4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Shakhsiga sannadka 2022 ee Hiiraan Online: Mudane Cali Jeyte Cismaan

Isniin, January, 2, 2023 
Tafaftirayaasha Hiiraan Online, [email protected]



Tan iyo xilligii ay soo shaacbaxeen ee sanadkii  2007-dii, kooxda Al-Shabaab ayaa  cimri dhaaftay saddex dawladood oo Soomaaliya soo maray, waxa ayna  geysatay dhimasho wadareed iyo barakaca baahsan  oo kumanaan qof Soomaaliyeed ah. Kacdoonkaas mintidnimo ayaa ka sababay qalalaase gudaha Soomaaliya iyo dibaddaba, taas  oo keentay in ciidamada  Gobolka iyo kuwa caalami  ahba  ay qayb ka noqdaan hawlgalada la dagaalanka kooxdan mintidka ah ee loo aqoonsanyahay argagixiso caalami ah.

Kooxda ayaa u xuubsiibatay mid ka mid ah kooxaha ugu khatarta badan ururada argagixisada ee caalamka. Alshabaab  ayaa nooqtay khatarta kali ah ee halis ku ah jiritaanka Soomaaliya. Inkasta oo Midowga Afrika yagleelay howlgalka AMISOM oo hadda ATMIS loo bixiyay ay qeyb weyn ka qaateen istaariijiyadda xakamayenta  kooxdan, sida dib u qabashada deegaanno muhiim ah  oo ay ka mid yihiin Muqdisho iyo Kismaayo, haddana ciidanka gaaraya tiro ka badan 22,0000 oo askari way  awoodi waayeen inay gabi ahaanba Alshabaab ka adkaadaan.

Hayeeshee tan iyo bishii June ee sanadkii 2022, kooxda Al-Shabaab ayaa wajaheysa culeyso farabadan. Guluf ciidan oo lagu beegsanayo deegaanada ay gacanta ku hayaan kooxda mintidka ah ayaa keenay in si dhaqso kooxda gacanteeda ay uga baxaan deegaanno aad u badan si ka duwan sidii la filayay. Guusha ayaa inteeda badan waxaa loo aaneeyaa abaabul hoosaad deegaameysan oo qabiiladu  Al-Shabaab kula dagaalamayaan deegaanadooda. Guushooda fagaarayaasha dagaalka ayaa keenay in dawladda federaalka ay taageero la garab istaagto ciidan beeleedyada loo yaqaanno Macawisleey – astaan labis tilmaameysa hoosguntiyada  ay u xirtaan labis ahaan. Xoolo-dhaqatadaan iyo beeraleydaan dagaalyahanka isku baddalay ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay taageeridda duullaanka xagaaga ee dawladda federaalka ee Bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Hiiraan.

Sanado badan kooxda Al-Shabaab ayaa si xun uga faa’iideystay xiriirada qabiilada. Waxay qabiillo kala duwan askar uga qoran jirtay si xoog ah iyagoo si baad ah  aruurin jiray canshuur sharcidarro ah. Qabiilada diida xukunka Al-Shabaab ayaa la gumaadi jiray oo dhibaato xooggan loo geysan jiray. Guryahooda ayaa la gubi jiray, ceelashana waa ay ka sumeyn jireen kooxda Al-Shabaab. 



Intaas dhibaato noogu filan

Dabayaaqii bishii May dagaalka Alshabaab Soomaaliya looga saarayo ayaa dib u bilowday kaddib markii si  kibir iyo maag ah ay kooxdu oday nabadoon aan waxba galabsan ugu  dishay  magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan. Dilka nabadoonka  Xawaadle Cali  Mucalim ee  27 bishii May, 2022 ayaa keenay gadood  ay sameeyeen reerkiisa oo ku tilmamay in uu ahaa Muslim wanaagsan oo dhexdhexaad ahaa waligiisna aan  ku lug yeelan siyaasad iyo murrano kale.  Al-Shabaab oo ka jawaabay ayaa sheegay inay  dili karaan cidda ay rabaan iyaga oon wax qiil ah u heynin.

Si loogu ciqaabo guuxa beeshu sameysay Al-Shabaab ayaa 2-dii September 2022  waxay ku weerareen kolonyo gaadiid ah oo sidday gargaar bini’aadanimo inta u dhaxeeysa Baladweyne iyo Maxaas  iyaga oo dilay 21 qof, gubayna baabuurtii gargaarka sidday. Waxaa dib ka soo baxday in cunug yar laga helay dadka lagu gubay baabuurta dhexdooda. Beesha Xawaadle waxay u ahayd ama geeri ama nolol. Bishii Juun ee sanadkii la soo dhaafay waxay bilaabeen abaabulka ciidankooda si ay u qaadaan duullaano yaryar, laakiin si dhaqso ah ayay u kordhiyeen cududooda si ay u galaan duullaano waaweyn oo ka  dhan ah kooxda mintidka ah ee gacansaarka la leh Alqaacida. 

Wax ku bilowday kacdoon beeled ka dhan ah baadda lafajabiska ah ee kooxda Al-Shabaab xilli lagu jiro abaartii ugu darneyn muddo afartan sanno ah ayaa isku baddashay kacdoon ballaaran oo ku fiday degaanno farabadan.

 
 

Xilli ay dawladda Federaalka ku guda jirtay qiimeynta xaaladda , guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan oo ay wehliyaan odayaasha beelaha  waxay sii bilaabeen abaabulka ciidanka si ay dagaal waqti dheer ula galaan kooxda Alshabaab.

Waxa lagu mideeyay dalladda Macawisleey oo ah ciidan beeleed dagaal la galay kooxda Al-Shabaab 2018. Ciidan beeleedka ayaa weeraro kulul ku qaaday kooxda minitidka ah. Cali Jeyte sida ay dadku u yaqaanan ayaa si joogto ah waxa uu ugu sugnaa jiidaha dagaalka isaga oo  ciidanka dawladda Federaalka ku dhiirigalinayay inay dagaalka kusoo biiraan.

Cali Jeyte, rugcaddaagan ka tirsanaa ciidanka Qaranka Soomaaliya, khibrad dheerna u leh dhulka Hiiraan ayaa  isaga oo ku  labisan dharka tuutaha ee ciidanka  milatariga had iyo jeer goobaha dagaalka ka barbar muuqda Macawisleyda iyo ciidamada Qaranka. Waxa uu warbaahintya ula hadlaa si laabxaaran oon gambasho lahayn waxna la qarineyn, si ka duwan sida siyaasiyiinta kale in badan siyaasadda ku jiray ee afgobaadsiga ku caanka ah. Sida kooxda xagjirka ah ay u arkaan diidmadiisa bannaanka taalla  waxay ka dhigtay nin si weyn loo doonayo oo bartilmaameed ah. Iyada oo sidaas jirto isaga oo ka madax adeygaya khatar uga imaaneysa kooxda Al-Shabaab ayuu  ciyaaray kaalin muhiim u ah bixinta  aragti si weyn loogu baahanyahy ee gulufka ciidan iyo u ololeynta taageerada shacabka ee dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab.
 
 

Muddo shan bilood ah tan iyo intii uu bilowday ololaha ciidan iyo shacab, Macawisley waxay muujiyeen oo ay u  caddeeyeen  Soomaalida  in muwaadiniin hubeysan oo go`aan leh ay iska kici karaan, kana adkaan karaan Al-Shabaab.

GUDDIGA TIFAFTIRKA HOL

Iyada oo midan laga duulayo, guddiga tifaftirka  Hiiraan Online waxay si buuxda iskugu raaceen inay mudane Cali Jeyte Cusmaan u aqoonsadaan shakhsiga sannadka 2022 ee HOL. Goa`aankaan ayaa waxaa lagu saleeyay hab hoggaaminta aan wax loo dhigo aysan jirin ee mudane Cali jeyte ku sifoobay, gaar ahaan kacdoobka looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab,  iyo daacadnimada iyo waddaniyada uu dalkiisa u qabo. Geesinmadiisa iyo hal adeygiisa ka ciribtiradda Al-Shabaab ee Soomaaliya waa astaamo  naadir ku ah  Soomaaliya oo ay danaha gaarka si weyn ugu xoogganyihiin kuwa caamka ah, sidoo kale halista in Alshabaab ku beegsadaan ay tahay mid aad u badan.

Xilli aan sii galeyno sannadka 2023 fagaaraha siyaasadda Soomaaliya wax weyn ayaa iska baddalay. Maamulka cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra`iisulwasaare Xamza Cabdi Barre waxay ka dhigeen la dagaalanka argagixisada mudnaantooda koowaad.  Taas waxaa ka dhashay in dhammaan magaalooyinka ugu dadka badan ee degaanada Hirshabelle laga xoreeyay Al-Shabaab. Inta badan waddooyinka muhiimka ah ee maamul Goboleedka waxay ku jiraan gacanta dawladda. 

Dardartaan cusub darteed dawladda Soomaaliya waxay u diyaargaroobeysaa duullanka saldhigyada waaweyn ee kooxda mintidka ah ee maamulada  dowlad goboleedyadda Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Guddiga tifaftirka HOL waxay rumeysanyihiin in u aqoonsiga Cali Jeyte shakhsiga sanadka 2022 ee HOL in safarka qaran dhiska iyo xasilinta lagu gaari karo go`aan nafhurnimo  iyo ka go`aanshaha muwaadin kasta ee Soomaaliyeed. 

Ciidan beeleedka naftooda u huray ololahaan muhiimka ah, odoyaasha qabiilada oo aragtida, duco iyo xikmad  ku kaabay, iyo dumarka faraha badan oo  dhanka raashinka iyo kaalmada kaleba kaga qayb qaatay ololahaan waxay dhammaan astaan u yihiin tilmaamahaas geesinimada leh, iyaga oo sameeay naf hurnimo mida ugu sarreysa si uu dalkeenna uu sii jiro.
 








 





Click here