4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Shekadii Xamar Xalwaan, iyo Maxaa laga Baran karaa

Qore: Amina Sharif Xasan
Khamiis, May 19, 2022

Magaalo madaxda Soomaalida, waxay leedahay magacyo badan oo loogu waco, ama loogu wici jiray, sida Xamar, Xamar Cadde, (dheemanka Cad), magaca Muqdisho oo ah Carabi, (Maqcadu Shah), oo la micno ah kursiga Shaha ama Wambbarta boqork Iraan (Shaha). Muqdisho waxay leedahay taariikh dheer iyo sheekooyin oo dadka intiisa badan aney u warhaynin, waxaana ka mid ah sheekadii “Xamar Xalwaan”.

Magaalada Muqdisho waxay ku taalaa geeska Afrika, waxayna dhinaca ku haysaa Badweynta Hindiya oo ka xigta dhanka bari. Wa magaalo qadiim ah, waxaana ku noola dayoow kala duwan oo asalkooda ka soo jeedo, Somaali, Carab, Iraani  iyo qowmiyado kala duwan, kuwaasoo la baxay Reer Xamar .  Sidoo kale deegaanada ku yiilay agaagaarka Xamar sida la ogyahay waa dhaqan Somaali ah in dadka  magaalo, ama xaafad wada deggan lagu magacaabo magaalada ama xaafadda ay ku noolyihiin sida reer Marka, reer Kismaayo , ama xaafad ahaan reer Boondheere, reer Bilaajo, reer Xamar Weyne, reer Shanggaani iwm.

Haddaba, waayadii hore waxaa magaalada Xamar ku noolaanjiray dad la dhihi jiray  “Xamar Xalwaan”, oo aad maalqabeen u ahaa, maalkooduna wuxuu ka koobnaa daaro, macdanta sida qalinka iyo Dahab ka, maacdantaasi oo ay u istimaali jireen in ay ku iibsadaan badeecooyinka badda uga soo degi jiray oo u badnaa raashin iyo dhar.  Xamar Xalwaanku waxaa la sheegay in ay ahaayeen dad qab weyn lahaa oo iskala weynaa iyaga dhexdooda in ay wax is weeyddiistaan.

Daka Xamar Xalwaan, ma ahayn dad dhulka wax ku beerta, ama xoolaha dhaqda, xiriina lama aysan laheeyn dadka deggan gudaha dalka, sida beeraleeyda iyo xoolaaleyda ba. Waxaa raashinka iyo waxyaabaha muhiimka u ahaa noloshooda u keeni jiray dooman ka yimida carriyo fog -fog.  Waxayna badeecooyinka ku iibsan jireen Dahab ama Qalin, hadba wixii badecada qiimaheeda yahay, lacagna ma jirin. 

Waxay sidaasi ahaata ba, waxaa dhacay bad xiran, oo uu waqtiigii dheeraaday, muddaasina wax dooman ah ma imaanin.  Dadka Xamar Xalwaanka ahi, waxay maalia kasta dhowraan badda haddii doon uun badeeco sidda ay soo muqaneyso ama ay uga jeedi karaan meel fog oo ishu qaban karto….. si ay u arkaan bal haddi ay badeeco loo sido u soo dhowdahay….  Muddo ka dib, waaxaa ku dhashay walaac, walwal iyo rajo beel oo ayan weligood arkin, ama ayaan maleeysanin…….Waxaa dhacday in laga quustay imaatinka doomanka, ka dibna qoys walba bilaabay in uu isticmaalo raashinkii kaydka u ahaa…….kaasoo maalinba maalinta ka dambbeeysa gabaabsi noqonaayaay, rajadii  raashin cusub oo yimaadana aad u  yaraatay…..dadkii Xamar Xalwaan waxay bilaabeen in qoyskii kaydkiisa raashinka dhamaado uu irridda isku soo xiro, halkaasna ay si tartiib -tartiib ah ay gaajo u dhintaan, iyaga iyo caruurtoodaba.  Dadkaani waxaa caado u ahayd inta ay dad wax weeyddiisan lahaayeen in ay ka door bidaan in ay iska dhintaan, iyagoo markaasina haysta Dahab iyo Qalin farabdan, kaas oo  ugu kedsanaa dheryo ama jalxado aad u adag oo quruxbadan, oo loo yaqiinay “Mardhabaan.”. Mardhabaanadu waxaa lagu duugi jiray dhuka, wuxuuna ka sameeysnaa “Ceramic”, kaas oo aan ciiddu cuni jirin ama dhulka hoostiisa ku bololi jirin.  

Qosaskii soo xirata waxay ku qur go’een guryahoodi dhexdiisa madaama ay ceeb lahayd in wax la siiyo.   Qoysaskii kalena ee raashinka haystay kuma dhacaan in ay raashikooda la qeybsadaan dadka raba in ay soo xirtaan ama u deymiyaan, maxaa yeelay siintu ama deymintu ma aheeyn dhaqankooda.  Si Raashin loo helo, maalinkasta dadkii Xamar Xalwaan waxay tagi jireen xeebta ayagoo rajeynaayo in ay doon u timmaaddo.  Doomankii waa imaan waayeen, qoosaskiina maalinkasta tobonaan baa soo xiran jiray irridaha, kuwii kalena argagax weyn baa ku soo batay, waxyna garan waayeen ama ku adkaatay sidii ay wax uga beddeli lahaayeen arrintaasi.  Marka uu qoys soo xiranaayo waxaaa laga ogaan jiray caruurta oo isu sheegi jiray marka ay ciyaaraayaan  (anaga beri waan xiraneeynaa irriddeena). Siddi ay maaliba maalinta ka dambbeysa ay qooysas cusub u soo xiraneeyn, waxaa isku soo haray labadii qoys ee ugu dambbeeyaya………...ugu dambbeyn, waxa sidii caadiga ahayd isku yimid si ay u ciyaaraa labadii qoys caruurtooda, markaas kuwii keydka cuntada ka dhamaaday caruurtoodada kuwi kale u sheegeen in ay manta ugu dambbeyso in ay ciyaaraan, maxaa yeelay berri ayeey sheegeen in ay ayaguna soo xiran doonaan irridooda, waxayna sheegeen in y aabbe iyo hooyo  sidaas sheegay.  Waa sidaa ay ku socotay xaaladda Xamar Xalwaan, welina an la arkin doon raashin keentay lamana hayo.  Markii ay qooskii kale uu ogaaday in ay reerkan berri aysan soo bixi doonni, waxay wal-wal weyn ku abuurtay caruurtii oo ka xumaaday in ay berri keligood ciyaarayaan, oo aneey jiri dooni kuwi kale ay la ciyaari jireen…… Caruurtii baa waalidkood ku yiri, anagu beri saaxiibadeen ma soo baxidoonaan, maxaa yeelay waa xiranayaan.  Anaguna cid aan la ciyaarno ma jireeyso, waxaay ahayen kuwii saxiibadeen ugu dambbeeyay.    Caruurtii baa ooyday, muujiyayana qalbi xumo iyo yadiilo xumo.  Abbihii iyo hooyadii caruurta ayaa fakaray, waxayna go’aansadeen in ay wixii raashi ah ee u yaalay ay xeebta dhigaan si ay u badbaadiyaan reerka berri xeranaayo.  Sidii beey sameeyeen, rashiinkii keedkooda ku jiray ayeey xeebta geeyeen,waxayna u kala dhigeen laba qeybood oo isla ega, ka dibna, waxay irridda u garaaceen reerkii beri xiran lahaa.  Waxayna ku dhaheen:  waxaan idiin gaadnay raashin, oo doon baa caawa timid, waana degdegeysay, raashinkii baan idiin gadnay ee kaalaya oo soo qaata qarashakan iska bixiya” , reerkii baa ogolaaday, waxayna wada aadeen xeebta si ay u soo kala qaataan cidkasta intii u tiilay, waxay iska bixiyeen qarashkii loo sheegay oo markaasi ahaa dahab, iyagana waxay qaateen raashinkii sidaas ayuu reekii ku badbaaday, kii kalena aan wehel la’aan noqonin. Muddo yar ka dib waxaa yimid dooman farabadan si raashin looga iibsado, balse waxaa soo haray labo qoys oo kaliya, waxayna iibsadeen wixii ay u baahnaayeen. Doomankiina meelo kale ayeey u shiraacdeen si badeecadooda ay u suuq geeyaan, waxyna go’aansadeen in ay laba qoys oo kaliya ay u soo rari doonin badeeco, madaama ay ku khasaareen rarkoodaan.

Markii ay sidaas dhacday, waxaa wada arrinsaday labadii qoys waxayna qoskii kale u sheegeen runta sidii ay ahayd.  Waxayna wada go’aansadeen hadda ka dib in aysan sugin raashi badda ka yimda oo ay iyagu soo saartaan, beero abuurtaan, xoolo dhaqdaan si aysan u dhicin wixii ku dhacay oo kale, sidaas oo keliya kuma ekaanine, waxy dadrdaaran qoraal ah u dhaafeen dadka dhalandoona iyo kuwa ka sii dambbeyo, in ay deg-deg u beertaan beero, una cootaan xoolo, si ay baahidooda ugu filaadaan, isuna kaafiyaa.  Waxay kaloo caddeeyeen in Dahab iyo Daaro aan waxba tarin haddi raashinkaada aad ka sugtid in ay kuu keenaan waddamo kale….


Mardhabaano Dahab ka buuxa


Aqristee, waa sua’le maxaan ka baran karnaa sheekadaan?

Haddii aan u soo laabano xaaladdaa ay ku sugantahay Somalia, iyo isku filaansha la’aanta xagga waxsoo saarka raashinka, iyo buuxinta baahiyaha muhiimka u ah jiritaanka nolosha aadanaha, waxaan joognaa meel aad u hooseyso.  Waxaa xaqiiqa ah in dadkeena ku noolaa muddo soddon sano iyo dheeraad:

1.       Barakac Joogta ah

2.      Mucaawino shisheeye,

3.      Camal la’aan

4.      Tuugsi

5.      Abaaro

6.      Dagaalo sokeeye

7.      Jaha wareer siyaasadeed

8.      Dowlad jilicsan

9.      Kala qybsanaan

10.  Qabiilka oo si xun loo istimaaloo

11.  Kuw kale oo badan

Waxaa jirata in ugu yaraan seddax illa iyo afar fasal aanan wax dalag ah la goosanin labadii sano ee ugu dambeysay 2020 -2022.  Dadkii wax soo saarka laf dhabarka u ahaa in ay ka soo tageen howlahoodii, wax u beddelana aysan helin.  Dakii dhalinyarada ahaa, ay dhukale u qaxeen, kuwa kalena dayaarado lagu dhoofiyay in ay ka shaqeeyaan Carabaha iyo meelo kale ee aanla  hubin sida ay ugu nabad gelidoonaan.

Waxa hadda aduunka ka socdo dagaal laga cabsi qabo in uu fido, dalwalibana wexuu u diyaar garoobeyaa sidii ay sameeyntiisu ay u yareen lahaayeen, iyagoo ku dadaalaayo keydkooda xagga raashinka in ay kordhiyaan iyo waxyaabaha muhiimka u ah nolashooda iyo jiritaankooda.  Waxaa la yaab leh in dadka Soomaalida aysan u jeedin in ay arrimahaasi oo kale ay ka tabaabusheeystaan, si ay isku filaan u gaaraa……

Dalka iyo dadka Soomaalida waxay si sharaf iyo dadnimo leh uga soo gudbeen xilliyo aad loogu dhamaaday oo aduun weynaha si weyn u saameyay, waxayna xoogga saari jireen keydinta bardarka kala duwan oo qaarkood loogu tala galay in la isticmaalo xilyada abaaraha, iyo marka ay jirto macaluusha, waxaa la isticmaali jiray “Waambbaha” oo lagu dhergo in aad uga yar inta laga qaato Bariiska, Masaggada ama Galeeyda.’

 Dhaqaalah aduunkoo oo idil, ayaa hoos udhacay, dagaalkaasi dartiis, waxaa waddamo qaar la la’yahay ama yaraaday qaali na noqday raashinka qaarkiis.  Dalkeenu wuxuu ka mid yahay aduunka, waxaana jirta in dalka Somaalida uusan haysanin keyd raashin ah oo wadi karo haddii uu dagaalka Ruushka iyo Ukreen uu daba dheraado, ama uu aduunka kale ku baaho.  Waxaa muhiim ah in aan ognahay maxaan ugu tala galnay haddii ay xaaladdu xumaato? Imisa bilood buu nagu filanyahay raashin kaydka noogu jiro, waa haddi aanu haysana ba?

Inkasta ay Soomalidu leedahay xoolo farabadan, oo leh Geel, Lo’, Ari, Ido, iyo Digaag ba, kheyraadka badda oo ay dheertahay ugaarta iyo duurjoogta xalaasha ah oo la cuni kro haddii loo baahdo.  Hadana waxaad mooddaa in ay lumiyeen kasoonidii ay ku isticmaali lahaayeen kheraadkooda, sida caanaha iyo hilbka xoolaha dalka, kuwaas oo ah kuwa si dabiici ah u koray ama loo dhaqaaleeyo….. Waxaad mooddaa in dadkii Soomaaliyeed qaarkood ka wareegeen cunista iyo cabbista hilibka  iyo caanaha xoolaha Soomaaliyeed, waxyna door ka bideen in ay cabban caano booro iyo hilib  gaar ahaan “ digaagga”  meelo kale laga soo waariday.   ….. Taasi waxay hoos u dhigeeysaa hanka beeraleeyda, xoolaaleyda iyo xoogagga wax soo saarka hunguriga dalka, waxay ku kalifeeysaa in ay iska daayaan in ay isku howlaan, madaama dadka isticmaala ay aad u yaryihilin una leexdeen waxyaabo kale oo beddelay badeecaddooda, kuwaas oo laga helo dukaamada “Supper Market” yada dalka, gaar ahaan kuwa ku yaala magalooyinka.

Taasi waxaa dheer in inta badan dadka ku howlan  soo saaridda quudka, mar kast ay ku socdaan dagaalo sokeeye, oo laga soo bara kicinaayo goobihii ay ku sugnaayeen, haddana ay degganyihiin cirifyada magaalooyinka waa weyn, iyaga oo u wareegay in ay u xoogasadaan  siyaabo kale, kana rajo dhigeen ku laabashada beerihoodii iyo xoolahoodii, madaama ay kala kulmaan caqabo amni, khataro naf iyo maalba leh.  Waxaad moodaa in haddii aysan waxa ba qabanin ay u amaan roontahay marka ay ku jiraan wax soo saar.

Waxaa kaloo maqan daryeel hantida dabiiciga ah ee ay ku qotonto dhaqaaleynta Beeraha, Barta iyo Bay’addaba, sida xaneeynta ama dhowrist webiyada, dhirta, iyo duurjoogtaba.  Mana jirto mashruuc lagu hagaajiyo, ama lagu dayactiro sida webiyada.  Waxaa jirta in Webiyada lagu shubu qashinka, bacda iyo waxyaabo kale oo yareeynaaya mugga caadiga ah ee webiga, waxayna ugu dambbeyn webiga sameeynaayaa fatahaad taas oo dadkii webiyada ku  dhawaa oo biyihii ku soo fatahan, uu fatahii meel uusan weligii gaari lahay uu gaaro, dad badana ay ku bara kacaan, xoola badana ay ku dhumaan.  Taas oo dadkii saboolnimo u keeneysa, iyo in iskaba guurana ku kalifeeysaa.  Qaarkood waxay ku soo biiraan dadka bara kacyaasha ah ee deggan cirfaha magaaloonyika waaweyn, isla markaasina uu qofkii uu lumiyo kalsoonidii iyo xifaddi uu dib uu ugu laaban lahaa wax soo saarkii uu weligiis ku howlanaa.  Kuwii aad u adkeysta oo isku daya in ay wax soo saarkaasi ku jiraan waxy la kulmaan caqabado aan caadi ahyn oo ay ka mid tahay qarashka wax soo saarka oo aad u sareeya, mar kastana ay khassro ku jiraan, madaama aan badeecadoodu ay suuq lahay, canshuur bandanna la dulsaaraayo, ayaga oo aan wax taakula ah oo ku saabsan horumarinta wax soo saarkooda aan innaba helin.

Bal ila fiiri xaaladda Webiga Shabelle iyo sida uu nooga duugmi karo haddii ann wax laga qabanin.


Wabi Shabeelle oo guray


Waxaa laga yaabaa in webigii uu naga leexdo ama la leexsado madam aan anagu daryeeleynin, oo ay dhici karoto in la yiraahdo, halkaan beri webi baa mari jiray.

Ann isweyddino, anagoo waxwalba haysano, miyaan iska bi’inaa, oon ka tagnaa?   Mise waxeena ayaan hagaasanaa oo aan sidii naloo soo gaarsiiyaya aan ubadkeena ubadkiisa u gaarsinna?

Waxaa hubaal ah in shacbigu ama dowladdu aysan haysan keyd lagu bar baxo.   Dowladda aysan sheegin marna ku caawinin dadkeeda sidii dhibaatooyinka qaar looga hortagi lahaa, sida sici bararka, iyo raashinkii macaawanda oo go’a’, madaama dalakii na siin jiry oo tooda la tacaalayaan…., mucaawanadaha shisheeye ma yahay mid aan isku haleeynkarno, oo weligeed socondoonto.  Hadaba sideen uga baxnaa?  Ma ka fakari karnaa in aan dib u eegno sidii awoowa yaasheen sadaqoda, iyo sakada ugu geen jireen wadamo kale oo sabool ah, sidii ay uga qeyb qaateen in ay Kacbada xariirta ugu gogleen?

Xusuusin:   in aan keyd raashi ah yeelano waxaa naloogu sheegay Qur’aanka, Suuratu Yuusuf, Aayadaha 43 illaa iyo 49, waxayna tilmaameeysaa riyadii boqorka iyo fasirkii nabi Yusuf, oo ahaa todobo sano oo barwaaqo ah, oo ka dambbeeyo todobo abaar.  Oo la leeyahay todobada aaranka ah wixii dalag ah ee soo baxa in wax yar laga cuno inta kalena la keydiyo, si loogu bar baxo todobada abaarta ah ee xigta. Ayadahaasi waxay na tusaayaan muhimadda ay leedahay in ay dadku qorsheeystaan keydka raashinka, waxayna ka mid tahay maareeynta abaaraha.

Waa waajib ah in ay dowladdu qaadato go’aan, sameeyso qorsho diyaar garow ah in haddi abaari dhacdo xalkeeda  uu diyaar yahay, ka horna in ay dadaasho, dhiiri geliso, kuna booriso, beeraleeyda in ay beeraan badar si dadk loo bahi tiro. 

Maanta dal walba ee dunidaan kuyaala wuxuu heegan ugu jiraa in uu cunto urursado, wacyi gelin u sameeyo dadkiisa sidii ay uga badbaadi lahaayeen aafada dagaalka, cunto yarida, iyo waxyaabo kale oo muhiim u ah in la qorsheeyo waqtiyada dagaalada, iyo sidii loo badbaadin lahaa nool iyo moot ba oo aafada soo gaarta ay ka bixi karaan.

Haddii aanan qorshe la’aan, tashi la’aan iyo tacbbasho la’aan ku socono, waxaa noqoneynaa:  ma tashade, ma tacbade, ma tashiishe iyo ma toshe, taasi waa  xaaladaha dadnimo ugu liidata.  Waxaase hubaal ah in awoowe yaasheen ay ka soo badbaadeen xaaladihii dhibka badnaa, oo soo wajahay, sida abaartii, Maqaaro duba, Dabadheer, iyo aafadaha cuduro halis ah oo ka mid ahaa cuduradii dalka haleelay sida, cudurkii dilaacay sannadkii la magac baxay  “Sabti Dooliloow”.  Waxay kaloo ka badbaadeen dagaalo sida dagaalkii 1aad, labaad iyo iska xoreeynta isticmaarka dalkooda haystay. Waxay Somaalida ka soo gudbeen  dhawaan  dagaalkii u gaarka ahaa ee dhaxalsiiyaya burburkii dalka iyo dowlad ba, ee soo jiitamay ku dhawaad soddon sano.

Akhristow adigu maxay kula tahay?


Amina Sharif Xasan
Email: [email protected]


 





Click here