur iyo Waqooyi labadaba, wixii ka
horeeyay 1961-kii, sababtoo ah waxaa ka mid ahaa:
1)
kuwo ayagu is dabiray oo qaab tahriib qiireysan (wadaniyaddu riixayso) ku tagay
dalalka Carabta, kadibna halkaas ka galay Kulliyadaha Ciidamada.
2)
Kuwo kale, ayagoo digta Jaamacadaha dalalka Carabta, qaab kasta ha ku tagaane,
ku wareegay Kulliyadaha Ciidamada.
LAYLI
SARAAKIISHII GOBANIMADA KADIB
- Ciidanka Dhulka-
Markii
ugu horeysay ayaa Jumhuuriyadda Soomaaliya 1961-kii Layli Saraakiil u dirtay
deeq waxbarasho dibadda ah, halka qaar kale gudaha ku qaateen Tababarka.
Guud
ahaan, sanadka 1961 waxaa la qaatay 7 (toddoba) Koox, sida hoos ku xusan:
Kooxda
1-aad: 1961
Kulliyadda
Talyaaniga Modena:
1)
Abshir Cismaan Xuseen
2)
Maxamuud Casayr Maxamad
3)
Cabdulaahi Diiriye Nuur
4)
Nuur Xersi Cali
5)
Axmed Xaaji Yuusuf
Kooxda 2-aad: 1961
Kulliyadda
“Sundhurst Royal Academy”:
1)
Cabdullaahi Cabdi Faarax (Deyr)
2)
Xuseen Maxamad Bulaale (Daqare)
3)
Maxamad Maxamuud Raghe
4)
Yuusuf Axmad Kibaar
5)
Maxamad Warsame
6)
Cabdi Yuusuf
7)
Maxamad Sh. Muuse
8)
Axmad Xaaji Diiriye
9)
Cabdi Haaruun
10)
Saciid Oogle
11)
Cabdi Dhalac Cabdi
12)
Cabdikariim Canshuur
13)
Cabdi Cali Xuseen “Cabdi Xabashi”
14)
Yuusuf Talan Ali
Kooxda 3-aad: 1961
Dugsiga
Ciidanka Lugta Cesano (Roma) Talyaaniga:
1)
Giama Ali Giama
2)
Aweys Jaylaani
3)
Maxamed Ismaaiil Ibrahim (007)
4)
Maxamed Axmed Caalim
5)
Xasan Maxamuud Rooble
6)
Maxamed Xasan Bare Tooxow
7)
Maxamuud Cali Hawiye Gacamey
8)
Maxamed Sh. Aadan
9)
Cabdullahi Axmed Shire (Shaxam)
10)
Awes Sh. Maxamed
11)
Maxamed Sh. Maxamuud (Qaamow)
12)
Yuusuf Axmed Salxaan
13)
Cabdirashiid Sh. Xuseen
14)
Ciise Cabdi
15)
Bashiir Yuusuf Cilmi
16)
Cabdulqaadir Ciise Cali
17)
Cabdi Maxmed Gaawiido
18)
Ismaciil Muxiyadiin
19)
Saadaq Maxamed
20)
Maxamuud Xuseen Daa’uud
21)
Cabdicasiis Xasan Woomo
22)
Cabdi Warsame Isaaq
23)
Cismaan Maye
24)
Cumar Xaaji Maxamed (Masale)
25)
Abuukar Maxamad (Aftooje)
26)
Cabdulqaadir Xaaji Maxamed (Masale)
Labada
ugu dambeysa (lambarka 25 iyo 26) waxay tababarka L/Saraakiil ku qaateen Xamar
maadaama aqoontoodu ahayd Afka Carabiga
Xasuusin:
Labada
kooxood sare (Kooxda 2-aad iyo kooxda 3-aad), tiro guud ahaa 40, isku mar ayaa
la qaatay. Kadibna loo kala diray Ingiriiska iyo Talyaaniga.
Kooxda 4-aad: 1961
Waxaa
loo diray Masar
1)
Maxamed Xaaji Aadan Cossoble (Beercune)
2)
Cali Xaaji Jaaburi
3)
Cabdiraxmaan Warsame Cilmi (Caarre)
4)
Maxamuud Maxamed Liibaan (Aftooje)
5)
Cabdulqaadir Cabdulle Barkaan
6)
Maxamed Xaaji Cali
7)
Axmed Maxamed Canshuur
8)
Maxamed Saciid Ciise (Afyare)
9)
Cabdulle Xandulle
10)
Cumar Xaashi
11)
Ali Ismaaciil
12)
Cumar Cismaan Diiriye (Canjeex)
13)
Axmed Haaji Maxamuud Cismaan (Axmed Teerso)
14)
Axmed Maxamuud Shiikh (Neero)
15)
Maxamed Shiikh Cismaan
16)
Cismaan Saalax Cabdikariim
17)
Maxamed Abshir Cali (Weyrax)
18)
Cabdiraxmaan Daarood Xuseen
19)
Cabdiraxmaan Aw Maxamed
20)
Cabdiraxmaan Khaliif Dhicis
21)
Cali Imaan Guuleed
22)
Shiikh Amiin
23) Shariif Cabbaas Iimaan
24)
Maxamud Sidiin Xersi Nuur
25)
Maxamed Mayrane
Kooxda 5-aad: 1961
Waxaa loo diray Ciraaq,
waxaa ka mid
ahaa:
1)
Maxamad Jamac Warsame (Fadhi ku salaan)
2)
Maxamuud Maxamad Oday
3)
Jamac Xaaji Cilmi
4)
Xaaji Qurbawi
5)
Cali Imaan
6)
Adan Waris
7)
Cali Xaaji Maxamed
5)
Axmed Xasan Axmed
Kooxda 6-aad: 1961
Ayagoo
ahaa Saraakiil/Xigeen horay u soo qaatay tababaro la xiriira aqoonta ciidanka
ayey tababar Leyli/Sarkaal ku qaateen Xamar, waxaa ka mid ahaa:
1)
Cabdulle Cilmi Cabdi
2)
Maxamed Nuur Galaal
3)
Abshir Kaahiye
4)
Mire Aware
5)
Axmed Ilgiir
6)
Abiikar Nuur
7)
Ibarahim Xisbiyo
8)
Axmed Ugaas Maxamed
9)
Jambaluul
10)
Axmed Sahal Cali (Axmed Ciriiri)
Kooxda 7-aad: 1961
Ayagoo ahaa Saraakiil/Xigeen leh waaya-ragnimo
iyo xirfad tababar ciidan ayaa laga keenay Gobolada Waqooyi. Kadib tababar ay Xamar
ku qaateen loo dalacsiiyay Saraakiil.
Waxaa
ka mid ahaa:
1)
Muuse Ismaciil Caraale
2)
Xirsi Faahiye Caynab
3)
Muxumed Caalin Cabdille
4)
Maxamed Xasan Saciid (Qasbaaye)
5)
Ibrahim Cabdi Nuur (Afgaab)
6)
Maxamed Aadan Cigaal (Wadaad Yare)
7)
Maxamed Cilmi Colow (Sanbalooshe)
8)
Maxamad Cali Weerar
9)
Maxamuud Faarax Cali (Mooto)
10)
Faarax Cawaale Yuusuf (Cawaale Bustaale)
11)
Haybe Axmed Guure (Haybe Laambad)
12)
Cabdi Faarax Cabdi (Cabdi Maloow)
13)
Cismaan Shanfool
14)
Faarax Dhilacasir
15)
Diiriye Hinig
16)
Xasan Bakaal Jigle
17)
Daahir Cige (Baadari)
18)
Diiriye Wacays Xareed( Diiriye Cas)
19)
Daahir Qaabil Wabar
20)
Ibrahim Aare Shiil
21)
Soleebaan Cali Qalaaf
22)
Ladiye Rooble Xersi
23)
Maxamed Xildiid Wacays
24)
Xasan Waxays Obsiiye Bahdoon (Kuryeeri)
25)
Soleebaan aadan Qadhadhow
26)
Cabdirahmaan Cabdullahi Gudaal (Bedel)
27)
Maxamuud Jaamac Magan (Indabalac)
28)
Geedi Qayaad
29)
Cismaan Timacadde
30)
Jamac Yoonis Amare
31)
Maxamed Muuse Colow
32)
Ibrahim Cilmi
33)
Sacuudi Xasan
34)
Cali Cawl
35)
Qawdhan
36)
Hilaac
37)
Ca nshuur
Cudurdaar:
Duruufo
jira awgeed, waxaa dhaliisheeda leh in:
1)
37-ka Sarkaal kor ku tixan, qaar ka mid ah ay adkaatay in la helo magacyadooda
oo buuxa (saddexan).
2)
ay dhici karto in, hal ama labo, ka mid ah liiska, aanay ka mid ahayn kooxdii
1961, balse ay xilli dambe noqdeen Saraakiil.
2)
CIIDANKA CIRKA
Kooxda 1-aad: 1954
Waxay
tababar Leyli/Sarkaal Duuliye ku qaateen Dalka gudihiisa, kadina 1956 dalka
Talyaaniga u aadeen Tababar duuliyenimo dheeri ah.
Waxaa ka mid ahaa:
1)
Cali Mataan Xashi
2)
Cali Jaamac Cali
3)
Maxamuud Cabdulqaadir Barre (Feytaan).
4) Cabdullaahi Cilmi (Cabdulaahi
Uuseey)
Kooxda
2-aad: 1956
Wuxuu Leyli/Sarkaal Duuliye ku
qaatay Kulliyadda Ciidanka Cirka Talyaniga.
- Axmad Sheikh Macow
Kooxda 3-aad: 1960
Tababar
Leyli/Sarkaal Duuliye, midwalba, ku qaatay dalka ku feer qoran:
1)
Yusuf Xasan Ibrahim (Yusuf Dheeg) - Ciraaq
2) Dahir Kulane - Masar
Kooxda 4-aad: 1961
Waxay
Tababar Leyli/Sarkaal Duuliye ku qaateen Masar, waxaa loo yaqaan lixda Maxamed:
1)
Maxamed Maxamuud Guuleed
2)
Maxamuud Maxamed Baasaale
3)
Maxamed Wehekiye Sheegoow
4)
Maxamed Yusuf Cigaal
5)
Maxamed Cabdulqaadir
6)
Maxamed Jaamac (MJ)
3)
CIIDANKA BADDA
Saddexda
hoose waxay ka tirsanaayeen Hay’addii ama Ciidankii Talyaaniga ka hawgalayay
Dekedaha koofurta Soomaaliya, kaasoo loo yaqaanay magaca “Capitaneria di Porto” u xilsaarnaa habsami-u-socodka hawlaha Badda
iyo Dekedaha iyo bedqabka shaqaalaha ku hawlan.
Si
ay kaalintooda uga qaataan dhismaha Ciidanka Badda ayaa tababar aqoon-kororsi
loogu diray Dalka Talyaaniga sanadka, midkasta, ku feer qoran.
Tababarka
kadibna loo dalacsiiayay Saraakiil. Waxay kala ahaayeen:
1)
Khaliif Macoow Xasan 1958
2)
Jeylaani Maxamed Nuur 1960
3)
Maxamed Cismaan Xalane 1960
Kooxdii
2-aad: 1962
Waxaa
xusid mudan in Kooxdaan “Ciidanka Badda 1962” ay ka baxsan yihiin xadkii
muddo-sanadeedka qormada lagu jangoyay oo ahaa 1961-kii iyo kahor.
Hase
yeeshee, waxay mudan yihiin in tixgalin gaara la siiyo, waayoo waxay ahaayeen
kooxdii ugu horeysay, tiro ahaanna badnaa ee Tababar Leyli/Sarkaal Ciidanka
Badda u aaday dibadda (Masar). Waxaa ka mid ahaa:
1)
Saciid Cabdalla Cumar (Saciid Marina)
2)
Saciid Cagadable
3)
Maxamed Maxamuud Haji Dayib
4)
Maxamud Maxamed Karshe
5)
Maxamed Axmed Xasan (Macawisle)
6)
Maxamud Aaden Muuse (Dhagacadde)
7)
Axmed Ismaciil Ali
8)
Axmed Xaaji Gacal
9)
Cabdiraxmaan Ciise
10)
Cali Ibrahim (Cali Dhagey)
11)
Cabdulaahi Ciise Aadan
12)
Cabdulqaadir Moxamed Kheyre
13)
Cali Haji Munye
14)
Cabdulkadir Cadde Mugne
15)
Maxamed Cumar Cismaan
16)
Maxamuud Maxamed Xayd
17)
Salad Farax Ismaciil
(*) FASIR KOOBAN
Waxaan
Qaybta kore qormadaan ku sheegay inaan fasir dheerti ah ka bixindoono Ciidanaka
Talyaaniga “Carabinieri” ama “Karabinyeeri”.
Waxaa
dhawr jeer i soo martay inaan ka maqlo shakhsiyaad, gaar ahaan, bahda
Warbaahinta, ayagoo si gaar ah farta ugu fiiqaya Kooxdii 1952 Tababarka
Sarkaalnimo u aaday dalka Talyaaniga ay ka mid ahaayeen:
Daa’uud
Cabdulle, Maxamad Abshir, Maxamad Siyaad, Caynaanshe, Liqliqato……… ayagoo
dhahaya Saraakiishaas waxay soo qaateen tabar Boolis, waayoo waxaa soo
tababaray “Karabinyeeriga Talyaaniga”.
Waxaa
hadalkooda laga fahmayaa inay aaminsan yihiin in “Karabinyeerigu” yahay Ciidan
ka mid ah Booliska Talyaaniga.
Haddaba,
waxaan rabaa inaan si kooban qodobeysan u caddeeyo in Boliis iyo “Karabinyeeri”
ay yihiin labo ciidan kala duwan, ka tirsan labo Wasaarad kala duwan:
1-
Boliis waa Ciidan Ammaan iyo Nabadgalyo hoostaga Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Sida caadigaa, ku hawlan ka hortagga dhacdooyinka dambi, saamaynaya habsami u
socodka nolosha dadweyanaha iyo meheradooda ee degaanka Ciidankaasi u xilsaaran
yahay (waa Qeexid kooban).
2-
Karabinyeeri (Carabinieri) waa Ciidan, wixii ka horeeyay sanadkii 2000 ka
tirsanaa Ciidanka Dhulka Talyaaniga (Italian Ground Force), ayadoo loo yaqaanay
Cutubka 1aad Ciidan Dhulka Talyaaniga (First Italian Ground Force Army).
Wixii
ka dambeeyay sanakii 2000 waxaa laga dhigay Ciidan gaar u taagan, la siman
Cidamada Dhulka, Cirka iyo Badda, asagoo, wali sidiisi hore u hoos imaanaya
Wasaradda Gaashandhigga Talyaaniga.
3-
“Carbinieri” waa Ciidan u dhisan sida Militeriga caadigaa, Saraakiishiisu ka
soo baxaan Kulliyadda facaweyn Ciidanka Dhulka loo yaqaan “Modena Milatery
Academy” iyo midda ka sii sareysa “Italian War College” ama “Scuola di Guerra”
ku yaal Degmada Civitavecchia, Caasimadda Roma.
4-
Waajibkiisu waa sugidda Ammaanka Gudaha heer Qaran, ka hortagga dambiyada
abaabulan, baadigoobka iyo sharci horgeynta kuwa ay ku caddaato fal dambiyeed halis
u ah Qoranka.
5-
Karabinyeeriga iyo Boolisku waa labo Ciidan Aqoon iyo Takhasus gaar ah u leh
Shuruucda dalka iyo dhaqangalintooda si loo sugo Ammaanka iyo kala Dambaynta
“Law and Order” (waa Qeexid kooban).
Waxa
xusid mudan in, guud ahaan, Layli Saraakiishu, Ciidanka ay doonaan ha ku
abtirsadeen (Milatari ama Boolis) muddada Tababarka Leyli Sarkaal waa qasab
inay qaataan tababar Tabta dagaalka (Basic Military Art or Military Tactcs).
CUDURDAAR
Waxaan
ka cudurdaarayaa ama aan ka garaabayaa khaladaadka ku jiri kara iyo qabyonimada
qormada, xagga xogta qoraalka iyo liisaska Leyli Saraasha intaba.
Duruufo
jira awgeed ma sahlana in 1961 iyo kasii hor la helo xog guud
dhammeystiran. Sidoo kale, ma sahlana in
la helo magac buuxa, sanadka iyo dalka waxbarashada loo tagay, gaar ahaan,
marka laga hadlayo Leyli/Saraakiishii aaday dalalka Carabta. Balse, waxaan
rajeynayaa in qormadu noqoto ambaqaad fiican dhiirigaliya cid kasta damacda
qabyotirkeeda.
GABAGABO IYO GUNAANAD
La
iskuma diidana in Sarkaalku yahay:
1-
Maskaxda hoggaamisa Ciidanka
2-
Hal-abuurka, hindisaha iyo naqshadeynta Tayada Ciidanka.
3-
qof leh hab-dhaqan, haybad iyo karaamo ku dayasho leh, ku kasbaday aqoon,
urursanaan iyo anshax Sarkaalnimo.
Sidoo
kale, waxaan, mar kale, hoosta ka xariiqayaa in Layli Sarakiishii 1961-kii iyo
kahor dooratay nolosha Ciidanka iyo kuwii, kadib, go’aansaday inay raadkooda
qaadaan ay suurtogaliyeen dhismo Ciidan awoodiisa dunidu si weyn ugu
baraarugtay. Isla markaana, bahda warbaahinta adduunku ku mashquushay tabinta
xogta ku saabsan kartida iyo awoodda Ciidamadaas, gaar ahan xilligii dagaalka
ku caanbaxay “77” ee Soomaaliya iyo Itoobiya, asagoo (waa dagaalkaase)
wariyeyaal matalayay warbaahinta addunka siiyay fursad ay kusoo caanbaxaan.
Dhanka
kale, kahor iyo kadib Gobanimadii 1960 reer Galbeedku waxay si mideysan u
qaateen fikradda dhahaysa Soomaaliya ma yeelan karto Ciidan Milatari awood leh,
waxay u baahan tahay oo kaliya Ciidan suga Ammaanka Gudaha.
Waxa
taa tusaale u ah:
1-
Baabi’intii Ciidankii Xiisaanley 1956.
2-
Deyradii iyo diidmadii loogu jawaabay Ra’iisul Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmarke,
markii 27kii Nofeembar 1962 uu booqday Mareykanka, asagoo raadinaya taageero
dhismo Ciidan Soomaaliyeed tiro iyo tayo leh.
Haddaba,
in Soomaaliya yeelato Ciidam milaterti tiro iyo tayo leh, waxaa si geesinimo
leh go’aankeeda u qaatay kana dhabeeyay, isla markaana magac iyo mahadnaq naga
mutaystay, Ra’iisul Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo Taliyihii Xoogga
Dalka xilligaas Daa’uud Cabdulle Xersi oo si kadis ah dalka Ruushka safar aan
horay loo qorshayn ugu dusay 1963kii, ayagoo halkaas kala kulmay
sidii ay filayeen iyo soo dhaweyn aan saluug lahayn.
Waxaa,
sidaa, ku dhashay kuna hirgalay heshiiskii daahfurka:
“Taariikhda iyo Taranka Ciidamada
Xoogga Dalka”.
MAHADNAQ
Suurtogal
iima ahaa in aan halkaan ku tixo dhammaan magacyada shaqsiyaadkii aan la
xiriiray ee xasuustooda iyo xogta ay hayaan ila wadaagay.
Balse
waxa aanan ka baaqsan karin inaan xuso Marxuun
Jeneraal Maxamed Jaamac Warsame (Fadhi ku salaan) aan Hargeysa kala xiriiray
bilawgii baadigoobka
xog-uruurinta.
Waxaan ugu ducaynayaa in naxariista Rabbi uu ku mutaysto: “Dambidhaaf iyo darajo sare Jannatul Firdawsa”. Aamiin
Qore:
Dirir Cabdi Ibrahim (Goodax)
[email protected]
Tel:
00447960956384
London