MW Xasan Sheekh Maxamuud
Sunday October 16, 2022
Soomaaliya
waxay dagaal kula jirtaa koox argagixiso caalami ah oo arxan daran, akhlaaq
daran oo aan la aqbali karin inay dalkeena iyo dadkeena ku dhex noolaadaan kagana
dhex shaqeeyaan afkaarahooda guracan. Hadii aynaan ka suulinin kooxdan dibin-
daabyeynta iyo dhibaateynta ku haysa bulshadeena, waxa ka go’an inay baabi’iyaan
jiilasha danbe. In dhibaato ku filan wey gaarsiiyeen shacabkeena, waxaan
leenahay, hadda waxaa la joogaa xilligii uu gabalkiina dhici lahaa, ugu
dambeyntiina aan soo afjari lahayn arxan-daridiina.
Al-Shabaab
waxay u bareereen dilka, naafaynta, baadda iyo dhaca shacabka Soomaaliyeed oo
ay caadeysteen inay xoog uga qaataan hantidooda. Waa cadawga iyo halista ugu
weyn ee maanta ay ummaddeena iyo qaranimadeenu wajaheyso, ayna tahay inaan
cududeena iskugu geyno.
Xilligan adag oo dhibaatooyin bini'aadannimo iyo kuwa dhaqaale ka jiraan dalkeena, kooxdan qowleysatada ahi waxay qarxiyeen ceelal biyoodyo dadka Soomaaliyeed iyo xooluhuba ka cabayeen, waxay gubeen degaanno shacab Soomaaliyeed ku
noolayeen. Waxay si xoog ah ay uga qaataan
xoolaha nool ee shacabku dhaqdaan, waxayna lacago
baad ah ka sameeyaan ganacsiyada iyo shaqsiyaadka kale ee la daaladhacaya
sidii ay u soo saaran
lahayeen nolol maalmeedkooda. Kooxdani waa Kansar inagu dhexjira, waana inaan iskugu geynaa awooddeena si wadajir ah inaan diinteena, dadkeena iyo dalkeena
uga badbaadino. Haddii sidaas eynaan yeelin, mustaqbalka dalkeena iyo jiilasha soo socdaba mugdi ayay geli doonaan.
Waxaan bogaadinayaa geesinimada ay muujiyeen shacabkeena Soomaaliyeed
ee adkaysiga badan ee ku bahoobay tageerida ciidamadooda amniga si ay uga
dhiidhiyaan tacadiyada iyo gumaadka kooxda Al-Shabaab ay ku hayaan dadkeena iyo
qarankeena. Fariinteena mideysani waa ay caddahay: mar dambe nooma cagajugleyn
doonaan, nama qabjabin doonaan, nama sii dili doonaan, mana sii socon doonto
baadda xoog-sheegadka ah ee ay shacabka ka qaadaan. Waxa aan nafteena,
shacabkeena iyo dalkeena ka difaaci doonaa argagixisada caalamiga ah. Argigixisadu saaxiib iyo guri kuma sii yeelan doonto Soomaaliya.
Tan iyo
markii uu Soomaaliya ka billowday dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga
ah sanadkii 2007, ma jirin waqti ka wanaagsan xilligan oo aan dareemay rajada
aan ka qabo jabinta Al-Shabaab. Taas waxaa sabab u ah, maanta, annaga oo ka
midaysan caqabad ahaanshaha kooxdan, isla markaasna go’aansanay in aynu
badbaadsano mustaqbalka ummaddeenna. Iftiinka ifaya ee rajada ummadda Soomaaliyeed
marnaba mugdi ma galin kari doonaan argagixisadu. Waxaynu horumar iyo barwaaqo
wada gaari doonnaa marka aynu ka adkaano argagixisada oo aynu baal mugdi ah ka
galino taariikhda qormeysa.
Si aynu u
dhinno awoodooda, ugana adkaano kooxdan, waxaan qaadnay nidaam dhamaanteen
kaalin uga banaantahay oo heysta taageerada shacabkeena si aynu u gacan bir ah
ugu qabano cid walba oo garab ku siisa Al-Shabaab sii wadida dhibaateynta
shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan
rumeysannahay in wadashaqeynteena ay muhiim u tahay in laga adkaado Al-Shabaab,
waana sababta aan u sameynay istaraatiijiyad dhameystiran oo aan ku wajaheyno
yareynta khatarta Al-Shabaab si aan ugu dambeyntii u ciribtirno. Toddobaadyada
iyo billaha soo socda, waxaan idiin xaqiijinayaa, muwaadiniinteenna aan
jecelnahay, in aan sii wadi doono baacsiga cadawga oo aan ka xoreyn doono
degaanno badan oo muhiim ah, kadibna aan gaarsiin doono gargaarka
bini'aadantinimo iyo horumarinta ay aadka ugu baahanyihiin deeganadaas iyo
dadka ku nool.
Inkastoo
aan dowlad ahaan iyo saaxiibadeenna caalamiga ah, in muddo ahba ku howlaneyn la
dagaalanka Al-Shabaab, haddana falcelinta iyo dhiranaanta ay maanta muujiyeen
dadkeenna ayaa dib u soo nooleeyay inaan aamino si wadajir ah inaan uga adkaan
karno kooxdan sharwadayaasha ah.
Waa sax in
aan awood ciidan adeegsano, balse Al-Shabaab qoriga oo kaliya laguma jabin
doono. Sidoo kale waa in aan saxnaa fikirka tacliinteena, oo aan xirno
maalgelinta xaaraanta ah iyo illaha uu dhaqaaluhu ka soo galo argagixisada.
Waxaan mar kale ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed inay ku kalsoonaadaan
dadaalkeenna wadajirka ah oo ay si geesinimo leh uga hortagaan cid walba oo la
shaqeysa argagixisada.
Waa in aan
ka hortagnaa khayaanada ay Al-Shabaab ku hayaan diinteena Islaamka ee quruxda
badan, ee ku saleysan nabadda. Anaga oo nabadda jecel waxaan nahay muslimiin
dhab ah. Argagaxisada dilaaga ah ee dhiigga u ooman xitaa faham kama heystaan
macnaha dhabta ah ee fariinta Islaamka ee ku saleysan rajada, nabadda, iyo
horumarka aadanaha oo dhan. Runtii Alle SWT waa naxariis badane, wuxuuna ina
faray inaan isku naxariisano mar walba.
Sanadihii
lasoo dhaafay, waxaan ku waynay si murugo badan leh dagaalka lagula jiro
Al-Shabab muwaadiniin badan oo geesiyaal ah iyo ciidamada dalalka aan saxiibada
nahay ee naftooda inoo huray si ay bulshadeenna uga ilaaliyaan halista kooxdan.
Maanta oo aan dagaalka u soo wadajeesanay waxa ay isku dayeyaan inooga
yoolkeena inooga leexiyaan falalkii fulaynimada iyo caga-juglaynta lahaa ee ay
ku hayeen shacabkeena aan waxba galabsan, ayna ku boobi jireen hantidooda iyo
xoolahooda. Waxba nagama leexin karaan, laakiin waan sii laba-laabaynaa
dedaalkeena, ilaa aynu ka soo afjarno bahalnimada kooxdan.
Xaqiiqdu
waxay tahay in eynaan gaari karin horumar waara, mid dhaqan-dhaqaale, bulsho
iyo siyaasadeed hadii aynaan iska dulqaadin Al-Shabab. Kooxdan argagixisada ah
ee Al-Shabab dan kama lahan ka run-sheegida diinteena Islaamka, kama shaqeyaan horumarka
dalkeena. Waxay rabaan inay mustaqbalkeena iyo kuwa jiilalka soo socda u
baabi'iyaan danahooda guracan. Marna uma oggolaan karno inay guulaystaan.
Haddaba, waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed inuu
sii wado dadaallada aan kaga hortageyno kooxdan maafiyada ah ee Al-Shabaab iyo
falalka foosha xun ee ay ula bareereen shacabkeena. Waxaan ku kalsoonahay,
haddii aan si hufan oo wadajir ah u sii wadno baraaruga iyo dadaaladeena shacab
iyo dowladba in aan guulaysan doono Insha Allah.
Mudane Xasan Sheikh Maxamuud - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Twitter: @HassanSMohamud, Facebook: www.facebook.com/HassanSheikhMahmud