11/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Sanadguurada 63aad Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS)

 Dirir Cabdi Ibrahim (Goodax)
Wednesday April 12, 2023

QEEXID

Ciidan waa: “Awood wadareed ka kooban Dad, Hub, Qalab iyo Xeer, si habeysan oo tab iyo aqoon leh loogu diyaariyay fulinta waajibka ugu culus,

kaasoo ah in nafta loo huro difaaca Qaranka loo dhartay”.

DULUCDA QORMADA

Aan tusaale u soo qaatee, waa arrin iska cad, la wada fahmayo, in si beer loo tacbo ay lama huraan tahay haysashada Abuur (seeds) fayoow, cusub, tayo leh.  Waxaa taas la mid ah, Askari (wiil ama gabadh) waa abuurka Ciidanka, lagu xusho tayo iyo tilmaamo gaar ah, ayagoo go’aansaday,  isku xilsaaray inay naftooda u huraan difaaca sharafta iyo karaamada dadkooda iyo dalkooda,  kadib markii ay ku qaateen tababar adag iyo aqoon u sahasha gudashada waajibkaas.

Qaadashada magaca Askari waxa ka horreya marxaladda layliska ama dhibowga:

1) Ku bilaabata xulasho leh shuruud adag la raaco, gaar ahaan, Xagga: da’da, caafimaadka, dhismaha jirka iyo balwad la’aanta.

2) Tababar jir-dhis iyo u adkaysi duruufaha adag la soo gudboonaan  kara.

3) Barasho isticmaalka hubka fudud.

4) Barasho xeerka hab-dhaqanka Ciidamada “Dhishibiliin” qoran oo  qodobeysan, si uu u fahmo:

     b) waajibaadkiisa askarinimo

     t) kala saraynta xagga darajada iyo xilka  (Military hierarchy subordination)

     j) wadada uu u marayo helitaanka xuquuqdiisa.

5) Wacyigalin xagga anshaxa, duqaadka iyo dad la dhaqan suuban.

6) In lagu beero dareen diidaya ama ka fogeynaya inuu si khaldan u adeegsado hubka gacantiisa galidoona tababarka kadib.

7) In la siiyo duruus dhalanrog fikir iyo maskaxeed ku salaysan:

     b) in dareenkiisa laga dhaqo caadifadda iyo aaminaadda qabiilka.

     t) in taas loogu bedelo jacaylka iyo aaminaadda jiritaan Qaran, Calan, Dal iyo Dawlad.

     j) inuu diyaar u noqdo naftiisana u huro difaaca dalkiisa iyo calankiisa.

Tababarka dhibownimo kadib, wuxuu qaataa magaca “Askari”  darajadiisu tahay “Dable”, si buuxda ugu biiray bahweynta Ciidamada “Xoogga Dalka Soomaaliyeed”.  Taasoo caddeeyn u ah in hub lagu aamini karo, isla markaana astaanta calanka qaranka qoorta shaarkiisa loogu dhajiyaa.

Waa astaan labiskiisa ka mid ah, si joogta ah u xasuusinaysa qiimaha dawladnimo iyo doorka uu ku leeyahay.

Marxadda dhibownimo iyo qodobadeeda aan kor ku xusay waxay leeyihiin  muhimad gaar ah. Haddii la fududeysto waxaa laga dhaxlayaa: “Qabyonimo khatarteeda leh”. Bal akhristow isweydii, muddooyinkaa dambe intee jeer ayaad maqashay? Askari ayaa xabbad u adeegasady dilka: (1) Askari kale, 

(2) wiil bajaajle ah, (3) wiil wadada ku iibinaya nacnac iyo buskud (4) Hooyo dariiqa mareysa, (4) Dadweyne goob ku shaahaya iyo wax la mid ah.

Haddii aan si kale arrinta u cabbiro:

“Daljir magaci waxa dilay

duulkaan saqraankaa

balwadu ay dilootoo

midka ay difaaciyo

duruufaha wadaagaan

dumarkiyo carruurtiyo

inuu dilo dadweynaha

dooqiisu uu tusay,

dib intaad u raacdaan

horta yaa u dooroo?

Ciidankaba kusoo daray?

dambigiisa loo tirin?

Guud ahaan, Ciidamadu waxay aasaas iyo udub-dhaxaad u yihiin jiritaan:

1) Dawlad awood leh.

2) Sharci laga baqo loona hoggaansamo.

3) Ka difaacidda dalka iyo dadka, cadawga dibadda iyo gudaha.

4) Daryeelka, taakuleynta iyo gurmadka bulshada marka ay jirto:

     - Masiibo Rabbaani ah, sida: Abaaraha, Fatahaadda, Duufaanada...

     - Mid dadku sababay sida: Colaad beleedka ku saleysan aano

       qabiil, daaq iyo degaan.

Waxaa waayaha iyo sooyaalka taariikhda dalkeena ku xusan:

1) In Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ay soo martay marxalad taariikheed dadweynuhu ku ildoogsan jiray muuqaalka askariga, ayagoo u hayay qadarin iyo karaameeyn midda ugu sareeysa.

Sidaana, marka dadweynuhu arko ciidan saf, sinaan iyo saanqaad wada socda ku maraya waddada uu ku maqsuudi jiray, sacab iyo mashxarad ku salaami jiray.

2) In ay jirtay xilli Dhaqdhaqaaqyada Gobanimadoonka Africa ay talo iyo tababar u soo doonan jireen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

3) Saddex dagaal dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu aqoonsaday, adduunkuna ku baraarugay kartida dagalyahannimo askariga Soomaaliyeed.  

Kii 1-aad: Gumaysigii Talyaaniga ayaa dagaal socday 3-dii Oktoobar 1935  ilaa 5-tii Maajo 1936 ku guulaystay inuu qabsado dalka Itoobiya, asagoo adeegsaday Ciidamo Soomaaliyeed oo kartida dagalyahannimo u dhalasho ka sokoow aan, markaas, lahayn tababar fiican, saanad ciidan tayo leh iyo labis ku habboon xaaladda hawada Itoobiya.

Waxaa intaa u sii dheeraa taakulaynta oo liidatay iyo dagaalkoo culayskiisa lahaa, marka la tixgaliyo xilli roobaadka iyo dabeecada degaanka.

Kii 2-aad: Dawladda Soomaaliya ayadoo jirtay 3 sano iyo 7 bilood kaliya, ayaa Boqortooyada guumurtay Itoobiya dagaal ku soo qaaday dalkeena Fabaraayo

1964-kii. Marka laga reebo tirada ciidanka ku hawlanaa adeega Taakulaynta dagaalka iyo kuwa loo reebay ilaalinta xeryaha, ciidan aan ka badnayn 2,500 qoriga uu sitaana yahay “Xakiim” Masar laga keenay oo culays iyo dherer isku darsaday, ayaa xuduuda dheer, shan aag Dagaal difaac ka galay.

Sida la sheegoo, dagaalka xoggiisu  wuxuu ka dhacay saddexda aag waqooyiga: Togwajaale, Dabagoryaale iyo Inaguuxa.

Kartida xagga dagaalka iyo mitidnimada ciidankaas tirada yar, ayaa Itoobiya u diiday in taako dhulkeena ka mid ah soo gasho.

Kii 3-aad: Waa dagaal in badan, wali nooli ay si fiican u xasuustaan.

Wuxuu socday, qiyaastii, 9 billood (Luuliyo 1977 ilaa Maarso 1978).

War la qabaa xiiso ma leh, sidii ay wax u dhaceen iyo wacdarihii ay dhigeen Ciidamada Soomaaliyeed waa mid gashay kaydka taariikhda adduunka.

Hase yeeshee, dad badan ayaa dagaalkaas iyo go’aano siyaasadeed ka dambeeyay u sababeeya burburkii Dawladdii Soomaaliya.

Halka qaar kale ay sababta burburka, si kale u dhigaan, sida:
 1) Xukunkoo muddo dheer jiray iyo cabasho baahday.

2) IMF iyo qorshaheedi dib u habeeynta dhaqaalaha oo maamulkii daalanaa uga sii daray.

3) Dhismaha XHKS, soo siyaadiyay culays iyo jaahwareer labo maamul is dulsaran, baaris iyo cabsi-galin aan xeer iyo xuduud lahayn.

4) Jabhado beeleeysan aan lahayn barnaamij iyo qorshe cad la mahadiyo, ayaa qaatay doorkii dhameystirka (soo afjaridda) maamulkii jiray.     

Balse, si akhristoow, aad u fahamto saamaynta uu dagaalkii 77 ku yeeshay taariikhda Itoobiya iyo dareenka qof kasta Itoobiyaan ah, waxaan kula wadaagayaa arrin aan Addis Ababa ku arkay, muddo aan qaxooti ahaan ugu noolaa magaladaas.

Xaafadda aan deganaa ayaan ku arkay dhowr gabdhood isku da’ ah, kuwaasoo dhammaantood wadaaga hal magac “Hageri”, waxaan rajeynayaa in qaab-qoraalka magacu sidaan ahaa ama u dhawaa.

Nin Itoobiyaana aan sheeko wadaag ahayn ayaan weydiiyay micnaha magaca. Wuxuu ii sheegay in “Hageri” micnaheedu yahay “Wadan”.  

Waxaan xaafadda ka raadiyay dumar xagga da’da ka weyn gabdhahaas, leh magacaas.  Kuma arag!!!!!!  Su’al labaad ayaan, maalin kale, weydiiyay ninkii itoobiyaanka ahaa. Wuxuu i siiyay jawaab kadis igu noqotay, asagoo ii shegay in gabdhaha magacaas loo siiyay, sababo la xiriira dagaalkii 77:

1) aabaheed ayaa ku dhintay ama ku dhaawacmay.

2) waxay gabadhu dhalatay aabaheed oo ku maqan dagaalka.

3) Hooyadu waxay uurka ogaatay, saygeeda oo dagaalka jira iyo sababo kale, dhammaantood, la xiriira dagaalkii 77.

Waxaa ii caddaatay in gabdhahaasi la mid yihiin “Taallo” loo dhisay xasuusta dagaalkii 77.  Isla markaa Itoobiya aanay sahal ku iloobayn dagaalkaas iyo wixii loo gaystay: Dhimasho, dhaawac, bahdil iyo burbur hanti.

Bal, akhristoow, isweydii: “Haddii, hal xaafad kooban ay ku nolaayeen dhawr gabdhood wata magacaas, guud ahaan, dalka Itoobiya immisa ku nool?  

Saddexda dagaal iyo, guud ahaan, taariikhda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed aan, si dulmar ah, uga hadlay, waa xaqiiqa jirta iyo wax lagu faano, qalbiga wadaniga karaamo iyo kalsooni ku beeraya. 

Hase yeeshee, haddii, xilliyadaan dambe, wax iska badaleen aragtida dadweynaha ku aadan Ciidamada, ama la dareemay hoos u dhac ku yimid haybaddii, anshaxii iyo sumcaddii Askariga, eedda waxaa iska leh:

1) Burburka dagaalka sokeeye iyo saamayntiisa, sababay in askarigu waayo taakulayntii iyo haqabtirkii baahidiisa qofeed ama qooys. Kadibna hay’badiisi qofeed ama Ciidan iyo hab-dhaqankiisi si weyn hoos ugu dhacay.

2) Habraacii xulashada qofka noqonaya askari oo la baalmaray,  gaar ahaan, xilligii dawladihii ku-meel-gaarka ahaa.

3) Faragalinta siyaasigga xambaarsan aragtida gaaban ee beesha.

4) Nabadoonka ka talaabay xuduuddii waajibaadkiisa dhaqan, door weyna ku yeeshay Maamulka iyo Siyaasadda Dalka.

5) Dawlad Goboleedyada oo xasaasiyad ka qaba dhismo Ciidan Qaran, kana  doorbidaya Ciidan degaan ama beeleed.

6) Faragalin dibadeed baahsan, aan ku kobnayn Ciidamada oo kaliya.   

Dhamman arrimaha ku xusan 6da qodob sare iyo kuwo kale, waa dhibaatooyin la xallin karo, qaarna la xalliyay kadib markii saaxiibada Soomaaliya ay gacan ka gaysteen dib u dhiska Ciidan tayaleh, sida: Turkiga iyo Maraykanka.

Inta hartayna waa hawl annaga noo taal, waa haddii la helo:

(1) Dawlad awood leh, (2) Xil qabasho ku salaysan tayo iyo aqoon, (3) Dad is raba leh dan mideeysan, (4) Dastuur iyo shuruuc dhaqangal ah, (5) Danta guud laga hormariyo danaysiga.

Qormadu waxay soo gaartay xilli ku habboon in aan gudbiyo erayo baaq iyo baraarujin ah, anigoo jecel inaan soo kobo, nururkana toos u abaaro:

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) xaalad kasta ay ku sugan yihiin iyo duruuf kastoo jirta, waxay marwalba, bulshada Soomaaliyeed,

si guud, uga mudan yihiin in loo muujiyo xushmad iyo karaamo midda ugu sareeysa. Si gaar ah, waxaa Ciidamada u deymaysan, qaan iyo abaal gaara ku leeyihiin:

1) Ganacsatada ku bulaalay xilliga colaadda (War profiteering) ee nolosha qaboow iyo hodanimada (barwaaqada) ku nalooda.

2) Siyaasiga kursiga wareega ku fadhiya, xafiiskiisa qaboojiyuhu ka shidan yahay ee fursad u helay nolol qaboow iyo nabad.

3) Bulshada rayadkaa ee xilalka sare ka haya Maamulka Dawladda, kuwaasoo nabad iyo nolol fiican haysta.

Waxay dhammaantood iloowsan yihiin ama ismogeysiinayaan in xaaladda ay ku sugan yihiin iyo nolosha ay ku raaxaysanayaan uu sababteeda leeyahay wiilka dhallinyarada ah (askariga) tuutaha iyo asagu isku raageen, duurka iyo daleesha aan gogol iyo gabaad lahayn habeen iyo maalin heeganka ugu jira, inuu difaaco naftooda, qooyskooda iyo hantidooda.

Winston Churchill (Raiisul Wasaarihii Ingiriiska) wuxuu yiri:

“Xilliga nabadda dadku Alle waa iloobaan, askartana wa xaqiraan.

Xilliga dagaalka Alle waa baryaan, askartana waa jeclaadaan”.

Balse, aniga iima muuqato in qaybo badan ka mid ah bulshada Soomaliyeed, gaar ahaan, kuwa sadarada sare ku xusan ay nabad iyo colaad midna xasuusanaayan xaaladda iyo duruufaha nololeed ee wiilka askarigaa, busta iyo boorku ku dhagay jirkiisa, dharkiisa iyo qoriga uu u sito si uu ayaga ku difaaco.

GUNAANAD

Haddii waajibka askarigu dhahayo:

“Nin lagu seexdoow ha seexan, xilbaa sidaa ha seexan”.

Xuquuqdiisu waxay leedahay:

“Abaal ninkii galaaba, in loo gudaa garweeye”.

Askariga, maanta jira, wuxuu tabaya xuquuq ka maqan oo maqal mooyee, laga yaabo inuusan abid arag, taasoo u sahli lahayd inuu:

1) Iska dhigo tuutaha oo ah labis dagaal iyo xaalad heegan.

2) Helo nabad iyo nolol caadi ah.

3) Xero ciidan uu ku nagaado, leh adeega naftiisu u baahan tahay, sida:

nal, biyo, goob qubays, sariir, jiko, bakhaar qoriga uu dhigto iwm.

4) Daryeel caafimaad tayo leh ka hawlgala goobta (xerada) uu degan yahay.

5) Xuquuq lacageed (Mushahar) ku salaysan darajo, xil, xirfad aqooneed, taasoo u dhiganta heer-nololeedka (maciishadda) dalka.

6) Nolol qooys iyo waxbarasho uu mustaqbalkiisa iyo midk ubadkiisa ku dhiso. Intaan iyo in kale oo badan waa xuquuq ka maqan askariga maanta.

Xasuusin:

1) Magaca “Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS)” waxaa ku mideysan saddexda Ciidan: Dhulka, Cirka iyo Badda.

2) 12/04/1960 waa aasaaska CXDS, hase yeeshe labada Ciidan dambe waxaa mid walba u gaar ah maalin taariikhdooda saamayn ku yeelatay ay xusaan  sanad kasta, sida: Ciidanka Cirka 15/02/1960, Ciidanka Badda 10/02/1965.


Dirir Cabdi Ibrahim (Goodax)
E-mail: [email protected]
London, UK


 





Click here