4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Kumuu ahaa Cali Cabdulle Guure —halgamaagii Muqdisho ku geeriyooday?!
By Bashiir Maxamuud
Jimco, February, 17, 2023

 

Sannadkii 1945tii ayuu Cali Cabdulle Guure ku dhashay Degmada Buulaburde ee Gobolka Hiiraan. 9 sano kaddib dhalashadiisa ayuu Cali Indhaha beelay. isagoo indho la’ ayuu Muqdisho soo galay. Hibo faneed ayaa Cali ku jirtay wuxuuna jeclaa inuu ka heeso goobaha lagu caweeyo.  Sannadkii 1963dii ayuu si rasmi ah uga mid noqday dhallinyaro Radio Muqdisho laga shaqaaleysiiyey. Ragga iyo gabdhaha ay isku xilliga ahaayeen waxaa ka mid ah Axmed naaji Sacad, Farxiya Cali Faarax, Duniya, Cabdulle Raage iyo Careys Ciise. 1973 Cali wuxuu ka mid noqday kooxdii Qaranka ee Waaberi.

Cali muddo 11 sano ah oo uu fannaan ahaa wuxuu ka mid noqday fannaaniinta ugu codka macaan looguna jecel yahay. Cali ma ahayn oo keli ah heesaa ee wuxuu sidoo kale caan ku ahaa tumista qalabka miyuusigga. Wuxuu ka mid ahaa raggii miyuusigga u garaacay ruwaayadda Hablayahow ee uu leeyahay Maxamuud Tukaale.

Bishii January 26keedii Sannadkii 1975tii ayuu Cali go’aan ku gaaray inuu fanka joojiyo laakiin waxay riyadaas dhabowday Septemper 1976dii oo uu gebi ahaanba ka dhexbaxay masraxiyadda iyo suugaanta. Si uu nolol kale u abuurto wuxuu Cali Muqdisho ka hirgeliyey Warshadda Qalinka ee DIRIR. Waa warshad soosaarta qalimada, shanlooyinka iyo agab kale. Muddo yar kaddib Cali wuxuu noqday GANACSADE u kala goosha dunida.

Markii dagaalku ka qarxay Muqdisho sannadkii 1991dii Cali wuxuu ganacsi u joogay dalka Talyaaniga, taasina waxay sababtay inuu dib u soo laaban waayo. 1992dii ayuu dib ugu soo laabtay Muqdisho si uu ganacsigiisa u sii wato laakiin dagaalladii Cali iyo Caydiid ayaa fursaddaas u diiday. Tan iyo burburkii Cali wuxuu u dhaxeeyey Muqdisho, Italiya iyo UK.

2011 oo dalkeennu isu diyaarinayey doorashadii 2012 Cali wuxuu isu taagay xilka madaxweynenimo. Dalal badan oo Yurub ah ayuu maray si uu taageero uga helo. Inkastoo uusan Cali tartankaas guul ka gaarin haddana waxay u ahayd mid ka mid ah iskudayadiisii taariikhda u galay. Cali cashirka laga baran karo wuxuu yahay; inuu yahay fannaan iyo ganacsade guuleystay isagoo baahi gaar ah qaba. Hadda waa xaaji dhowr jeer xajka tagay. Wuxuu ku nool yahay UK inkastoo uu Xamarna u badan yahay.

Cali 5 maalmood ka hor ayaan taleefan kula sheekeystay. Maanta ayuu Muqdisho ku geeriyooday. Allaha u naxariisto.


 





Click here