7/12/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Istaraatijiyadda cusub ee Norway ka leedahey Afrika iyo fikradda Soomaalida Norway ka dhiibatey!
By Ubah A. Aden
Sunday October 1, 2023



Dhamaadkii sanadkii hore ee 2022, waxaa magaalada Washington D.C. shir madaxeed ku dhex marey madaxda qaaradda Afrika iyo madaxweynaha Maraykanka, Biden. Ulajeedada shirkaa ayaa aheyd sidii loo kordhin lahaa iskaashiga danaha caalamiga ah iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya qaaradda Afrika iyo Mareykanka.

Qudbadii Biden ayaa ka mid aheyd in uu yiri `Guusha Afrika waa guusha adduunka`. Hadalkaa ayaa loo tarjuntey in ay aheyd qirasho dahsoon, ka dib markii reer galbeedka ay lumiyeen awoodii iyo saamayntii ay ku lahaan jireen qaaradda, marka loo barbardhigo awooda iyo saamaynta kordheysa ee Shiinaha iyo quwadaha kale ay ku lahaanayaan Afrika. Isbedeladaa waxey sababtey in dalalka reer galbeedka wax ka badalaan sidey ula dhaqmi jireen qaarada Afrika iyo okiyaalaha ay ku eegi jireen qaaradda dadkeeda. Dhanka kale, qaarada Afrika waxaa loo heystaa in ay tahey meesha uu xalka mustaqbalka uu ku jiro, markey noqoto kheyraadka dabiiciga ah, kheyraadka aadanaha iyo isbedelka cimilada iwm. Kulankaa Washington D.C, waxa uu horseeday in wadamada Yurub sida Norway ay bilaabeen ka hadalka qaabkey ula macaaamiltami doonaan qaarada Afrika iyo waxa uu iskaashigoodu ku salaysnaan doono.

Bishii Maarso ee sanadkan 2023 ayaa wasiirada arrimaha dibadda ee Norwey, isku xisbina aan ka wada tirsan-nahney ayaa ku dhawaaqdey in ay wasaaradeeda ka shaqeynayaan istiraatiijiyad cusub oo ku saabsan sidii Afrika loola shaqeyn lahaa. Wasaaradda iyo hay`addaha hoos yimaada ayaa kulan xog-wareysi ah soo qaban qaabiyaay. Kulankaa, nasiib xumo laguma casuumin qurbajoogta Afrika ka soo jeeda oo ah ajaaniibka ugu badan ee Norway ku nool, marka laga reebo ajaanibka ka soo jeeda Yurubta. Arintaa waxey igu kaliftey in aan qoro maqaal aan ku eedeynayo wasiirada iyo wasaaradeeda labo afleenay. Marna waxey na leeyihiin qurba-joogtu muhiim ayay u yihiin dib u dhisida dalkooda, marna meeshii ugu muhiimsaneyd ee lagu sameynayo siyaasadd saameyn ku yeelan karta dadkaaga iyo dalkaaga ayaan lagaa soo qeyb galsiinin.

Eedeyntaa waxey sababtey in si deg deg uu xisbigu ku abaabulo shir xog-wareysi ah oo lagu marti qaadayo qurbo-joogta Afrikaanka ah iyo dad weynaha xiiseynaya arimaha Afrika. Mudo gaaban gudaheed, waxaa noo hirgaley shir balaaran oo dood wadaag ah oo aan wax layskula reeban. Doodihii intaa badnaa la soo bandhigay waxey ku saleysnaayeen, in qaarada Afrika aan loola dhaqmin sidii in ay hal dal oo keliya tahey, balse loola dhaqmo in ay tahey qaarad ka weyn kana qaniyeysan tan Yurub, kana kooban wadamo badan oo kala baahiyo, caqabado iyo fursado kala gedisan. In xiriirka qaaradda lala yeelanayo uu noqdo mid ku saleysan cadaalad iyo sinaan. Norway iyagana waxey dhankooda isku difaaceen in ay doonayaan in ay xiriir wanaagsan la yeeshaan qaarada iyo qurbajoogtooda, ayna doonayaan in ay ka caawiyaan waxa loo baahan yahey, ayna ku guuleysan doonaan dadaalkaa maadaama aysan qeyb ku lug laheyn taariikhdii isticmaarka iyo gumeysigii Afrika ay soo martey.  
Waxaa shirkaa ka soo qeyb galey xoghayaha dawladda ee wasaaradda arrimaha dibadda, hogaamiyaha golaha deegaanka, xildhibaano ka kala sodey barlamaanka iyo golaha degaanka, hay’ado kala duwan, shirkado gaar loo leeyahay iyo ururada bulshada rayidka ah. Waxaa shirkaa lagu soo gabagabeeyay in cidii heysa talo wanaagsan, ay taladood qoraal ah u soo gudbiyaan. Mar kalana dib laysku arki doono.

Doodaa ka dib, baa aniga iyo qaar ka mid ah dhalinyarada Oslo isla garaney in aan fikradeena ku biirinno istaraatijiyaddaa cusub ee lagu hawl jiro.

Inta badan ma dhacdo in qurba-joogtu ay ku lug yeeshaan hawlahan oo kale. Anagana waxa uu qorshaheenu ahaa in aan ficiltano, dadaalkeena muujino, raad-reebna sameyno. Haddii fikradaha aan soo jeedinay aan la raacin, arrimaha gargaarkana aan wax iska bedelin, waxa ay carruurteenna iyo jiilka dambe ay heli doonaan raad-raac muujineysa waxa ay waalidkood isku dayeen inay wax ka qabtaan. Taana waxey u fududayn kartaa jiilkaa in ay dadaalkaa meeshaa ka sii wadaan, iyagoo si kale u fakaraya, una ficiltamaya.

Talooyinka aan soo gudbiney oo ku aaddan istaraatiijiyadda waxaa laga heli karaa bloggeyga, iyagoo ay af-norwegian ku qoran- https://www.ubahaden.com/norsksomaliernes-innspill-til-den-nye-afrika-strategien-som-utenriksdepartementet-utarbeider/

Qodobka ugu muhiimsan talooyinkaa aan soo jeediney ayaa ahaa:-

(1)-In Soomaaliya loo taageero sidii waddan soo koraya (development aid), oo caawimaada ku saleysan gargaarka bini'aadanimo (humanitarian aid) laga daayo.

Laga soo bilaabo dagaaladii sokeeye ee sagaashameedyadii, Soomaaliya waxa ay ahayd dal ku tiirsan gargaarka bini’aadantinimo, taas oo ilaa hada khasaaradii mooyee, aan faa’iido laga heyn.

(2)- In la caawimo casriyeenta beeraha iyo maareynta biyaha. Soomaaliya waa dal uu dadkiisu inta badan noloshoodu ay ku tiirsan yahay beeraha iyo dhaqashada xoolaha. Waxaa loo baahan yahey aqoon iyo dhaqaale in la geliyo sidii loo taageeri beeraladeyda. Hadey noqoto nidaamka waraabinta, keyda biyaha iyo cuntada iyo wax soo saar qeyb weyn ka qaadan kara dhaqaalaha iyo horumarka dadka degaanka degan.

(3)- Horumarinta haqab-beelka cuntada: Nafaqo-xumada ma sababto oo keliya cunto-yarida, laakiin waxa sababa oo kale cuntada la soo saarayo waxa ay tahey iyo cuntada la cunayo. Badbaadinda cuntada/raashinka wanaagsan waxay muhiim u tahay sidii wax soo saar fiican ee cunto loo heli lahaa. 

(4)- U adkeysiga Cimilada: Soomaaliya waxay u nugushahay isbeddelka cimilada, oo ay ku jiraan abaaro, fatahaado iyo xaalufin. Norway waxey ka caawin kartaa Soomaaliya tallaabooyin lagu dhisayo adkeysi looga hortagayo isbeddellada cimilada, tusaale ahaan biyo-xireennada, maareynta kheyraadka biyaha iyo tamarta la cusboonaysiin karo. Tani waxay gacan ka geysan kartaa xoojinta hab-nololeedka dadka deegaamadaa degan.

Gabagabo

Hirgelinta talooyinkaa waxa ay ku xiran tahey in madaxda dalka, iyagana dhankooda ka qeyliyaan, oo iyaga iyo qurba-joogtooda ay isku cod ku wada qeyliyaan.

Iskaashigaa waxey sahleysaa in caawimaada la bixinayo, dib loo eego.  Warbixino dhowr ah oo mar hore soo baxey ayaa iftiiminaya in caawimaadka gargaarka bini’aadantinimo lagu bixiyo, aysan wax horumar ah ku yeelan dalalka la siiyo. Hadii markaa dadkii qaadanayay caawimaadaa iyagana ay hadlaan faa`iido xumidaa gargaarkaa, waxey sababeysaa in qeyladaa la dhageysto, oo wax laga badalo. Hadii hirgelinta qodobka koowaad lagu guuleysto, inta kalana waa fududuhey. 

Talo:- Soomaalida kale ee qurbaha joogta, u dhuurgala waxa ay dalalkiina ka wadaan arimahaa, oo saameyn ku yeesha. Hadii dowladda Soomaaliya ay u tirsan yihiin qurba-joogeeda, wada shaqeyna ay ka dhaxeyso qurba-jooga waxtarka leh, awood iyo dhaqaale xoog badan ayaa halkaa ka dhalan kara. Ee su`aasha is-weydiinta mudan ayaa ah, dowlad ama maamul garanayaa faa`iidadaa miyuu jiraa???

Ubah A. Aden
[email protected]


 





Click here